Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul-Baqarah 1-16*)*) Li Sh Xasan Ibraahim ciise

0
Sunday June 09, 2013 - 18:49:46 in Kutubta axaadiista by Somali islamic
  • Visits: 6404
  • (Rating 4.6/5 Stars) Total Votes: 5
  • 13 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul-Baqarah 1-16*)*) Li Sh Xasan Ibraahim ciise

    Tafsiirka Quraanka Kariimka Oo maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman waana Casharkii Xalay baxay Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafsiirka Quraanka Kariimka Oo maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman waana Casharkii Xalay baxay Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah.

Allaah baa og waxa uu ula jeedo Xuruuftaan waxayna ku Tusayaan Mucjisada Qur'aanka

الم﴿١



Kaasi waa kitaab aan shaki ku jirin Hanuun ayuuna u yahay Mutaqiinta (kuwa Dhorsada)

ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَۛفِيهِۛهُدًى لِّلْمُتَّقِينَ﴿٢

Waa kuwa Rumeeya Qeybka (wax aan la arkin) Salaadana ooga, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya



الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ﴿٣


Waana kuwa rumeeya waxa lagugu soo dajiyey Nabiyow, iyo wixii la dajiyey hortaa, Aakhirana yaqiinin.

وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ وَبِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ﴿٤

kuwaasi hanuun Rabigood ayey ku suganyihiin, kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.

أُولَـٰئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْۖوَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ﴿٥

kuwii Gaaloobay waxaa isugumid ah udigtayaa iyo umaadan diginaa mana rumeeyaan (xaqa).

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا سَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ﴿٦


Rabi baa daboolay Quluubtooda iyo Maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley Dabool waxaana u sugnaaday Cadaab weyn.

خَتَمَ اللَّـهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَعَلَىٰ سَمْعِهِمْۖوَعَلَىٰ أَبْصَارِهِمْ غِشَاوَةٌۖوَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ﴿٧

Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhahayo waxaan rumeynay Eebe iyo maalintii dambaysay (Qiyaamada) haddana aan Mu'miniin ahayn.

وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللَّـهِ وَبِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ﴿٨

waxay khiyaameyn Eebe iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey mana khiyaameenayaan naftooda ma ahane mase dareemayaan.


Quluubtooda waxaa ku sugan xanuun, Allaahna wuu u siyaadiyay Xanuun waxayna mudan Cadaab daran Beentoodii Darteed.

يُخَادِعُونَ اللَّـهَ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلَّا أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ﴿٩


فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ اللَّـهُ مَرَضًاۖوَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُوا يَكْذِبُونَ﴿١٠

Hadii loo yiraahdo ha fasahaadinina dhulka, waxay dhahayaan waxaan nahay kuwa wax hagaajinayo uun.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ قَالُوا إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ﴿١١

Hooyaay ayaga unbaa fasahaadiyayaal ah laakin ma dareemayaan

أَلَا إِنَّهُمْ هُمُ الْمُفْسِدُونَ وَلَـٰكِن لَّا يَشْعُرُونَ﴿١٢


marka lagu dhaho rumeeya sida Dadku u rumeeyey waxay dhahayaan mawaxaannu u rumayn sida sufahada (Caqli gaabka), waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ آمِنُوا كَمَا آمَنَ النَّاسُ قَالُوا أَنُؤْمِنُ كَمَا آمَنَ السُّفَهَاءُۗأَلَا إِنَّهُمْ هُمُ السُّفَهَاءُ وَلَـٰكِن لَّا يَعْلَمُونَ﴿١٣


markay la kulmaan kuwa ru-meeyey (Xaqa) waxay dhahayaan waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydaamiidana waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta).

وَإِذَا لَقُوا الَّذِينَ آمَنُوا قَالُوا آمَنَّا وَإِذَا خَلَوْا إِلَىٰ شَيَاطِينِهِمْ قَالُوا إِنَّا مَعَكُمْ إِنَّمَا نَحْنُ مُسْتَهْزِئُونَ﴿١٤


Allaah ayaa ku JeesJeesayo ayagana wuuna u Ziyaadin Qooqooda dhexdiisa ayagoo wareersan.

اللَّـهُ يَسْتَهْزِئُ بِهِمْ وَيَمُدُّهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ﴿١٥


Kuwaas waa kuwii ku iibsaday hanuunka Baadida mana u ribxin (faa'iidin) Tijaaradooda mana ahaanin kuwa hanuuna.

أُولَـٰئِكَ الَّذِينَ اشْتَرَوُا الضَّلَالَةَ بِالْهُدَىٰ فَمَا رَبِحَت تِّجَارَتُهُمْ وَمَا كَانُوا مُهْتَدِينَ﴿١٦



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip