Fadliga Qur'aanka.

0
Tuesday May 19, 2015 - 15:36:03 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 5250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Fadliga Qur'aanka.

    Fadliga Qur'aanka Kariimka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadliga Qur'aanka Kariimka.




قال الله تعالى: ﴿ إِنَّ هَـٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا ﴿٩﴾

Qur’aankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajiri wayn.



وقال سبحانه : ﴿ وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا ﴿٨٢﴾

Waxaana soo dajinaynaa Qur’aanka Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu’miniinta, Dalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasaare ahayn.


وقال سبحانه : ﴿ إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ ﴿٢٩﴾


Kuwa Akhriya Kitaabka Alle oo salaadda ooga oo wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qaarsoodi iyo 

caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin.


عن أبي أمامة رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏ اقرءوا القرآن فإنه يأتي يوم القيامة شفيعًا لأصحابه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.

Abii umaamah (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: Darsa Quraanka (si joogta ah), maxaa yeelay wuxuu u ahaan doonaa shafeece iyo garab akhristayaashiisa Maalinta Qiyaamaha. (Muslim)

وعن النواس بن سمعان رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏يؤتى يوم القيامة بالقرآن وأهله الذين كانو يعملون به في الدنيا تقدمه سورة البقرة وآل عمران تحاجان عن صاحبهما ‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.


Nawwaas bin Samcaan (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Maalinta Qiyaamaha Qur’aanka sidoo kale waa lala keeni doonaa kii ku camal falay adduunyadan. Hortiisa isaga, oo Suuradaha Al-Baqrah iyo Aal-Cimraan baa hogaamin doona iyagoo u doodaaya dadkii akhrisan jirey suuradahan adduunkii. (Muslim)


وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏خيركم من تعلم القرآن وعلمه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه البخاري‏)‏‏)‏‏.‏

Cuthmaan ibn Caffaan (A.K.R) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Waxaa idiinku khayr badan kuwiinna bartay Qur’aanka oo barana dadka kale. (Bukhaari).


وعن عائشة رضي الله عنها قالت‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏الذي يقرأ القرآن وهو ماهر به مع السفرة الكرام البررة، والذي يقرأ القرآن ويتتعتع فيه وهو عليه شاق له أجران‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏


Caa’isha (A.K.R) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii akhriya Qur’aanka oo u akhriya si fiican wuxuu la meel joogaa malaa’igta wax qorta oo sharafta leh oo baarriyiinta ah, qofka ku akhriya Qur’aanka si jejebin ah oo uu dhibta ku yahay wuxuu yeelan doonaa laba ajar. (Bukhaari iyo Muslim)


وعن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏مثل المؤمن الذي يقرأ القرآن مثل الأترجة‏:‏ ريحها طيب، وطعمها طيب، ومثل المؤمن الذي لا يقرأ القرآن كمثل التمرة‏:‏ لا ريح لها وطعمها حلو، ومثل المنافق الذي يقرأ القرآن كمثل الريحانة‏:‏ ريحها طيب وطعمها مر، ومثل المنافق الذي لايقرأ القرآن كمثل الحنظلة‏:‏ ليس له ريح وطعمها مر‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏


Abuu Muusaa Al-Ash-Cari (R.C.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Tusaalaha mu’minka darsaa Qur’aanka waa sida liinta ah udguunka iyo macaankla, tusaalaha mu’minka aan akhriyin Qur’aanka waa sida timirta engagan aan iyadu ur lahayn ha yeeshee macaan, tusaalaha munaafiqa akhriya Qur’aanka wuxuu la mid yahay reexaanta udgoon haddana qaraarka ah, munaafaqa aan akhriyin Qur’aanka wuxuu la mid yahay sibirta aan urta lahayn qaraarkana ah dhadhan ahaan. (Bukhaari iyo Muslim).

وعن عمر بن الخطاب رضي الله عنه‏:‏ أن النبي صلى الله عليه وسلم قال ‏:‏ ‏"‏ إن الله يرفع بهذا الكتاب أقوامًا ويضع به آخرين‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.‏


Cumar bin Khaddaab (R.C) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri: Alle wuxuu kor ugu soo qaadi doonaa qooman qaar Kitaabkan (Qur’aanka Kariimka ah), oo hoos ugu dhigi doonaa qaaar kale Kitaabkan(Qur’aanka). (Muslim).


وعن ابن عمر رضي الله عنهما‏:‏ عن النبي صلى الله عليه وسلم قال ‏:‏‏"‏ لا حسد إلا في اثنتين‏:‏ رجل آتاه الله القرآن، فهو يقوم به آناء الليل وآناء 

النهار، ورجل آتاه الله مالا، فهو ينفقه آناء الليل وآناء النهارِ‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.


Ibn Cumar (R.C) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waa inaydan kuunyan dadka laba qof oo kaliya maahee: Kuunyo qof Alle ku galladeystay (aqoonta) Qur’aanka ee dhiga kuna dhaqma dharaar iyo habeenba; iyo mid kale oo Alle maal siiyey ee ku bixiya jidka Alle iyo kor yeelidda diinta habeen iyo maalinba. (labadaas waxaan haeyn waa inaan la kuunyan). Bukhaari iyo Muslim).

وعن البراء بن عازب رضي الله عنهما قال‏:‏ كان رجل يقرأ سورة الكهف، وعنده فرس مربوط بشطنين فتغشته سحابة فجعلت تدنو، وجعل فرسه ينفر منها‏.‏ فلما أصبح أتى النبي صلى الله عليه وسلم ، فذكر له ذلك فقال ‏:‏‏"‏ تلك السكينة تنزلت للقرآن‏"‏‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.


Baraa ibn Caazib (R.C) waxaa laga soo weriyey in nin uu akhrisanayey suuradda Al-Kahaf (Suuradda18), faraskiisina wuxuu ugu xirnaa agtiisa laba xarigood. Waxaa dhacday in daruuri ku soo dhawaatey faraskii oo dabooshay. Faraskii wuxuu billaabay inuu didaa. Markii uu waagu u baryey buu ninkii u tegey Nebiga (S.C.W.) oo arrintii u sheegay. Nebigu (sc) wuxuu yiri: Waa xasillooni (Naxariis iyo nabad iyo raallinnimo) u soo degtey akhrinta Qur’aanka dartii. (Bukhaari iyo Muslim).


وعن ابن مسعود رضي الله عنه قال ‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏من قرأ حرفًا من كتاب الله فله حسنة، والحسنة بعشر أمثالها لا أقول‏:‏ ألم حرف، ولكن ألف حرف، ولام حرف، وميم حرف‏"‏‏(‏‏(‏راوه الترمذي وقال‏:‏ حديث حسن صحيح‏)‏‏)‏‏.


Cabdullaah bin Mascuud (R.C) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii xaraf kitaabka Alle ka akhriyaa wuxuu heli doonaa hal xasano ajar ahaan, halkii ajarna toban jeer baa la laallaabi doonaa. Ma lihi Alif Laam Miim waa xaraf ee alifkaa xaraf ah, laamkuna waa xaraf, miimkuna waa xaraf yacni waa seddex xarfood. (Tirmidi) oo yiri waa xadiiis xasan saxiix ah.

وعن ابن عباس رضي الله عنهما قال ‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏إن الذي ليس في جوفه شيء من القرآن كالبيت الخرب‏"‏‏.‏ ‏(‏‏(‏رواه الترمذي وقال‏:‏ حديث حسن صحيح‏)‏‏)‏‏.

Ibn Cabbaas (R.C) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri: Qof aan qalbigiisa ku jirin wax Qur’aanka ka mida wuxuu la mid yahay guri khariban oo laga guurey. (Tirmidi oo yiri waa xadiis xasan saxiix ah).

وعن عبد الله بن عمرو بن العاص رضي الله عنهماعن النبي صلى الله عليه وسلم قال‏:‏ ‏"‏يقال لصاحب القرآن‏:‏ اقرأ وارتقِ ورتل كم كنت ترتل في الدنيا، فإن منزلتك عند آخر آية تقرؤها‏"‏‏.‏ ‏(‏‏(‏رواه أبو داود والترمذي وقال‏:‏ حديث حسن صحيح‏)‏‏)‏‏.‏


Cabdullaah bin Camar bin Caas (R.C) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri: Qaari’a Qur’aanka waa loo yeeri doonaa Maalinta Qiyaamaha oo lagu oran doonaa: Akhri oo kor ugu bax darajooyinka sare ee Jannada, oo u akhri si aayar ah oo wanaagsan oo la mid ah sidii aad ugu akhrin jirtey adduunkka, degaankaaga jannada wuxuu ahaan doonaa meesha aayadda ugu dambeysa ee akhriskaagu ku dhammaado. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri waa xadiis xasan saxiix ah).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip