Yaa u Wanaagsan In Saaxiib Dhow laga dhigta?

0
Saturday April 27, 2013 - 17:06:49 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 8677
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 6 3
  • Share via Social Media

    Yaa u Wanaagsan In Saaxiib Dhow laga dhigta?

    Salaama Calaykum Axibatii filaah..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 23 KB
Salaama Calaykum Axibatii filaah..

Yaa u Wanaagsan In Saaxiib Dhow laga dhigta?

Fiiro gaar ah: Akhristoow ha fududaanin oo markii aad aragtid ciwaanka ha oranin waa maxay saaxiib iyo waxaa laga hadli waxaasi waa  fikir gaalo ee akhri waxaa laga yaaba hal erey oo ku anfaca ina ka hesho, talada ka maqana ogow walalka bay ku jirtaye. Marka haka boodin ciwaanka sheekada.

Culimada ku takhasustay cilmiga bulshadu wexey yiraahdaan, horumarka qofku uu noloshiisa ka gaaro waxaa asal u ah boqolkiiba in badan qaab la dhaqanka iyo xiriirka uu la leeyahay dadka iyo bulshada halka boqolkiiba xooga ay tahay xirfaddaha/aqoonta cilmiyeed ee uu leeyahay wexey doonto ahaatee.

Hadaba Saaxiibnimada bini aadamku waa inay leedahay qiimo, qadarin, ixtiraam, daacadnimo, xifidaad, ku dayasho, caawimo iwm. Ruux kasta oo bini aadam ah wuxuu doonayaa  amaba allah uu ku abuuray inuu ruux la saaxiibo sida laba gabdhood oo saaxiib ah ama laba wiil oo saaxiib ah. Saaxiib inaa ruux la noqotana waa wax dabci ahaan inagu abuuran oo aan helo ruux ina dhegeysta oo aan kala sheekaysano waxyaabaha maskaxdeena ka guuxaya. Balse waxaa is weydiin mudan yaa jeceshahay inaa la saaxiibto? Yaad saaxiib la tahay? Maka dhigan gartaa saaxiib dhow ninkaaga,naagtaada, hooyada, aabaha, gabadhaada,wiilkaaga?  maxaa somalida badana looga waayey arintaas?

Qof kasta wuxuu raadiyaa saaxiib wanaagsan, oo khayrka iyo wanaga ay isku kaashadaan, oo sirtiisa uu u sheegan karo, mana xuma in la badsado dadka wanaagsan, laakiin sow saaxiibkasta uma baahna kasbasho? Laba ruux oo kasta ood aragto oo wada socda ama saaxiib ah waxa jira xeer hoosaad ay leeyiihiin, kaas oo ay ka mid yihiin,in aad ixtiraamto walaalkaga fikirkiisa, dhegeysato aragtidiisa, la joogto xiliyada uu rabo cid dhiniciisa istagta, la qaybsato dareenkiisa farxad iyo murugaba, badana waa aragtay su,aalaha jawaabta yar leh sida haa/maya ah iskuma badiyaan dadka saaxibada ah, waayo hadalkii baa kasoo xirmaya, waa dad si xeel dheer isu waraysta, hadan tusaale usoo qaadano hooyooyinka soomaliyeed oo kale, badana telefoonka guriga waxay ku hadlaan in mudo ah waxay rabaanba ha kala sheekaysteen cida ay la hadlayaane.

Waxaan is waydiiyey sow suuragal maaha hooyadan 4-5ta saac la hadlaysa hooyo kale oo ay saaxiib iska dhigteen, miyaanu qiimo la lahayn wakhtiga, miyaanayse lahayn dano kale oo ay qabsan karto 4-5ta saac,mase ku fekertay hooyadaasi  inay la saaxiibto ninkeeda, gabadheeda, wiilkeeda. Somali hadaa nahay dhaqan adag baa leenahay oo waxaa inagu badan dadka aaminsan in naag iyo ninkeeda aanay saaxiib isu sheegta siraha hoose noqon Karin, sabab, Ma arimaha reerka iyo manta ilmaha xagee la geyn uun baad isugu imanaysan iyo ilmaha qado u kari adna ilmaha iskuulka gee ama kazoo qad, waa sax in arimaha reerka laga wada hadlaa, laakiin ogow xiliyada ad u baahato saaxiib ku dhegeysta ama aad la sheekaysato qofka kuugu dhow ee kuu xifdin kara sirtaada aan cidkale u gudbinayn, dareenka aad qabto aad u sheegan karto inuu yahay ninkaaga/xaaskaga, maxay tahay sababta aad ugala hadli wayday ninkaaga waxaa ka guuxaya maskaxdaada yarta ah iyo qorshayaasha aad damacsan tahay, sasab aad wakhti badan u wada heli waydeen oo labadiina keliya idiin gaara oo aad wada sheekaysataan si daacad ah, ma waxaan jirin  kalsoonidii ay wax isugu shegan lahaayeen ninka iyo xaaskiisa, waayo lama oran karo amni ma jiro oo siro ka badan bay isu hayaan oo aan labadooda cidna la ogeyn oo Allaah isugu asturay,mise arintaas caado iyo dhaqan baanay inoo ahaynoo maba aynaan tijaabin! Maxaa hortaagan inaa tijaabino oo ogaano bal arintasi inay mid shaqaysa oo mira dhala noqoto anaaba og khayr badan baa ka danbayn doona iyo isku soo dhowaanshe!

Ma aragtay hooyo la saaxiib ah gabadheeda? Aniga ahaan intaan arkay waa yartahay hooyo iyo gabadheeda isla sheekaysta si qota dheer oo ay gabadhu ku dhiirato inay hooyadeed u sheegato waxyaalaha maskaxdeeda ku jira iyo waxyaalaha ay dareemayso yacni mustaqbal ahaan. Somalidu waxay dhahdaa "Geel laba jir soo wada mar”. hooyo kasta way soo martay xili ay ahayd dhalinyaro, xili ay  qiima badan siinaysay waxaa ay nafteeda jeceshahay, xili ay la dagaalamaysay waxyaabo badan oo nafteeda jeceshahay, xili ay jeclayd inay hesho saaxiib dhow oo ay u sheegato waxwalba.

Hooyo ma ogtahay gabadhaada inay marxalaadaas ku jirto iyo jawi weliba ka duwan kaad kusoo barbaartay adigu? Waayo wadamadan qalaad ee aan usoo qaxnay wax badan oo aan caado iyo dhaqan inoo ahayn baa ka jira, diinteenana kaba xaaram ah, side waayehee uga badbaadaysaa adiga iyo ubadkaaguba arintaas. Waxaa arkaysaa hooyo asturan xijaab weyn qabta oo suuqa la maraysa gabar qaan gaar ah oo surwaal qabta madaxana aanu u dadnayn! Cajiib, meeday hooyadii lagu dayan lahaa, meeday hooyadii gabadheeda bedeli lahayd. Waxaan arkay gabar hooyadeeda kula doodaysa hooyo ha ciyaarin kubad, horta ma ogtahay gabadhaan meesha ay kubad ciyaarka ku bilowday iyo cida ay la ciyaarto? Waa maya! Iskuulada waxaa ka jira xiisado GYM ah iyo xiisado Music ah oo ilmaha labadaba la rabo inuu ka qayb galo, hadaba soomalida waxay dhahaan " side xeero lagu xagtaa ilkuhuna u nabad galaan” waa adagtahay runtii laakiin ogow maskaxda gabadhaada wxaa ka guuxaya oo miisan culus weliba u saran waxyaalaha iskuulka laga soo yiri. Marka side aduu uga dejin kartaa culayskaas?

Ma ogtahay hooyo ilmaha gaalada iskoolka dhigata inay ka badan yihiin ilmaha muslimka ah ee raba inay ilaashaan waxa diintooda fartay? Gabarkasta ama wiilkasta oo qaan gaaray waxaa uu leeyahay dareen, dareenkaasoo maraya weliba xili uu jecel yaahy inuu tijaabiyo wax badan. Ma ogtahay in ilmahan gaalada ah aanay la xishoon wax walba oo ay iskuulada isku kilkileyn karaan oo halkaas wada ciyaari karaan iyagoo macalinka ama ardayda kale ay gobta joogan,wax ceebana uma arkaan. Ma is waydiisay saamayn intee le,eg bay ku reebi kartaa wiilkaaga ama gabadhaada qaan gaadhay ee iskuulka kuu aada? Aad bay u muhiim tahay marka aragto saaxibadaadii kale oo is wada kilkilaynaya inaa adna hesho wax jaranjarada laba jeer orod kaaga dejiya kuna soo saara, la qososho, kuna kilkileeya, kuu dhadhami mayso cida adiga kula midka ah ee waxaa rabtaa cid lidkaaga ah. Laakiin side ku helaysaa, yaa kaa saari kara dareenka noocaas ah, yaa kala sheekaysan kartaa waxa maskaxdaada ka guuxaya, yaa ku fahmi kara, yaa u sheegi kartaa inaa jeclaatay wiil/gabar aad fasalka islaa dhigataan, hooyada ma tahay hooyo ciyaalka xaafada ah oo kula socota ama dareemaysa xaalada ku jirto.

Waxaanba aragnay oo marag ma doonta ah in ciyaalka qaar marka la dhaha la kaalay waalidka uu ka meermeero ama aanu jeclayn in la arko iskuulka isagoo la socda hooyadi? Sabab, ma is waydiisay maxay kaaga carari ilmahaaga? Ogow hadaba daah weyn oo mugdi ah baa adi iyo ilmahaaga idin dhexyaale.

Anigu halkan hooyadaan kula hadlayaa, waayo aad waxaan u jeclahay gabar kastoo muslimad ah inay la badbaado diinteeda iyo sharafteeda oo cadowga ay ka nabad gasho. Hooyo isku day gabadhaada inaa u fahanto sidi aad u baahnayd xiligii aad dhalinyaranimadaas ku jirtay in laguu fahmo, wayo wad dareemaysaa wax walba. Cimilada iyo jawigan duwan la soco, warayso gabadhaada, waydii waxa ay jeceshahay, sii wakhti aad la kaftanto. Arimahaas hadaa samayso waxa noqonaysaa hooyo guulaysata oo ku faraxda nolosha gabadheeda iyo ubadkeeda kaleba, ha noqon hooyo qayla badan oo ad adag, is debci, jileec iyo naxariis iyo farxad hakaa dareeman ilmahaaga!




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip