Mahrajaanka Altaqwa

0
Wednesday October 30, 2013 - 04:32:35 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2124
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 6
  • 12 2
  • Share via Social Media

    Mahrajaanka Altaqwa

    >>>

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

>>>

 Mahrajaanka Altaqwa 21-22 Dulxija 1434 ku beegan 26-27/10/2013.

 

Dadaal badan, soo jeed badan, muraajco badan, kafee badan, iyo waafajinta Alle waxaa inoo dhamaadey MAHRAJAANKII 2aad oo socdey 2 malin Sabti iyo Axad 26-27/10/2013 ku beegan 21-22 Dulxijjah 1434, Qolka MAHRAJAANKA Altaqwaa.

 

Gabadhahan ayaa ah kuwo dadaalay, habeeno soo jeeday Ilaaahay talosaartey halqabsigooguna u ahaa 

"Baraarugay Baraarugay Baraarugay Baraarugay,

Baraarugay bari hadaan bad kale ku jirey,

Baraarugay barihadaan wadada ka beydhey,

Baraarugay barihadaan duruusta ka baaqday,

Baraarugay barihadaan la baqeylay waqtiga,

Baraarugay barihadaan qolalkale ku booday,

Baraarugay barihadaan qabiil ku buuqey,

Baraarugay barihadaan facebook galay,

Baraarugay barihaduu shaydaan I baacsaday,

Baraarugay barihadan xanta buubin jirey,

Baraarugay barihadaan balaayo ahaa,

Baraarugay oo bartey quraanti,

Baraarugay oo bartey tafsiirkii,

Baraarugay oo bartey duruusbadan.

Baraarugay oo ka haray balaayo,

Baraarugay oo baal ka galey Altaqwa,

Baraarugay oo ka badbaaday hallaw,

Baraarugay oo u baxey buur dheer,

Baraarugay oo bartey xaqeyga,

Baraarugay oo bartey xaqa dadka,

Boqoraw Allaw ada baasidee,

Kuwa barta diintee baraaruga nagayeel.

Kuwa kheyrk boobe badbaada nagayeel,

Allaw intii na bartey Xasaniyo Xanafiyo,

Kuwa buunka hayee boogaainta wada,

Allaw barakee oo barwaaqeee,

Banaatka aan daaleyn Bintumire Ilwaadiyo

Bintumuuse Zunairoos iyo faatima bintu suleym,

Wa bilis barakeysanoo baal dahaba lagu qorey

Baroortu orgiga ka weyne baahi cilmi ruuxay haysaw

Bartamaha Altaqwa iyo madarasadaa inoo balan ah,

Baraarugay Baraarugay Baraarugay Baraarugay””

 

Runti hadi aad maqasho marka ay fasirayaan quraanka xaadda ku istaageysa oo ilin kulul ba ka imaneysa, sida kalmadaha iyo macnaha la isku saarayo, sida loola qiiroonayo ee loogu oynaayo ayaatka ka hadlaya cadaabka, farxada aad ka dareemeyso ayaatka bishaarada iyo janada ka hadlaya, siday u kala cadeynayaan sababbu nusuulka iyo makaanka ay ku soo dageen suuradaha, YAA SALAAAM,

 

Waxa jira waxyaabo cajiib ah oo aan aad ula dhacey markaan arkey waxaana ka mid ah 

Tashjiicinta iyo goobaabinta ka muuqata sabuurada sida "Masha Allaaah, Allaaahu Akbar” ayado la raacinaayo magaca qofka aqrinaayo, waxaa kale oo ka mid ah kala dambeynta iyo ixtiraamka ay isku muujinayaan iyo waliba erayada quluubta so jiidanayo e la isdhaafsanayo sida "Ukhtiii, xabiibtii, qaali,,, IWM”

 

Gabdhahan wa kamandoos u socda si xawli ah-kaleexo yaysan ku jiirin-, aan aqoon waan mashquulay aan aqoon waan xanuunsaday, ayago ku jira shaqada guriga ama shaqooyinka caadiga ah ama cisbitaalada ku jira hada wa soo taaganyihiin, ayago dhahaayo, yaan la I dhaafin, igadaba geey, qeyrkay I gaarsi, halkaas waxa ka muuqata in hadi qofku uu rabo ama uu dareemayo in rabitaan ku jiro waxwalba oo hor istaaga wa ka gudbaa asago u socda hadafkiisa weyn ee uu rabo inuu gaaro, meesha waxa ka baxeya hadalada ah, wax ma baran karo, damiin baan ahay, ogaw somalidu waxey dhahdaa afkaaga waxaad ka dhahdid agtaada ka fiiri,

 

Marka la fiirsho aduunka waxaan maqli jirey oo aan arkey ardey jaamicadeed oo hal qol la iskugu keeney  oo losoo xiriirinaayo macalin jooga jaamicad kale, lkn ALTAQWA waxey keentey boqolaaal ardey oo kala jooga daafaha dunida iney hal mar casharada qaataan ayago jooga guryahooda, la dheelayo ilmahooda, la kaftamaayo xaajigooda, diyaarinaayo qado ama casho, ya salaam xata shaahii shiilna uusan ka dheereyn, wa nimcad ka mid ah nicmooyinka Alle, ee mudan in loogu xamdiyo. PALTALK wa midi labo af leh kheyr iyo sharba wa ku jiraan laakin waxaa liibaanay ruuxa u isticmaalay dhanka khayrka waqtigiisane ka faa’iidaystay.

 

Ha iloobin iney jiraan dad ka qatan nimcadaas oo ka dhacay meelo daran iyo reero muskood  oo ku mashquulay wax aan loo baahnayn, u ducee in Allaah uu waafajiyo kheyrka, hana iloobin walaalahan dadaalay kheyrka ku jira inaysan ayagu keensan o ay tahay tawfiiq Alle, fadlan ayagane u ducey in Allaaah uu ufududeeyo cilmiga iyo barashadiiisa, Allaaw u fududee Amiiin….

 

** dhawaan waxaan soo gudbin doona qodabo kale oo ku saabsan Ardayda Tafsiirka Altaqwaa.

 

 fh3(Minbar Altaqwa)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip