Tafsiirka Qur'aanka Kariimka oo maqal iyo Qoraal Afsomali ah ku Turjuman ((*Suuratul-Cankabuut-31-38*)) Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

2
Wednesday May 01, 2013 - 12:01:18 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 38311
  • (Rating 3.1/5 Stars) Total Votes: 24
  • 52 29
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Qur'aanka Kariimka oo maqal iyo Qoraal Afsomali ah ku Turjuman ((*Suuratul-Cankabuut-31-38*)) Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

    Tafsiirka Qur'aanka Kariimka oo Maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman ((*Suuratul-Cankabuut-31-38*)) Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka oo Maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman ((*Suuratul-Cankabuut-31-38*)) Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

Markii ay u Timaaday Rususheena (Nabi) Ibraahim Ayagoo u Bishaareenaya, waxayna dheheen anagaa halaageeno ehelka Qaryadaan , maxaa yeelay ehelkeeda waxay ahaadeen daalimiin.

وَلَمَّا جَاءَتْ رُسُلُنَا إِبْرَاهِيمَ بِالْبُشْرَىٰ قَالُوا إِنَّا مُهْلِكُو أَهْلِ هَـٰذِهِ الْقَرْيَةِۖإِنَّ أَهْلَهَا كَانُوا ظَالِمِينَ﴿٣١

Wuxuu yiri (Nabi Ibraahim) waxaa ku sugan Luud waxay yiraahdeen Annaga waan ognahay Cida ku sugan Waan badbaadinaynaa (Luud) iyo Ehelkiisaba Xaaskiisa mooyee waxay kamid tahay kuwa ku Waaraya Cadaabka.

قَالَ إِنَّ فِيهَا لُوطًاۚقَالُوا نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَن فِيهَاۖلَنُنَجِّيَنَّهُ وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ﴿٣٢



Markii ay rususheena (Malaa'igta) u timid Luud waala Murug kaliyay xagooda waana la ciriiri kaliyay xagooda (Difaacooda) waxayna ku dheheen ha cabsan hana Murugoon annagaa ku Badbaadinayna adiga iyo ehelkaadaba Xaaskaada mooye waxay kamid tahay kuwa ku waara (Cadaabka).

وَلَمَّا أَن جَاءَتْ رُسُلُنَا لُوطًا سِيءَ بِهِمْ وَضَاقَ بِهِمْ ذَرْعًا وَقَالُوا لَا تَخَفْ وَلَا تَحْزَنْۖإِنَّا مُنَجُّوكَ وَأَهْلَكَ إِلَّا امْرَأَتَكَ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ﴿٣٣


Waxaan kusoo dejinaynaa Ehelka Qaryadaan Dhagaxyo (Cadaab) oo samada ka imaaday Faasiqnimadooda Darteed.

إِنَّا مُنزِلُونَ عَلَىٰ أَهْلِ هَـٰذِهِ الْقَرْيَةِ رِجْزًا مِّنَ السَّمَاءِ بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ﴿٣٤


Waxaan uga tagnay xageeda Aayad Cad Qoomkii ku Caqli qaadanaya.

وَلَقَد تَّرَكْنَا مِنْهَا آيَةً بَيِّنَةً لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ﴿٣٥


(reer) Madyana waxaan u dirnay walaalkood Shucayb wuxuuna yiri Qoomgayoow Caabuda Allaah Rajeeyana Maalinta Aakhiro Hana soconina Dhulka idinkoo Fasahaadinaya.

وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّـهَ وَارْجُوا الْيَوْمَ الْآخِرَ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ﴿٣٦


Way beeniyeen (Nabi shuceeb) waxaa Qabtay qeeyladii waxay subaxeesteen Guryahoodii ayagoo jilbaha u Dhacay.

فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ﴿٣٧

Ree Caad iyo Thamaatna (waan halaagnay) waxaana idiin Cadaaday Guryahoodii, wuxuuna u Qurxiyay shaydaan Camalkoodii wuxuuna ka leexiyay Jidka (Toosan) waxayna ahaayeen kuwa wax kala arka.(Xaqa iyo Baadilka kala fahmay)

وَعَادًا وَثَمُودَ وَقَد تَّبَيَّنَ لَكُم مِّن مَّسَاكِنِهِمْۖوَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ وَكَانُوا مُسْتَبْصِرِينَ﴿٣٨



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip