30 WAANO O KU SOCOTA DADKA TOOBADKEENEY.

8
Sunday February 01, 2015 - 03:22:54 in Wararka by
  • Visits: 4567
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 8 0
  • Share via Social Media

    30 WAANO O KU SOCOTA DADKA TOOBADKEENEY.

    ثلاثون وصية للتائبين

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ثلاثون وصية للتائبين


30 WAANO O KU SOCOTA  DADKA TOOBADKEENEY.

 








1-      Ha moogaan ­­­Ducada… waa daawo mida ugu weyn uguna nafci badan, qof kasta o raba inu ALLAAAH ka aqbalo tawbadiisa gacmaha kor ha u taago hana tuugo ALLAHA ducada maqla dhibtana feyda.


2-      Kudadaal sugnaanta iyo toosnaanta ALLAAH wuxu dhahay (Akhyaarta ku jahaaday dartanaga waxaanu ku hanuunin jidkanaga, ALLAAHna wuxuu la jiraa kuwa wanaagga fala) {cankabuut 69}.


3-      In aad ogaato cirib dambedka macaasidu ay leedahay, markasta o aad ka fakarto natiijooyinka dambiyadu ay leeyihiin waxaad go’aankaga aya awood yeelanayo.


4-      Naftaada waxay kuugu sheekeyn in aad ku laabato dambiyadii, lkn waxaad ka dheraataa waxkasta o kuu sahlaya ama ku xoojinaya nafta iney laabato.


5-      Ka dheerow saaxiibka xun, Nabigu wuxu yiri NNKH (qofku wuxu ku suganyahay diinta saaxiibkii ee midkiin ha iska fiirsho qofka uu la saaxiibayo) {saxixul-jamic 5858}.


6-      La saaxib akhyaarta aragoodu ku deeqayo inteysan hadlin ka hor.


7-      Waqtiga firaaqada ku buuxi wax ku anfacayo diintaada iyo aduunkagaba.


8-      Waxaa lagamamaaarman ah in aad hesho badal wanaagsan o aad ku badasho xumaanti aad ku jirtey, Tusaale dhagaysiga qur’aanku wuxu ku badalaya heesihii, asxaabta wanaagsani waxay ku badalayaan kuwi xumaa …. .


9-      Cilmiga sharciga ah baro; sababta o ah cilmigu jidka ayu kuu ifinaya waxaanad ku kala garan karta kheyrka iyo sharka.


10-  Waxaad ogaata faa’iidooyinka ad ka heleysid hadey toobadadu wanaagsanato sida : jaceylka ALLE, khaatumada wanaagsan, laab waasic ah, ruux wacan, naff saafi ah, xuska rabi, guusha janada iyo wixi la mid ah.


11-  ALLAAH u run sheeg…. Ogawne hadi ad ALLAAH uga run shegto ka tagida dambiyada, wuxu ku waasicin laabtaada wuxuuna kuu furi albaabada tawbada si kasta o hortada  caqabado u jiraaan.


12-  Waalidkaaga duco ka dalbo inu ALLAAH dambiyada ka reebo oo diinta kugu sugo o waliba toobadaada aqbalo maxayeeley ducada waalidku wa la aqbala.


13-  Ogaw sheydanku wuxu raba inu ku dhumiyo, wuxuna isticmali doona awoodisa si uu kuugu celiyo wixi ad ka towbad kentey… ALLAAH wuxu dhahay (wuxu ugu yeera kooxdiisa si ay uga midnoqdaan asxaabta naarta saciira) {faadir 6} marka waxa lagaa raba inad ALLAAH ka magan gashid sheydanka.


14-  Waxa lagamamaarman ah inad tirtirto/suuliso dhamaan raadadki jaahilnimada ee dunuubka ka mid ahaa tusaale: sawirada.. sida jaraa’idada, buugta iyo darbiyada ama sawirada dumarka/ragga e kuugu jira mobilka iyo pc ga, iyo cajaladaha heesata iyo wixi la mid ah.


15-  Waxaad ogata in lagu imtixaanayo, ado raba inad ka tagto macsiyada ayay fitnadu meel kale kaaga qurxonanaysa o ay kaaga baaqeysa in aad gasho lakin garo iney fitno tahay kana joogso.


16-  Culumada la fariiso ku xirnaw ducaada iyo ardeyda cilmiga, markasta o ad la fariisato waxa ku siyaadayo iimankaaga naftaadune waxey heleysa himo sare.


17-  Shakhsiyadaadi hore yeysan ka hor istaagin inad horumar sameyso o ad guulo dhaliso inta cimrigaaga ka dhiman Cumar Al-faaruuq RD, sidu aha islaamka ka hor muxuuse faley islamka kadib? Hore usocoo himiladaada gaar.


18-  ALLAAH ka filo wax wanaagsan kuna kalsonaw, yaqiinso inu ALLAAH yahay naxariiste kacantiisane ay ku jirto tawfiiqda aad rajeyneyso.


19-  Ha u iilan dhanka cabsida o kaliya, ogaw in ALLAAH dambi dhaafkiisu waasac yahay (EEBAHA wa waasac damdidhaafkisu) {NAJMI 32} (Aniug wan u dhaafid badanahay ruuxi Toobad keena) {DAAH 82} noqo mid u dhaxeeya rajjo iyo cabsi.


20-  Ogaw bulshada baraarugtey kuwo aan gaffin ma ahan balse waxa ku jiri kara dad noockasta leh, cibro qaadashadu waxey ku jirta manhajka iyo diinta ee ma ahan dadka.


21-  Isbadalaka ku bilaw ehelkaaga islamarka ad soo hanuunto, taasi waxey muhiim u tahay tawbadaada, reerkuna wanaagaaga iyo toosnashahaaga ha arkaan, maxaayeley tawbadu waxey wanaajisa dabeecada naftane wey dahirtaa.


22-  Waxaad la kulmeysa dadka qarkod iney kugu jeesjeesaan diintaan ad ku toosnaatey darted, ha noqdaan ehelka ama asxaabta iskuulka amaba kuwa kula dagan xaafada, ha u jeesan o dhag jalaq ha usiin, waxaanad ogaata in ambiyadu ay soo dhandhamiyeen xanuun kaaga ka daran, ALLAAH wuxu dhahay (Waxaa la beeniyey rusul adiga ka horeysey –Nabi MUXAMADAW NNKH- waxeyna ku sabreen wixi lagu beeniyey dushooda) {ANCAAM 34}.


23-  Hanuunka waxad u fahanta si sax ah oo buuxda, ogaw iney ku banaantahay ciyaarta, safarka, isqurxinta, iyo ganacsiga; laakin dhamaan wa iney sharciga waafaqaan.


24-  Qor qisadaada iyo qaabka ad u toobakeentey waxaa laga yaaba iney ku cibro qaataan dad kale.


25-  Waxaan kugula dardaarmaya in aad badasho Telefankaaga/Raqamkaaga si aan asxaabtaadi hore kuula so xiriirin, sababto eh waxey dhaawici karaan iimaankaaga ama waxey ku dadaalayan iney kugu so celiyaan dambiyadii ad ka toobakeentey.


26-  Sheeeg o cadee meelihii xumaanta lagu sameyn jirey hadii aad ogtahay, sida meelaha maandooriyaha lagu gado ama fusuqa lagu sameeyo, una sheeg dadka wax ka qaban kara sida haay’adaha ku shaqo leh iyo culumada, waxaa lagayaaba in ad aqoon u ledahay dad ku shaqeysta sixirka, faalka iyo quraafaatka, wa inad kashiftid si xumaantooda dadka logoa qabto dadkuna ay ka nabad helaan dhagartooda.


27-  Ha u tagin asxaabtaada si aad ugu yeerto wanaaga ilaa inta aad ka heleyso sugnaasho iyo toosnasho buuxda, waxaanad kaxeysata qof aad u yaqaan arimaha dacwadda, waxa laga yaaba iney ku fidneeyaan.


28-  Ku xasil fadhiyada lagu haayo xuska ALLE, hadba sidey munaasib kuugu tahay.


29-  Booqo goobaha jilciya qalbiga sida: isbitaalada, qabuuraha iyo goobaha lagu dhaqo meydka.


30-  Xooji iimaankaaga, ugu dhawaw ALLE acmaashaada wanagsan, ALLAAH wuxu ku dhahay xadithul-qudsi: (Qofka iisoo dhawaada taako waxaan ugu dhawaada dhudhun, qofka ii yimaada asago socda waxaan u tagaa ano gucleynaya) {BUKHAARI 6856}.


Waa risaalo gaban o carabi ku qorneyd waxan is dhahay walaalaha soomaliyed ha ka faa'ideystan waad mahadsantihiin...

Ducooyinkiina wanaagsan ha naga iloobina baarakallaahu fiikum.



By: farhan h3 (Minbar Altaqwaa)....



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip