
Tafsiirka Suratu Cabasa 1 ilaa 16
|
Suuratul Cabasa |
سورة عبس |
|
Wuu waji aruuriyay wuuna jeestay <Nabiga> |
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰ﴿١﴾ |
|
Inuu u yimid dardeed kii indha la’aanta ahaa.<Cabdullahi ibnu umu maktum>. |
أَن جَاءَهُ الْأَعْمَىٰ﴿٢﴾ |
|
Maxaa ku ogaysiiyay wuxuu mudan yahay in uu is dahiro <cabdullahi> |
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُ يَزَّكَّىٰ﴿٣﴾ |
|
Ama aad waaniso ay waanadu anfacdo |
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ الذِّكْرَىٰ﴿٤﴾ |
|
Ruux kaaftooma. |
أَمَّا مَنِ اسْتَغْنَىٰ﴿٥﴾ |
|
Ma xagiisaad adiga u leexanaysaa. |
فَأَنتَ لَهُ تَصَدَّىٰ﴿٦﴾ |
|
Korgaada ma ahaanin in uusan is dahirin. |
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ﴿٧﴾ |
|
Ruuxiise kuu yimid asagoo degdegaayo. |
وَأَمَّا مَن جَاءَكَ يَسْعَىٰ﴿٨﴾ |
|
Asagoo Allaah ka Cabsanaya. |
وَهُوَ يَخْشَىٰ﴿٩﴾ |
|
Xagiisaad ka mashquuleesaa miyaa. |
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ﴿١٠﴾ |
|
Saas ma’aha ee aayadahani waa waano. |
كَلَّا إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ﴿١١﴾ |
|
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadanayaa. |
فَمَن شَاءَ ذَكَرَهُ﴿١٢﴾ |
|
Waraaqo ayuu ku qoran yahay sharaf leh. |
فِي صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ﴿١٣﴾ |
|
La koryeelay lana dahiray. |
مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍ﴿١٤﴾ |
|
Wuxuuna ku sugan yahay gacmaha malaa’igta safiirinta ah. |
بِأَيْدِي سَفَرَةٍ﴿١٥﴾ |
|
Sharafna leh oo Baarri ah. |
كِرَامٍ بَرَرَةٍ﴿١٦﴾ |
|
Insaanka hala nacladee maxaa ka kufrinima badan (Yuu ku kufrinayaa) |
قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ﴿١٧﴾ |
|
Muxuu Eebe ka abuuray <Insaanka> |
مِنْ أَيِّ شَيْءٍ خَلَقَهُ﴿١٨﴾ |
|
Dhibic biyo ah ayuu Allaah ka abuuray wuuna Qadaray. |
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ﴿١٩﴾ |
|
Katibna wadadii <dhalitaanka> ayuu u fududeeyay. |
ثُمَّ السَّبِيلَ يَسَّرَهُ﴿٢٠﴾ |
|
Katib wuu dilayaa Qabri ayuuna ku asturayaa. |
ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ﴿٢١﴾ |
|
Markuu doonana wuu soo xaadirinayaa. |
ثُمَّ إِذَا شَاءَ أَنشَرَهُ﴿٢٢﴾ |
|
Saas ma’aha ee <dadku> maysan gudan wixii la faray. |
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَا أَمَرَهُ﴿٢٣﴾ |
|
Insaanku ha fiiriyo cuntadiisa. |
فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ إِلَىٰ طَعَامِهِ﴿٢٤﴾ |
|
Anaga ayaa biyihii soo shubnay shubitaan. |
أَنَّا صَبَبْنَا الْمَاءَ صَبًّا﴿٢٥﴾ |
|
Katib dhulkii baan jeexnay jeexitaan. |
ثُمَّ شَقَقْنَا الْأَرْضَ شَقًّا﴿٢٦﴾ |
|
Waxaan kasoo dhalinay xabuub. |
فَأَنبَتْنَا فِيهَا حَبًّا﴿٢٧﴾ |
|
Iyo cinab iyo cagaar (Qudaar) |
وَعِنَبًا وَقَضْبًا﴿٢٨﴾ |
|
Iyo zaytuun iyo timir. |
وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا﴿٢٩﴾ |
|
Iyo Beero waawayn oo calaymo waawayn leh. |
وَحَدَائِقَ غُلْبًا﴿٣٠﴾ |
|
Iyo fawaakih iyo caws |
وَفَاكِهَةً وَأَبًّا﴿٣١﴾ |
|
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolahiinaba. |
مَّتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ﴿٣٢﴾ |
|
Markay timaado tii Qaylinaysay<Qiyaamaha) |
فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ﴿٣٣﴾ |
|
Waa maalinta uu ruuxu ka cararayo walaalkiis. |
يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ﴿٣٤﴾ |
|
Iyo Hooyadiis iyo Aabihiis. |
وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ﴿٣٥﴾ |
|
Iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa. |
وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ﴿٣٦﴾ |
|
Shaqsi walba oo ayaga ka mid ah maalintaas xaabaa heesta oo ku filan. |
لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ﴿٣٧﴾ |
|
Wajiyaal maalintaas way Nuurayaan <farxayaan> |
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ﴿٣٨﴾ |
|
|
|
|
Wayna Qoslaysa oo bishaaraysanaysa. |
ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ﴿٣٩﴾ |
|
Wajiyaalna maalintaas waxaa ahaaday boor. |
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ﴿٤٠﴾ |
|
Waxaa daboolay Duli. |
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ﴿٤١﴾ |
|
Kuwaasna waa kuwii kufriyay ee faajiriinta noqday. |
أُولَـٰئِكَ هُمُ الْكَفَرَةُ الْفَجَرَةُ﴿٤٢﴾ |
|
|
|

0 

Tafsiirka Suratu Cabasa 1 ilaa 16
Tafsiirka Murajacada Suratu cabasa Ayada 1 ilaa 16 iyo Youtube > Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul Cabasa-Q1aad-1-22*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah