Samir la aan iyo is cayri waa somali meheradeed

1
Wednesday January 28, 2015 - 14:34:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2172
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 1
  • Share via Social Media

    Samir la aan iyo is cayri waa somali meheradeed

    Waa tix gabay ah oo cabraya samir la aanta iyo sugid la aanta somalida markad samirto ogoow waxa ku dhaw furihii gusha ileen ma ogid mel waxkajirane samir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa tix gabay ah oo cabraya samir la aanta iyo sugid la aanta somalida markad samirto ogoow waxa ku dhaw furihii gusha ileen ma ogid mel waxkajirane samir



Bismilaah


Samirku waa furaha guusha.



وَجَعَلْنَا مِنْهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا لَمَّا صَبَرُوا ۖ وَكَانُوا بِآيَاتِنَا يُوقِنُونَ



Waxaan ka dhignay madax  dadka ku hanunsha khayrka 


markay ku sabreen amarkeena waxayna ahayeen kuwa yaqiinsan ayaadka alle>


 iyo balanka alle in uu alle u gargaarayo cidii ku samirto arinkisa.


In la isku samro la isku dulqaato Waa Furayaasha guusha

Maslaxada guud in loo bur bursho waxaad tabanayso wa caqli yari

Somali 30 sano ayaan ku jirnaa bur burin iyo dawlad walba in aan ka hor nimadno

maalmo yar miyaan sabri waynay

Somalida dhaqankeeda xataa masaajida kuwa jooga waxa igu maqalaa in ay is 


haystaan ilaa qabyaalad ay ka gaarto ilaa cid uu alle u naxariisto mooyee


Ma ogtahay qofkaad waxka tirsanayso hadaad dulmigiisa ugu samirto in alle ku 


dhaafinayo badal deg deg ahana ku siinayo adun iyo akhiraba

Reer bani israail fircoon iyo dhibkiisii ayeey u sabreeen allena gushii buu ka siiyay 

ila uu ka dhigay madax ka soo saray anbiyo

tixdaan talow ma ku saxanahay ila akhri


Sawaxan iyo buuq burburin iyo Samir la'aan waa somali meheradeed.


Sadkeeyga ii badi sinaba yeeli mayo Waa somali meheradeed


Siraadkoo laga lexdo Isgarab yaac Iyo isqabsi sugud la'aani waa somali 

meheraded


Saan rabo ii yeel hadii kale socon mayso waa simali meheradeed


sir sirasho iyo samalayl guuro habayn habayn wa somali meheradeed


sacab bena iyo sawaxan qabyaladeed wa somali meheradeed


sadbursi saldana jacayl masayr iyo muran wa somali meheradeed


sibiq sibiq socodkeed musuq masuq iyo isdaba marin wa somali meheradeed


silic iyo raf kadib reer banii israul samirkey sad dheeri ku heleen.


Si xun u socod iyo khilaaf Samir la'aan iyo sidqi yari waa asbaabaha halaaga.


Soomaliyeey sabra sidqi iyo run ku dadaala riyadeenu hanoo rumawde


waa guubaabo in aan midnimada ku dadaalaa

Dadka aan samrin laba cuqoobo sababteed weeye

Koow dadkaasi waa dad alle la rabo halaag bur bur sida somali haysata dawlad kasto ay dhistaana u dunshaan

Qaybta labaad waa dadka ducaada ama diinta u nisba sheegta waxaa la garab marinayaa tawfiiqda 

kadibna alle wuxuu kala saarayaa Mdka uu rabo ee runta ayimid iyo midka uu rabo in uu ka saro xarada 
sida alle uu yiri مَا كَانَاللَّهُ لِيَذَرَ الْمُؤْمِنِينَعَلَى مَا أَنْتُمْ عَلَيْهِ حَتَّى يَمِيزَ الْخَبِيثَ مِنَ الطَّيِّبِ

Maqaalkaan waxaan u qornay Waxaa na soogaray Dawlaladii lo dhiso somali in koox kale haba bur burinyso 

hadaba u soo duceey dawladeena iyo xildhibaanada iyo shacabka somaliiyeed in alle qulubtoda isku soo duwo

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip