Muqararul Fiqi (Axkaamu Dalaaq) Mas'lada 49-60

0
Saturday June 22, 2013 - 20:00:51 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 3155
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muqararul Fiqi (Axkaamu Dalaaq) Mas'lada 49-60

    Muqararul Fiqi (Axkaamu Dalaaq) Mas'lada 49-60>>>>

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqararul Fiqi (Axkaamu Dalaaq) Mas'lada 49-60>>>> مسألة(49)الرجعة لها أحكام الرجعة في أمور كثيرة
Rajcada waxaa usugnaatay axkaam badan

يلحق الظهار, والإيلاء,وللعان, والطلاق عند جمهور , ولها الإرث, بالإجماع ,وعليه النفقة, والسكنى.
Waxaa la haleelsiinayaa aldihaar iyo iilaa,iyo allicaan,iyo furitaan siday ku tageen jamhuurtu waxayna leedahay dhaxalkeeda waana ijmaac, waxay kaloo leedahay biil iyo meelay degto


مسألة(50)هل يباح لزوجها وطؤها ,والخلوة بها والمباشرتها؟
Ma ubanaantahay ninkeedii ee hora ufuray intiii cidada ay ku jirto inuu ugalmooddo ama uu la baashaalo ama uu la goni noqdo

فيه مذهبان :الأول لا يجوز الاستمتاع بها ولا مباشرتها ,والنظر إليها بشهوة,وهو قول عطاء ومالك والشافعي واحمد في رواية.
Labo mad,hab ayaa ku sugan midka koobaad ma banana inuu la baashaalo iyo inuu ku raaxaysto iyo inuu u fiiriyo shahwo

فتح العلامة في دراسة أحاديث بلوغ المرام(4)
مسألة(51)إذا كانت المرأة حاملا باثنين فولدت أحدهما فهل له الرجعة قبل الولادة الثاني؟

Haweenaydu haday tahay mid uur ah labo cunug oo ay dhasho mid ma ubanaantahay inuu soo cesho intaysan dhalin midka kale

عامة أهل العلم على أن له الرجعة ما لم تضع الثاني
Culumada intooda badan waxay ku tageen inay ubanaantahay inuu soo celiyo intaysan dhalin midka kale

مسألة(52)إذا راجع الزوج امرأته فادعت أن عدتها قد انتهت؟
Ninku xaaskii uu furay haduu soo ceshto oo ay sheegato in cidadii ay horay udhamaatay?

ذكر اهل العلم أن المرأة تقبل قولها فيما ادعت ذالك في زمن يمكن انقضاؤها فيه عادة
Culumada waxay sheegeen in hadalkeeda la aqbalayo waqti uu suurto gal yahay inuu dhamaaday cidadeeda

مسألة(53)إذا ادعى الزوج المراجعة وأنكرت ذالك المرأة؟
Ninka haduu sheegto inuu soo ceshtay tii uu furay ayadana ay inkirtay ?

إذا ادعى ذالك في زمن عدتها ,أنه راجعها بالأمس أو قبل الشهر فبل قوله لأنّه يملك الرجعة في ذالك الحين
Hadii uusheegto waqtigii ayku jirtay cidada inuu soo celiyay sida shalay ama bil ka hor hadalkiisaa ayaa la aqbalayaa waayo asaga ayaa haystay rajcada waqtigaas

وهذا قول الحنابلة والشافعي وأصحاب الرأي وغيرهم من أهل العلم
Waana sida ay ku tageen mad,habka shaaficiyada iyo xanaabilada iyo asxaabu ra,yi iyo ayaga qayrkood

مسألة(54)ما هو الإيلاء؟
Waa maxay iilaa?

هو ترك الوطء المرأة
Wuxuu yahay iilaagu inuu ninku ka dhaarto galmada xaaskiisa

مسألة(55)كم مقدار الايلاء؟
Imissa weeye waqtigiisu ?

لا يكون الإيلاء إلا إذا حلف على ترك وطء أكثر من أربعة أشهر.
Ma ahan iilaagu ilaa uu ka dhaarto ninka inuu utago xaaskiisa wax ka badan afar bilood mooyee

مسألة(56)إذا انقضت أربعة أشهر ولم يرجع فما يجب؟
Goortii ay dhamaato afar bilood uusan ulaaban xaaskiisa maxaa waajib noqonaya ?

أكثر اهل العلم على أن الطلاق لا يقع بمجرد انقضاء المدة, وإنما يوقفه الحاكم ويخير بين أن برجع أو يطلق.
Culumada intooda badan waxay ku tageen dalaaqaas inuusan ku dhacaynin waqtiga oo dhamaada ,midka qaadiga ayaaa joojinaya waxaana lakala doorsiinayaa inuu uu noqdo ama uu furo

مسألة(57)إذا أبى أن يفيئ أو يطلق؟
Hadii uudiido inuu unoqdo ama uufuro ?

قال بعض أهل العلم يطلق الحاكم وهو قول مالك والشافعي وأحمد.
Culumada qaarkood waxay yiraaheen qaadiga ayaa furaya waana sida uu ku tagay maalik ,shaafici iyo axmed =



مسألة(58)هل للحاكم أن يطلق عليه ثلاثا؟
Xaakimka ma ubanaantahay inuu ku furo saddex

الصحيح ليس له إلا واحدة ,كما في المذهب الشافعي.
Waxaa saxiix ah inaysan usugnaanin ilaa hal dalqad mooyee waana sida uuku tagay mad,habka shaaficiga

مسألة(59)ما هو الطلاق الذي يقع على المولي؟
Waa maxay furitaanka ku dul dhacayo midka xaaskiisa ka dhaartay inuu utago?

ذهب جماعة من اهل العلم إلى أنه كلاق الرجعي سواء طلق بنفسه او أوقعه الحاكم
وهو قول مالك والشافعي واحمد في الرواية

Qayb kamid ah culumada waxay ku tageen inuu yaha furitaan rajci ah waxaana isku mid ah inuu asaga furo ama qaadiga uu furo,waana sida uuku tagay maalikki ,shaafici iyo ruwaayad ka sugan axmed

مسألة(60)إذا كان المولي لا يستطيع أن يفيئ بالاجماع لعذر يمنعه من مرض أو غيره؟
Kii xaaskiisa kadhaartay inuu ugalmoodo ,haduusan awoodin jimaac cudurdaar ka celinaya sida xanuun iyo qayrkis?

جمهور العلماء يقولون عليه أن يفيئ بلسانه
Jamhuurta culumada waxay yiraahdeen dudhiisa waxa ahaatay inuu carabka uga laabto


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip