SIFOOYINKA LAGU GARTO XAASKA WANAAGSAN!

0
Tuesday May 28, 2013 - 04:27:50 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 15002
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 4
  • 9 4
  • Share via Social Media

    SIFOOYINKA LAGU GARTO XAASKA WANAAGSAN!

    waxaa lagu garta xaaaska wanaagsan qodobooyin iyo sifaat badan waxaana ka mid ah sida soo socoto!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa lagu garta xaaaska wanaagsan qodobooyin iyo sifaat badan waxaana ka mid ah sida soo socoto!

1- waa mida alaah iyo rasuulkiisa adeecda waqti walba iyo xaalad walba cabsida eebana kaalmeysata noqotana mid wanaagsan!

2-waa mida ilaalisa nafteeda iyo maalka seygeeda marka uu maqanyahay iyo marka uu joogaba!

3- waa mida ninkeeda farax galisa markuu eego oo uu ladhoco quruxda iyo heybada ka muuqato jirkeeda iyo walibana qalbigeeda`waayo haweenba haweeynta ay ka jiidasho badan tahay ayeey rago ka jecel yihiin oo quluubta raga kasbato!

4- waa mida aaan wareeg badneyn oo aana ka bxiin gurigeeda idinka seygeeda ama zowjkeeda

laàantiis!

5- waa mida shukrinta badan oo allah mar kasta ku mahdiso iyo sidoo kale umahad celiso seygeeda marka uu wanaag usameeyo!

6 -waa mida dhoola cadeynta badan oo mar kasta udhoola cadeysa zowjkeeda!

7 -waa mida marka ay seygeeda wax uga baahantahay la fiirsato waqtiyada munaasabka ugana sheegato sida oogu munaasabsan ooguna asluubta fiican oogana dagan si ay hadafkeeda wanaagsan u gaarto!

8- waa mida sabirka badan ee ku sabirta haduusan dhaqaalo fican heysan seygeeda! kuna shukriso allah haduu yahay mid wax heysta!

9- waa mida usaaxibka ah aqlaaqda wanaagsan waayo quruxda dhabtaa waa aqlaaqda iyo sharafta!

10- waa mida waa aan gurigeeda ka bixin iyadoo qaawan oo aanan asturneyn quruxdeeda aan banaaka dhigin` ee asturta jirkeeda!

11- waa mida waa mida aanan ninkeeda ku qeylinin buuq iyo qeylo ujoogna aanan aheyn oo aanan muranka badneeyn!

12- waa mida ku boorisa seygeyda inuu xariiriyo ehelkiisa iyo walidiintiisa iyo saxiibadiisa wan wanaagsan! xasuusisana inuu ubaari sameeyo labadiisa waalid!

13- waa mida xasuusiso zowjkeeda daacada rabi iyo raadinta wanaaaga iyo xalaal mirashada iyo walibana dhowrsanaanta iyo alle ka cabsiga!

14- waa mida run sheega badan ee iska ilaalisa beenta iyo xaaraanta!

15- waa mida ka fikirta tarbiyeynta ubadkeeda bartana ubadkeeda wanaaga iyo ixtiraamka waalidkooda ku dadaashana sey ku noqon lahaayeen ubad toosan oo wax ka qabsada aduun iyo aakhiraba isla markaasna ducada oogu sii kaalmeyso!

16- waa mida ka fogaato xanaaqa badan iyo walibana ku dhaqaaqa falalka xun xun sida aarsashada! iyo la ficiltanka zowjkeeda!

17- waa mida aan jees jeeska iyo kibirka badneyn waayo kibir allah SW kaliya ayuu usugnaaday!

18- waa mida is jilcisa una hogaansanta zowjkeeda waa waxaa ladhaha ragu waa sida libaaxa`libaax hadaad la loolanto waad jabeysa lakiin hadii aad lahishiiso wixii afkiisa ku jiro waad kala bixi karta! qodobkaan waxaa ku jiro xikmad ee isku daya inaad fahantaan!

19- waa mida dagan ee aan fududeeyn oo aan dhac dhaca badneyn markeey gurigeeda ka baxdo oo ku baxdo sharaf iyo daganaan kuna soo laabato!

20- waa mida hamigeda ubadiso aakhiro iyo maalinta danbe ee allah lahor istaagi doono oo aanan hamigeeda aheyn uun mid aduunyo daba carara!

21- waa mida allah talo saaarato tawakusho oo ay diinta celiso waqti walba iyo xaalad walba oo lagu jiro ama ay soo maarto waqtigana ku sabirto!

22- waa mida ilaaliso daacaadka rabi iyo waajibaadka allah saaray salaadeedana xifdiso!si ay aakhiro uliibaanto aduunyadana ugu noqoto ubadkeeda tusaale fiiican!

23- waa mida garataa qiimaha uu leeyahay zowjkeeda iyo halka uu ka joogo sarana uqaado oo aanan ku bahdilin dadka agtooda!

24- waa mida og waxa ay usmeyneyso zowjkeeda ineey tahay xaq allah saaray aysan aheyn iska samee ayna ogtahay ineey gudaneeyso waajib alle iyo wax nafsadeeda ufiican!

25- waa mida hadey qaldanto ay qalad gasho si dag dag ah ooga soo laabato zowjkeedana cafis weydiisato waayo ibni aadanka oo dhan waa qaldamaaa waxaana ugu fican kuwa qaldama hadana qaladkooda ka soo laabta!

26- waa ilaaliso nadaafada gurigeeda iyo jirkeeda qaasatan ninkeeda gogoshiisa!

27- waa mida dhowra bilicda zowjkeeda iyo labiskiisa ayna ku dadaasho suu unoqon laha ninka dunida oogu quruxda badan!

28- waa mida laga garto gurigeeda iyo wanaageeda iyo nuurkeeda ninkeeda wanagiisa iyo sida uu uqiimeeyo!

29- waa mida ninkeeda garab istaagta xiliya uu garabka ooga baahanyahy tusisana ineey ooga filantahay dhinac walba ayna tahay garabkiisa midig marwalba!

30- waa mida aan ku mana sheeganeynin zowjkeeda iyo waxa ay uqabatay lakiin u aragto ineey sameeysay wax ay ku muteysatay amaaan oo idil!

31- waa mida is qurxisa ee marwalba dhalaalka badan oo uu ka ifaaayo wajigeeda iyo dhamaan jirkeeda oo dhan qurux aduun iyo walibana ay ka muuqato raaali galin rabi!

32- waa mida labiska badan ee soo jiiidashada badan oo waagi baryaba if iyo nuur la soo baxdo loona maleeyo caruusad cusub!

33- waa mida is udgisa is carfisa oo walibana ilaalisa sankiisa inuusan wax karaahiya ah urinin iyo walibana indhahiisa meshey qabanaayaan!

34- waa mida aan oogu faanin zowjkeeda quruxda ilaahey siiyay oo aysan marwalba oogu caga jugleynin ineey ka qurux badan tahay ee ogaato ineey quruxdeeda tahay mid asaga loo abuuray!

35- waa mida aanan soomin soon suna ah ilaaa inuu raali kayahay maahane!

waa mida ilaalisa gurigiisa una xifdisa maalkiisa oo anan u ogolaanin gurigiisa cid uu asaga rabin ama uu necebyahay!

36- waa mida aanan ka sheekeenin sirta seygeeda iyo arimahooda qaaska ah! maxaa yeelay waa ceeb iyo nadaam daro mana aha wax fiican!

37- waa mida shaar ka dhigata xishoodka iyo dhowrsanaanta waayo xishoodka waa qeyb ka mid ah iimaanka!

38- waa mida raaliyo unoqotaa zowjkeeda dhan walba haba uga sii jiljilicsanaato dhanka firaashaka iyo nolol la qaadashada!

39- waa mida xasuusisa zowjkeeda wixii xaq ah ay ku leedhay haduu uu yahay mid aan firfircooneyna is ku dayda ineey ka farxiso ama nashaad ka dhigto!

40- waa mida aan seygeeda gacan u qaadin aflagaadana u uquurin caay iyo af xumana warkeedaba daaaa! xaashaa lilaah zowjka qiimaha leh intaas iyo in ka liidataba uma qalmo!

41- waa mida lakaftanta lana ciyaarta zowjkeeda kana farxisa iyadoo kaga dayaneeyso sayidadinaaa caishah RADIYALAHU CANHAA sida ay ooga farxin jirtay rasuulka SCW ayna ula orodami jirtay mararka qaarkood!

42- waa mida ku sabirta gurigeeda oo sii qabo iyo soo celi uun aan maanta dhan lagu jirin! isku daydana ineey mushkiladaha aya gurigeeda ku xalisato inta ay awoodo!

43waa mida aanan ku fataalin kuna ciyaarin xoolaha seygeeda lakiin u isticmaasha sida ay ugu bahantahy una xifdiso wixi ka soo hara oo ay mar walba ku dadaasho kabkiisa aysan ku dadaalin jabkiisa!

43- waa mida cowradeeda ka qarisa iskana asturta ajaanibta lakiin jirkeeda iyo quruxdeeda usoo bandhigto ninkeeda xalaasha ah!

44- waa mida ku dadaasha ineey ogaato waxyaabaha uu necebyahay seygeeda iyo wax yaabaha uu jecelyahay qaaasatan xaga cuntada iyo arimo badan!

45- waa mida dareen siisa ninkeeda inuu helay qof qaali ah oo uuna yahay ninka raga oogu sareeyo oo aan xaga xaaska iyo raginima loola looltami karin eee heysta garab culus!

46- waa mida aanan xasuusinin ninkeeda qaladaadkii uu ka galy lakiin kasoo qaadaa kuwa tagay lagana gudbay waa cusubna oo uu mar walba ubaryay sheydaana laga guuleystay!

47- waa mida ninkeeda usoo bandhigta jaceylka ay u qabto daqiiqad walba iyo sida uu qalbigeeda oogu weynyahy oo aanan ka baqiilin hadalada macaan oo walibane dabacsan!

48- waa mida ninkeeda la garab istaagta ducada amaanta iyo soo jiidashada iyo walibane dareensiinta inuu rag qiimo dheeryahay!

49- waa mida iska ilaaliso ineey soo cel celiso qaladka marwalba waayo qaladka ooo bato wuxuu dilaa ama dhameeya jaceylka iyo ixtiraamka! iyo kala danbeynta!

50- waa mida hadakeeda yaryahy lakiin qiimo badan yahay soo jiidashana leeyahay oo aanan hadal badneyn maxaa yeelay hauuu hadalka fiddo yahay aamusnaantana waa dahab!! waa xikmad hadalkaasi! wixi xaq ah allah ayeey usugnaadeen wixii qalad ahna sheydan hadaad fahmi weyso iyo hadaad farta akhrin weysoba ka raali noqo!

52  waa mida aanan ku jeesjeesin adoomada ilaahey oo aanan iska qaad qaadin dhulka oo aanan dareensiinin walalaheed kale ineey ka fiicantahy ama ay ka cilmi badantahy!

53   waa mida ku faraxsan proud ku ah inuu allah ka dhigay zowjad asturay sharfay hoy iyo karaamo siiyay kuna qanacsan sharafta uu allah siiyay iyo martabada uu udoortay allah sw

54   waa mid og ineey qaaday masuuliyad weyn maalinteey aqbashay ineey noqoto xaaas oo uu fuulay masuuliyad weyn xaq badana ay dusha ku raratay! loogana fadhiyo sideey amaanadaaas si dhameystirin ooga soo bixi laheyd!

55  waa mida aanan ooga sheekeenin ninkeeda axwaashiii iyo asraartiisa ama xitaa sifooyinka uu leeyahy ama meelaha uuu ka jilicsanyahy wixii dheeraad ah oo nimco ilaahey aah oo banaan ka sheekeyso sida kheyrka maxaa yeelay nicmada eebe in laga sheekeeyo waa banaantahay wa amaaa binicmati rabika fa xadis

56   waa mida aan mar walba zowjkeeda oogu booteenin furitaanka ama aanan ku dagdagin inkastoo ay carada la egtahy  laakiin ay furiin iska ilaaliso waayo waa sifo allah necebyahay sw

57  waa mida aanan dhibin zowjkeeda oo aanan caynin oo aanan nacladin maalintiina inaad naclado habeenkiina aad zowjad u noqoto ukhtii waa sifo aanan fiicneyn caayda iyo nacaladana waaba mid aanan dhinac walba ku fiicneyn

58   waa mida fiirada dheer oo ka warqabto zowjkeeda baraarujiso xasuusiso daacada iyo kheyrka siisona zowjkeeda xuriyad kaaafi ah oonan ku ciriirinin nolosha!

59  waa mida dareento cidlo iyo ineey wax weyn ka maqanyihiin markuu zowjkeeda maqanyahy oo ay u aragto inuu uyahay garab aysan marnaba ka maarmin! marka uu lajoogana umuujiso farxad iyo ineey tahy mid xagiisa ka dhameystiran

60  waa mida sii dhaweysa ilaa albaabka zowjkeeda markuu baxaayo una duceyso kana dhunkato madaxa tusto maxabada ay u heyso waxaad arki doonta adna makaanada aad ka joogtit iyo qadarinta uu kuu haayo inta ay la egtahy! bal samee adaa arki doono isbadal weyn insha allah

61  waa mida hadeey wax isku daydo ay wixii usuura gali waayaan aanan oohin iyo baroor iyo niyad jab la fariisanin ee boorka iska jaftaa xaawishana in kabadan boqol jeer waxaa xaqiiiqa ah ineey marka danbe ku guuleysan doonto

 

62   waa mida ninkeeda markuu hadlaayo aamusta dhageysato u muujiso ineey sifiican oogu qanacsanthay waxa ama uu kala hadlaayo ama uu usheegaayo

 

63  waa mida aanan ku mashquulin howl aduunyo marka uu ninkeeda guriga joogo aysan cidlenin uusan dareemin inuu yahy mid aan qiimo laheyn!

64  waa mida waqtigeeda inta badan kheyrka iyo barashada dinta carabkeeda mar walba uu ka qoyay yahay dikrika allaah sw aysan ku mashquulin waa la yiri iyo wey tiri

 

65   waa mida aanan waqtigeeda ku luminin waxyaabaha aanan quseynin oo ayna shaqada ku laheyn wax faaido ahna aan ku soo kordhineynin nolosheeda aduun iyo mid aakhiroba!

 66  waa mida ku dadaasha aqrinta quraanka oo aysan kaga mashquulin adoonyo uun ay laazinto waayo waa nuurka beydkeeda  iyo mustaqbalka awlaadeeda!

  67  waa mida plan iyo qorsho usameysato nolosheeda go"aana dhab ahna gaarto aan labac labac badneyn fiirsato hadafkeeda iyo danaheeda maxaa yeelay qofka aan go"aan la heyn sharaf ma lahan

 

68  waa mida daaciyada ah oo allah diintiisa gaarsiiso dadba daka oogu dhaw oo aanan dhankaas ooga gaabinin waxaan ahy hooyo lakiin waqti usameyso haba yaraade sida uu allah oogu daro ducaada wanwanaagsan

 

69  waa mida qiimeysa ninkeeda markuu ra"yi ukeeno uu latashi sameeyo aysan ku ceebeyn haduu ra"yi aan fiicneyn uu yahay marnabana aysan ku adeecin macsida rabi!

 

70 waa mida aanan caajiska badneyn oo maanta dhan ama xanuunsan ama wareersan ama mashquulsan uu aananba nashaad laheyn uu aadan kala garaneynin nieey jirantahay iyo ineey xanaaqsantahy iyo iney ineey ....... waayo caajiska wax fiican ma aha ee waa wax aalllaah laga magan galo

 71  waa mida ka fogaato shirkiga iyo diin xumida!

 

72   waa mida ka fogaato saaxiriinta iyo shaxwadaadka iyo kuwa ilaahey ka furtay iyo kuwa walaalaha shayaadinta!

    

73  waa mida maamulka gurigeeda aanan cid kale gacanta u galinin oo aanan ku ilaawin booyaaso iyo qaraabo ee maamulka gurigeeda dhaxda u xirato

  

74  waa mida jihaad ugasho sida ay sharafteeda u ilaashan la heud  u difaacan laheyd cirdigeeda u dhowrsan lahEYD

 

75    waa mida mar walba jadiidisa cusbooniiseysa mucaamalada zowjkeeda iyo dhamaan mucaamalada dadka

 

76 waa mida tussalaha fiican noqotaa dhan walba allaha noo wada saqireee dhamaanteen!

  

77    waa mida aanan u ogolaanin familkeeda iyo dhamaan umada ineey soo guda galaan see rabaan ka yeelaan umuuraha iyo arimaha gurigeeda ilaa wixii ay ka fursan weyso maahane 

 

78  waa mida ninkeeda markuu safro ducada oogu kaalmeyso inuu allah garabkiisa galo uuna uxifdiyo

   

79   waa mida ceybahaeeda   taqaano ka war qabto ceebteeda og ku dadaasho sey ku qarin laheed ama ku dabooli laheyd ukhtii malahan qof dhameystiran oo aanan ceyb laheen ee dadaal inta tabartaada ah!

80  waa mida ku xaliso mushkiladadheeda sida uu waaqica yahay hadaad aheyd gabar boqor aadan dhihin gabar boqor baan ahay sidee waxaan iigu dhici kaaran gabar diin leh baan ahay sidee la iixumeyn karaa! maya wax walba waa dhacaan ee ku xali mashaakisha waqtiga iyo xaalada markaas lagu jiro

  

81  waa mida lakaliyoota zowjkeeda mar mar ay isku raacaan nuzha ama dalxiis yar oo qurux badan plan kaasna adiga ayaa lagaa raba inaad dajiso haka sugin inuu ninkaada mar walba gadaal kaa riixo

 

82 ukhtiii kalimadaha wan wanaagsan waa sadaqo waana furaha qalbiga ee ogow furaha zowjkaaga wuxuu ku jiraa afkaaga ee yeyna kaa hoos bixin ee ku baraarugsanoow

         


Waxa inoo soo gudbisey walasheeen >>>>:Salma Qaali,

By: Guddiga Isbadalka Soomaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip