tafsiirka Suuratul Cankabuut-- 24--30 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

0
Tuesday April 30, 2013 - 17:38:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    tafsiirka Suuratul Cankabuut-- 24--30 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

    Tafsiirka Qur'aanka oo Maqal iyo Qoraal Afsomali ah ku Turjuman suuratul Cankabuut Aayada 24--30 Ka Faa'iidaysi wacan Gaarsii Ehelkaaga, Deriskaada iyo Asxaabtaada, by Golaha isbedelka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafsiirka Qur'aanka oo Maqal iyo Qoraal Afsomali ah ku Turjuman suuratul Cankabuut Aayada 24--30 Ka Faa'iidaysi wacan Gaarsii Ehelkaaga, Deriskaada iyo Asxaabtaada, by Golaha isbedelka Soomaaliya

Jawaabta Qoomkiisana ma ahaanin in ay yiraahdaan ma ahane Dile ama Guba, Markaasaa Allaah ka badbaadiyay Dabkii, Arinkaasna Aayaad ayaa ugu sugan Qoomkii wax Rumaynaya.

فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا اقْتُلُوهُ أَوْ حَرِّقُوهُ فَأَنجَاهُ اللَّـهُ مِنَ النَّارِۚإِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ﴿٢٤



Waxuu yiri (Nabi Ibraahim) waxaad yeelateen uun Alle ka sokow Sanamyo Jeceel dhexdiina ah dartiis Nolasha Aduunyo, Maalinta Qiyaamase wuu ku kufrinayaa Qaarkiin Qaarka kale wuuna lacnadi Qaarkiin Qaarka kale, Hoygiinuna waa Naarta wax idiin Gargaarana idiinma Sugnaanin.

وَقَالَ إِنَّمَا اتَّخَذْتُم مِّن دُونِ اللَّـهِ أَوْثَانًا مَّوَدَّةَ بَيْنِكُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَاۖثُمَّ يَوْمَ الْقِيَامَةِ يَكْفُرُ بَعْضُكُم بِبَعْضٍ وَيَلْعَنُ بَعْضُكُم بَعْضًا وَمَأْوَاكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّاصِرِينَ﴿٢٥


Waxaa rumeeyay (Nabi Ibraahiim) (Nabi) Luud wuxuuna yiri (Nabi ibraahim) waxaan u Hijroonayaa Rabigay Rabina waa Adkaade Falsuuban.


فَآمَنَ لَهُ لُوطٌۘوَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّيۖإِنَّهُ هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ﴿٢٦


Waxaan u hibeenay Isxaaq iyo Yacquub waxaana ka yeelnay Faraciisii Nabinimo iyo Kitaab (lasiiyay) Waxaan siinay ajarkiisa Aduunka dhexdiisa Aakhirana wuxuu ka mid yahay Kuwa wanaagsan.

وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَجَعَلْنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ النُّبُوَّةَ وَالْكِتَابَ وَآتَيْنَاهُ أَجْرَهُ فِي الدُّنْيَاۖوَإِنَّهُ فِي الْآخِرَةِ لَمِنَ الصَّالِحِينَ﴿٢٧


(Nabi) Luudna Xusuuso markuu ku yiri Qoomkiisa waxaad la imaaneesaan Xumaan uusan la imaan Qof idinka horeeyay Caalamka.

وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ إِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنْ أَحَدٍ مِّنَ الْعَالَمِينَ﴿٢٨


Idinka mawaxaad u tegaysaan Raga waxaadna gooynaysaan jidka lana imaanaysaan Naadikiina wax la naco, Ma ahaanin Jawaabta Qoomkiisa in ay dhahaan mooyee noo keen Cadaabka-





Eebe Hadii aad ka mid tahay kuwa Runta sheega.

أَئِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الرِّجَالَ وَتَقْطَعُونَ السَّبِيلَ وَتَأْتُونَ فِي نَادِيكُمُ الْمُنكَرَۖفَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا ائْتِنَا بِعَذَابِ اللَّـهِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ﴿٢٩


Wuxuu yiri (Nabi Luud) iiga gargaar Qoomka wax Fasahaadinaya.

قَالَ رَبِّ انصُرْنِي عَلَى الْقَوْمِ الْمُفْسِدِينَ﴿٣٠




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip