Ducada socdaalka (safarka)

1
Saturday April 27, 2013 - 12:13:18 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 22298
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 24 11
  • Share via Social Media

    Ducada socdaalka (safarka)

    Ducada socdaalka (safarka)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ducada socdaalka (safarka) الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، سبحان الذي سخر لنا هذا وما كنا له مقرنين وإنا إلى لبنا لمنقلبون اللهم إنا نسألك في سفرنا هذا البر والتقوى ، ومن العمل ما ترضى ، اللهم هون علينا سفرنا هذا واطو عنا بعده ، اللهم أنت الصاحب في السفر ، والخليفة في الأهل ، اللهم أنى أعوذ بك من وعثاء السفر ، وكآبة المنظر وسوء المنقلب في المال والأهل ، وإذا رجع قالهن وزاد فيهن آيبون ، تائبون ، عابدون ، لربنا حامدون .


Allaahu akbar, allaahu akbar, allaahu akbar, «subxaanalladii sakhkhara lanaa haadaa wamaa kunnaa lahuu muqriniin wa innaa ilaa rabbinaa la munqalibuun)
allaahumma innaa nas-aluka fii safarinaa haadaa al-birra wa taqwaa, wa minal camali maa tardaa, allaahumma hawwin calaynaa safaranaa haadaa, wadwi cannaa bucdahu, allaahumma anta saaxibu fissafri, wal khaliifatu fil)ahli,allaahumma innii acuudu bika min wacthaa-issafari, wa ka-aabatil mandari,wa suu-il munqalabi fil-maali wal-ahli)


Macnaha Ducadda:

« Allahu Akbar,Allahu Akbar, Allahu Akbar , waxaa nasahan eebaha noosahley kan,mana nihin kuwo kara leyligiisa) anaguna xagga eebahanno yaannu ayaan u gadoomaynaa.) Allow waxaan ku waydiisanaynaa socdaalkayagan, wanaag iyo taqwo (cabsi) iyo camal aad raali ka tahay, allow noo dhib-yaree safarkanagan, fogaanshihiisana,noo soo duub, allow adigaa ah saaxiibka safarka, iyo ka aan ku dhawrayno ehelka, allow waxaan kaa magan galayaa rafaadka safarka, iyo muuqaal xumo, iyo gadoon xumo xoolihii iyo reerkii» marka uu soo laabto wuxuu dhihi: waan soo laabanay annagoo toobadkeen ah, caabudaynana ilaahay, rabigayagana mahadinayno..

_____________________________________________________________________________________________________________________
2-Ducada galidda tuulada ama magaalada.
" اللهم رب السموات السبع وما أظللن ، ورب الأرضين السبع وما أقللن ،ورب الشياطين وما أضللن ، ورب الرياح وما ذرين.أسألك خير هذه القرية وخير أهلها ، وخير ما فيها،وأعوذ بك من شرها،وشر أهلها ، وشر ما فيها
- (allahumma rabbassamaawaati sabci wamaa adlalna, wa rabbal-ardiina wamaa aqlalna, wa rabbashayaadiini wamaa adlalna, wa rabba riyaaxi wa maa darayna. As-aluka khayra haadihi al-qaryati wa khayra ahlihaa, wa khayra maa fiihaa, wa acuudu bika min sharrihaa, wa sharri ahlihaa, wa sharri maa fiihaa)
< allow rabbigii todobada cirar iyo waxay hadheeyeen rabigooda ahaayow, todobada dhulna iyo waxa ay sidaan rabigooda ahaayow, shayaadiinta iyo waxa ay duufsadeen (lumiyeen) rabigooda ahaayow, dabaylahana iyo waxa ay kiciyeen rabigooda ahaayow, waxaan ku waydiisanayaa khayrka tuuladan iyo khayrka ehelkeeda, iyo khayrka ku dhex sugan. Waxaana kaa magan galayaa sharkeeda iyo sharka ehelkeeda iyo sharka ku dhex sugan >.
___________________________________________________________________________________________________________________________
3- Ducada musaafirku ugu duceeyo ka dagan.
" أستودعُكَ الله الذي لا تضيع ودائعه "
( Astawdicikumullaaha alladii laa tadiicu wadaa-icuhu ).
< waxaan idinku amaanaynayaa eebaha amaanadiisu lumin > .
___________________________________________________________________________________________________________________________
4- Ducada daganuhu ugu duceeyo socotada (musaafirka).
أستودع الله دينك وأمانتك ،وخواتيم عملك
- ( astawdicullaaha diinaka, wa amaanataka, wa khawaatiima camalika ).
<> waxaan ilaahay kaaga dalbayaa ammaangalin diintaada iyo amaanadaada iyo khaatumada camalkaaga>> .
" زوَّدك الله التقوى، وغفر ذْنبك ويسَّر لك الخير حيث ما كنت ".
-( sawwadakallaahu attaqwaa, wa qafara danbaka, wa yassara laka alkhayra xaythu maa kunta).
< ilaahay sahay ha kaaga yeelo cabsidiisa, hana kuu kordhiyo taqwo (cabsi) dambigaagana ha dhaafo, hana kuu sahlo khayrka meel aad joogtaba>> .
___________________________________________________________________________________________________________________________
5- weynayta ilaahay, iyo hufitaanka oo la badiyo inta socodka (safarka) lagu gudo jiro.
قال جابر رضي الله عنه : " كنا إذا صعدنا كبرنا ، وإذا نزلنا سبحنا
<> wuxuu yiri jaabir alle ha ka raali ahaadee: ( waxaan ahayn marka aan kor fuulno kuwii yiraahda (allaahu akbar), haddii aan hoos u dagnana waxaan ahayn kuwii yiraahda (subxaanallaah) <> .
___________________________________________________________________________________________________________________________
6- Ducada haddii uu dago meel isagoo safar ah ama isagoo nagi..
" أعوذ بكلمات الله التامات من شر ما خلق
- ( acuudu bikalimaatillaahittaamaati min sharri maa khalaqa)
< Waxaan kaga magan galayaa kalmadaha eebe ee dhamayskatiran waxa uu abuuray sharkiisa > .
__________________________________________________________________________________________________________________________
7- Ducada marka laga soo laabto safarka.
" يكبر على كل شرف ثلاث تكبيرات ثم يقول : لا إله إلا الله وحده لا شريك لهُ ،لهُ الملك ، ولهُ الحمدُ وهو على كل شيءٍ قدير ، آيبون ،تائبون ، عابدون ، لربنا حامدون ،صدق الله وعده،ونصر عبده،وهزم الأحزاب وحده-
 ( wuxuu dhahayaa dalcad kasta allaahu akbar saddex jeer, kadibna wuxuu dhihi ( laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku wa lahul-xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiirun, aayibuuna taa-ibuuna caabiduuna lirabbinaa xaamiduuna, sadaqallaahu wacdahu, wa nasara cabdahu, wa hasamal- axsaaba waxdahu).
< ilaah majiro xaq lagu caabudo ilaahay mooyee, kaligii, malaha shariik (wadaage) wuxuu leeyahay boqornimada, wuxuuna leeyahay mahadda, wax walbana wuu karaa, waan soo laabanay annagoo toobadkeen ah, caabudaynana ilaahay, rabigayagana mahadinayna, ilaahay wuu rumeeyey ballankiisii, adoonkiisana wuu u gargaaray, gaashaan-buurtiina wuu jabiyey>>


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip