
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratu_Walcasri*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
|
Suuratul Caadiyaad |
سورة القارعة |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Qaaricada (qalbiga garaacda). |
الْقَارِعَةُ﴿١﴾ |
|
Qaarica maxay tahay.(tan wax qaraacda Maxay tahay |
مَا الْقَارِعَةُ﴿٢﴾ |
|
Maxaa ku ogaysiiyay Qaarico.(Mataqaanaa Qaarico) |
وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْقَارِعَةُ﴿٣﴾ |
|
Waa Maalin Dadku ay noqonayaan sida Baalallay. |
يَوْمَ يَكُونُ النَّاسُ كَالْفَرَاشِ الْمَبْثُوثِ﴿٤﴾ |
|
Buuruhuna ay noqonayaan sida Suuf la laf bixiyay. |
وَتَكُونُ الْجِبَالُ كَالْعِهْنِ الْمَنفُوشِ﴿٥﴾ |
|
Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado. |
فَأَمَّا مَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ﴿٦﴾ |
|
Wuxuu ku noolaanayaa nolol raalli ah. |
فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ﴿٧﴾ |
|
Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican). |
وَأَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ﴿٨﴾ |
|
Hooyadiis waa Naarta haawiya (Wuxuu u hoydaa Naarta Haawiya.) |
فَأُمُّهُ هَاوِيَةٌ﴿٩﴾ |
|
Maxaa ku ogaysiiyay Haawiya (Ma taqaannaa Haawiya). |
وَمَا أَدْرَاكَ مَا هِيَهْ﴿١٠﴾ |
|
Waa Naar kulayl daran. |
نَارٌ حَامِيَةٌ﴿١١﴾ |
|
Suuratul Takaathur |
سورة التكاثر |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Waxaa idin Mashquuliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid), |
أَلْهَاكُمُ التَّكَاثُرُ﴿١﴾ |
|
Intaad Xabaalaha ka Booqataan (dhimataan). |
حَتَّىٰ زُرْتُمُ الْمَقَابِرَ﴿٢﴾ |
|
Saas ma aha ee goor danbe ayaad ogaandoontaan. |
كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ﴿٣﴾ |
|
Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka ciribtiisa). |
ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ﴿٤﴾ |
|
Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta). |
كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ الْيَقِينِ﴿٥﴾ |
|
Katib waad arkaysaan (Naarta) Jaxiima, |
لَتَرَوُنَّ الْجَحِيمَ﴿٦﴾ |
|
Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.(Dhab ah) |
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ الْيَقِينِ﴿٧﴾ |
|
Waxaana laydin warsanaa Maalintaas Nicmadii. |
ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ﴿٨﴾ |
|
Suuratul Casr |
سورة العصر |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Eebe wuxuu ku dhartay Waqtiga Casarka ah. |
وَالْعَصْرِ﴿١﴾ |
|
In Dadkoo dhan khasaaro ku suganyihiin. |
إِنَّ الْإِنسَانَ لَفِي خُسْرٍ﴿٢﴾ |
|
Marka laga reebo kuwa rumeeyay xaqa ee Camal fiican fala, isuna dardaarma xaqa, isuna dardaarma Samirka. |
إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَتَوَاصَوْا بِالْحَقِّ وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ﴿٣﴾ |

0 

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratu_Walcasri*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratu_Walcasri*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah