Shuruuda Xijaabka Gabadha Muslimada Ah.

0
Sunday June 02, 2013 - 20:33:57 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 7749
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 1
  • Share via Social Media

    Shuruuda Xijaabka Gabadha Muslimada Ah.

    Xijaabka Gabadha Muslimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xijaabka Gabadha Muslimada

Shuruuda Xijaabka Gabadha Muslimada ah


-Allaah ayaa mahad leh, nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib.

Abaayo ama hooyo waxaan idin Xasuusinayaa Aniga oo ka bilaabaya Nafdayda Xijaabka in uu

Waajib Nagu yahay, Allaahna Naga Raali noqonaya Hadii Aan Qaadano Xijaabka.

Walaalayaal waxaa dhacda in walaalaha qaar ay u heystaan in Cabaayad iyo Khimaar qura oo la

xirtaa ay ku filan yihiin in ay xijaab sharci ah u noqdaan gabadha muslimadda ah . Haddaba

walaalayaal ogsoonaada in Cabaayad iyo Khimaar aysan ku filnayn inay xijaab u noqdaan gabadha

muslimadda ah.

Xijaabka sharciga ah waa kii laga helo 8-da shuruud ee hoos ku qoran:



1.Xijabka inuu Jirka oo dhan qariyo.Taas micnaheedu waxaa weeye in haweenta muslimadda ah

jirkeeda oo dhan ku dedaa jilbaab akhri aayadda 59 ee suuratul axsaab oo oraneysa "Nabiyow ku

dheh haweenkaaga ,gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta ah iney korkooda ku dadaan

shukadiinna ama jilbaabkiinnaba”.


2. Inuusan xijaabku naftiisu noqon qurux, maxaa yeelay haweenta muslimadda ah waa iney qarisaa '

quruxdeeda, haddii uu xijaabka noqdo mid dadka soo jidanaya, quruxna ka muuqato ma banaana in

la xirto.


3. Inuu xijaabku noqdo mid adag haddii u yahay maro khafiif ah sida dirica oo mujinaya haweenta

 jirkeeda kaafi ma aha. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu xadiis saxiis ah

noogu sheegay " Inay soo bixi doonaan haween labisan haddana qaawan, madaxyadoodana aad

moodid kuruska awrta oo kale, kuwaas jannada geli maayaan, mana urinayaan, nacaladda allena

waa ku dhaceysaa”.

Culumada waxay ku fasireen xadiiskaan in loola jeedo haweenta qaadata dharka khafiifka ah oo

looga jeedo jirkeeda iyo quruxdeeda, marmarka qarkoodna la arki karo cawradeeda. Haweenka

sidaas oo kale u labista Ilaahay haka baqaan oo si fiican korkooda ha u asturaan.


4. Inuu noqdo xijaabka mid waasic ah oo aan ku dheganeyn jirka haweenta.Haddii maradu ku

dhegan tahay jirka oo xubnaha la tilmaami karo xijaab maaha sida haweenta surweel jinis ah oo ku

dhegan labisan.Qofka labisan dhar aad ugu dheggan waxaa khatar ku jirta in salaaddiisa la aqbalo,

maxaa yeelay salaadda shuruuddeeda waxaa ka mid ah cawrada la asturo.


5. Inuunsan xijabku noqon mid la carfiyey ama la bukhuuriyey "Macnuhu waxaa weeya iney

xaaraan ka tahay haweenta muslimka ah iney dibadda gurigeeda ugu soo baxdo dhar carfayo ama

iney iyaduba barafuun isku soo shubto.Xadiis saxiix ah nabigu nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha

ahaato, wuxuu ku sheegay "Haweeney walba oo isa soo carfisa, isa soo bukhuurisa ama barafuun

isa soo marisa ka dib ay soo ag marto rag, raggaana ay carafkeeda ay uriyaan, nabigu wuxuu

haweentaas ku tilmaamay inay zaaniyad tahay”.Waxaa xusuusin mudan iney xaaraan tahay in

haweentu isa soo carfiso markay suuqa ama masaajidka soo aadayso.Haweenta muslimadda ahi

waa iney isku qurxisaa ninkeeda iyo gurigeeda dhexdiisa.


6. Inuusan dharka haweeku u ekaan kan ragga.Nabiga nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee

wuxuu nacaladay ninka sida haweenka u labista iyo haweenta sida ragga u labisato,Haweenka dhar

lagu yaqaan baa jira ,qolo walba sidii loogu talagaley ha u labistaan.


7. Inuusan xijaabku u ekaan dharka haweenka gaalada oo kale. Sida la ogsoon yahay islaamku

wuxuu ku dhisan yahay in gaalada la khilaafo dhinac walba Nabigu wuxuun yiri "Qofkii Dad isu

ekeysiiya iyaga ayuu ka mid yahay !.Haweenta muslimadda ah waa iney u mooqataa haweeney

muslimad ah mar walba.


8.Inuusan noqon xijaabku dhar shuhro ah, micnihu waxaa weeye inaan xijaabka loola qasdin inuu

dadka dhexdooda caan ka noqdo oo lagu faano, waxaa shuhro noqon kara in la xirto dhar aad u liita

iyadoo loola jeedo is tutusid iyo ha lagaa sheego.


Waxaan ku Waaninayaa Aniga walasha Islaamka ah In Aan Allaah Ka cabsano, Haduu Xijaabkaada

waafaqay Shuruudaan Kor Ku Qoran waad Liibaantay Hadii Kale Miyaa U toobad keen Allaah Hadana

Qaado Xijaabka.



NB; Walaasha Muslimada ah waxad iska Halmaamtaa fakarka ah Xijaabka waa Qalbiga Mise wax

walbo

waa niyada ,ogaawna Xijaabka waxuu ka mid yahay Awaaminta Allaah Qofkii Amarka Allaahna

Fuliyo

Ayaana Liibaanay Aduun iyo Aakhiraba



by Golaha Is Badalka Soomaaliya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip