Tafsiirka-Suuratul-Shucaraa-160-183 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

0
Sunday March 24, 2013 - 10:32:23 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 5759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka-Suuratul-Shucaraa-160-183 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

    Tafsiirka-Suuratul-Shucaraa-160-183 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 57 KB
Tafsiirka-Suuratul-Shucaraa-160-183 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

Waxy beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luud Rusushii.

كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ الْمُرْسَلِينَ﴿١٦٠

Waqti uu yiri Walaalkood Luud Miyeydaan Cabsaneen.

إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٦١

Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ﴿١٦٢

Ka cabsada Allaah Anigana i Adeeca.

فَاتَّقُوا اللَّـهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٦٣

Idiin Su’aalan maayo Xaqa gaarsiintiisa ajuuro, Ajargaygana ma ahanin Rabiga Caalamiinta korkiisa ma ahane.

وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍۖإِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ﴿١٦٤

Ma waxaad u tegaysaan Ragga Caalamka.

أَتَأْتُونَ الذُّكْرَانَ مِنَ الْعَالَمِينَ﴿١٦٥

Maga Tagaysaan waxa Allah idiin Abuuray oo Xaasaskiina ah, waxaad tihiin kuwa Xadgudba.

وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُم مِّنْ أَزْوَاجِكُمۚبَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ﴿١٦٦

Waxay Dheheen Haddaadan Ka harin Luudoow, waxaad ka mid Noqonaysaa Kuwa laga Saaro magaalada.

قَالُوا لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَا لُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمُخْرَجِينَ﴿١٦٧

Wuxuu yiri (Nabi Luud) Aniga camalkiina waan ka Caraysanahay

قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ الْقَالِينَ﴿١٦٨

Rabiyow iga Badbaadi Aniga iyo ehelkaygaba Waxay Samaynayaan.

رَبِّ نَجِّنِي وَأَهْلِي مِمَّا يَعْمَلُونَ﴿١٦٩

Waan badbaadinay Isaga iyo Ehelkiisa Dhamaantood.

فَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ أَجْمَعِينَ﴿١٧٠

Habar ku hartay Cadaabka Mooyee (Xaaskiisa)

إِلَّا عَجُوزًا فِي الْغَابِرِينَ﴿١٧١

Katibna waan Halaagnay Kuwii kale

ثُمَّ دَمَّرْنَا الْآخَرِينَ﴿١٧٢

Waxaan ku soo Robaynay Roob (Roob Dhagax Naara) waxaana xun Roobka kuwa loo Digay.

وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًاۖفَسَاءَ مَطَرُ الْمُنذَرِينَ﴿١٧٣

Arintaana waxaa ku sugan Calaamad Badankoodna ma aha Mu’miniin.

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةًۖوَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ﴿١٧٤

Rabigaana Waa Casiis (Adgaade) Naxariis Badan.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ﴿١٧٥

Way beyniyeen Kayntii Asxaabteeda Rusushii.

كَذَّبَ أَصْحَابُ الْأَيْكَةِ الْمُرْسَلِينَ﴿١٧٦

Waqti uu u yiri (Nabi) Shucayb miyeydaan Cabsaneen

إِذْ قَالَ لَهُمْ شُعَيْبٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٧٧

Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ﴿١٧٨

Ka cabsada Allaah Anigana ii Adeeca.

فَاتَّقُوا اللَّـهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٧٩

Idiin Su’aalan maayo Xaqa gaarsiintiisa ajuuro, Ajargaygana ma ahanin Rabiga Caalamiinta korkiisa ma ahane.

وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍۖإِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ﴿١٨٠

Oofiya (Dhamaystira) Beega Hana ka mid noqonina Kuwa nusqaamiya

أَوْفُوا الْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُخْسِرِينَ﴿١٨١

Miisaama Si Cadaalad ah Ee Toosan.

وَزِنُوا بِالْقِسْطَاسِ الْمُسْتَقِيمِ﴿١٨٢

Haga Nusqaaminina Dadka Alaabtooda Hana soconina Dhulka idinka oo Fasahaadinaya.

وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ﴿١٨٣





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip