SHARAXA AFARTAN XADIIS(متن الأربعين النووية من الأحاديث الصحيحة النبوية)

0
Wednesday March 27, 2013 - 18:04:09 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 10785
  • (Rating 2.8/5 Stars) Total Votes: 4
  • 20 9
  • Share via Social Media

    SHARAXA AFARTAN XADIIS(متن الأربعين النووية من الأحاديث الصحيحة النبوية)

    SHARAXA AFARTAN XADIIS(متن الأربعين النووية من الأحاديث الصحيحة النبوية)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHARAXA AFARTAN XADIIS(متن الأربعين النووية من الأحاديث الصحيحة النبوية)
بسم الله الرحمن الرحیم
KU BILAABID MAGACA ALLE EE NAXARIISTA GUUD IYO MIDDA GAARABA LEH


انما الاعمال بالنيات
         رقم الحديث : 1


عن أَمِيرِ المُؤمِنِينَ أَبي حَفْصٍ عُمَرَ بنِ الخطَّابِ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ : سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ: " إِنَّما الأَعْمَالُ بالنِّيَّاتِ وإنَّما لكُلِّ امْرِىءٍ ما نَوَى، فَمَنْ كانَتْ هِجْرَتُهُ إلى اللهِ ورَسُولِهِ فَهِجْرَتُهُ إلى اللهِ ورَسُولِهِ، ومَنْ كانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيا يُصِيبُها أو امْرأةٍ يَنْكِحُها فَهِجْرَتُهُ إلى ما هَاجَرَ إليه".


XADIISKA KOOWAAD :MIISAANKA CAMALKA WAA NIYADDA
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu'miniinta Cumar ibn al -Khaddaab Allaha k a Raalli Noqdee: inuu yir i ,waxaan maqlay Nebiga( s.c.w.) oo leh:

Camalku waxaaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guurkeeda,isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud".
Waxaa weriyay al -Bukhaari iyo Muslim
.


SHARAXA
Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo wuxuu ula jeedo ama u qasadleeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo Lillaahi loola Jeedo, rasuulki Allana howshaa lagu raad raacayo,camalkii waa ansaxay, haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan rasuulka Alle lagu raad raaceyn, camalkii waa buray.
Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tago oo lagu biiro xarunta lslaamka ee Mediina, taana waxaa loola jeeday in qofku ka guuro meesha aannu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta lslaamka si xurriyad ah.


FAA'IDADA XADIISKA

Wuxuu noo faa'ideynayaa xadiiskani arrimaha soo
socda:
1. Inaan Camalku Ansaxeyn Niyad Suuban la'aan..
2. In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan.
3. Camalka Alla aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la'aan, shareecadana waafaqsan.
4. Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsanaa kudara istus-tus ama uga gogol leh camalka adduun ku hel ,ama ha lagu ammaano ee magac iyo maal doon ah waxaa buraya ajarkiisa oo Ilaahay waxba ka sugi maayo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip