Talado :Cabas, الحد 19 صفر 1435

0
Sunday December 22, 2013 - 13:22:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2357
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Talado :Cabas, الحد 19 صفر 1435

    Cabasah Cabas Doqoni CAlafmaleh Danbeeye Magaaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabasah Cabas Doqoni CAlafmaleh Danbeeye Magaaro



Suuratul Cabasa

سورة عبس

Wuu waji aruuriyay wuuna jeestay <Nabiga>

عَبَسَ وَتَوَلَّىٰ﴿١

Inuu u yimid dardeed kii indha la’aanta ahaa.<Cabdullahi ibnu umu maktum>.

أَن جَاءَهُ الْأَعْمَىٰ﴿٢

Maxaa ku ogaysiiyay wuxuu mudan yahay in uu is dahiro <cabdullahi>

وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُ يَزَّكَّىٰ﴿٣

Ama aad waaniso ay waanadu anfacdo

أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ الذِّكْرَىٰ﴿٤

Ruux kaaftooma.

أَمَّا مَنِ اسْتَغْنَىٰ﴿٥

Ma xagiisaad adiga u leexanaysaa.

فَأَنتَ لَهُ تَصَدَّىٰ﴿٦

Korgaada ma ahaanin in uusan is dahirin.

وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ﴿٧

Ruuxiise kuu yimid asagoo degdegaayo.

وَأَمَّا مَن جَاءَكَ يَسْعَىٰ﴿٨

Asagoo Allaah ka Cabsanaya.

وَهُوَ يَخْشَىٰ﴿٩

Xagiisaad ka mashquuleesaa miyaa.

فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ﴿١٠

Saas ma’aha ee aayadahani waa waano.

كَلَّا إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ﴿١١

Ruuxii doonana wuu ku waana qaadanayaa.

فَمَن شَاءَ ذَكَرَهُ﴿١٢

Waraaqo ayuu ku qoran yahay sharaf leh.

فِي صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ﴿١٣

La koryeelay lana dahiray.

مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍ﴿١٤

Wuxuuna ku sugan yahay gacmaha malaa’igta safiirinta ah.

بِأَيْدِي سَفَرَةٍ﴿١٥

Sharafna leh oo Baarri ah.

كِرَامٍ بَرَرَةٍ﴿١٦

Insaanka hala nacladee maxaa ka kufrinima badan (Yuu ku kufrinayaa)

قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ﴿١٧

Muxuu Eebe ka abuuray <Insaanka>

مِنْ أَيِّ شَيْءٍ خَلَقَهُ﴿١٨

Dhibic biyo ah ayuu Allaah ka abuuray wuuna Qadaray.

مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ﴿١٩

Katibna wadadii <dhalitaanka> ayuu u fududeeyay.

ثُمَّ السَّبِيلَ يَسَّرَهُ﴿٢٠

Katib wuu dilayaa Qabri ayuuna ku asturayaa.

ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ﴿٢١

Markuu doonana wuu soo xaadirinayaa.

ثُمَّ إِذَا شَاءَ أَنشَرَهُ﴿٢٢

Saas ma’aha ee <dadku> maysan gudan wixii la faray.

كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَا أَمَرَهُ﴿٢٣

Insaanku ha fiiriyo cuntadiisa.

فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ إِلَىٰ طَعَامِهِ﴿٢٤

Anaga ayaa biyihii soo shubnay shubitaan.

أَنَّا صَبَبْنَا الْمَاءَ صَبًّا﴿٢٥

Katib dhulkii baan jeexnay jeexitaan.

ثُمَّ شَقَقْنَا الْأَرْضَ شَقًّا﴿٢٦

Waxaan kasoo dhalinay xabuub.

فَأَنبَتْنَا فِيهَا حَبًّا﴿٢٧

Iyo cinab iyo cagaar (Qudaar)

وَعِنَبًا وَقَضْبًا﴿٢٨

Iyo zaytuun iyo timir.

وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا﴿٢٩

Iyo Beero waawayn oo calaymo waawayn leh.

وَحَدَائِقَ غُلْبًا﴿٣٠

Iyo fawaakih iyo caws

وَفَاكِهَةً وَأَبًّا﴿٣١

Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolahiinaba.

مَّتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ﴿٣٢

Markay timaado tii Qaylinaysay<Qiyaamaha)

فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ﴿٣٣

Waa maalinta uu ruuxu ka cararayo walaalkiis.

يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ﴿٣٤

Iyo Hooyadiis iyo Aabihiis.

وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ﴿٣٥

Iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa.

وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ﴿٣٦

Shaqsi walba oo ayaga ka mid ah maalintaas xaabaa heesta oo ku filan.

لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ﴿٣٧

Wajiyaal maalintaas way Nuurayaan <farxayaan>

وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ﴿٣٨

Wayna Qoslaysa oo bishaaraysanaysa.

ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ﴿٣٩

Wajiyaalna maalintaas waxaa ahaaday boor.

وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ﴿٤٠

Waxaa daboolay Duli.

تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ﴿٤١

Kuwaasna waa kuwii kufriyay ee faajiriinta noqday.

أُولَـٰئِكَ هُمُ الْكَفَرَةُ الْفَجَرَةُ﴿٤٢





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip