Ducada istikhaarada (kala doorashada laba arimood midii roon).

0
Tuesday April 23, 2013 - 13:04:10 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 14851
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 9 4
  • Share via Social Media

    Ducada istikhaarada (kala doorashada laba arimood midii roon).

    Ducada istikhaarada (kala doorashada laba arimood midii roon).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ducada istikhaarada (kala doorashada laba arimood midii roon). عن جابر بن عبد الله قال : كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يعلمنا الاستخارة في الأمور كلها كما يعلمنا السورة من القرآن ، يقول : إذا هم أحدكم بالأمر فليركع ركعتين من غير الفريضة ثم ليقل : اللهم إني أستخيرك بعلمك ، وأستقدرك بقدرتك ، وأسألك من فضلك العظيم ، فإنك تقدر ولا أقدر ، وتعلم ولا أعلم ، وأنت علام الغيوب ، اللهم إن كنت تعلم أن هذا الأمر خير لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري ، أو قال : عاجل أمري وآجله فاقدره لي ويسره لي ثم بارك لي فيه ، وإن كنت تعلم أن هذا الأمر شر لي في ديني ومعاشي وعاقبة أمري ، أو قال : عاجل أمري وآجله فاصرفه عني ، واصرفني عنه ، واقدر لي الخير حيث كان ثم أرضني به ، قال : ويسمي حاجته


Wuxuu yiri jaabir ibnu cabdillaah alle ha ka raali ahaadee isaga iyo aabihiiba: wuxuu ahaa rasuulku s.c.w kii nabara istikhaarada(kala doorashada laba arimood midii roon) arimaha oo dhan sida uu noo baro suurada quraanka, wuxuu dhihijiray: haddii uu damco midkiin arinta, ha tukado labo rakcadood oo faral ahayn (suno ah) kadibna ha yiraahdo:
allaahumma inni astakhiiruka bi cilmika wa astaqdiruka bi qudratika wa as-aluka min fadlika fa innaka taqdiru walaa aqdiru, wa taclamu walaa aclamu wa anta callaamul quyuub, allaahumma in kunta taclamu anna haadal-amra(wuu magacaabayaa baahidiisa) khayrun lii fii diinii wa macaashii wa caaqibati amrii faqdurhu lii wa yassirhu lii, thumma baariklii fiihi, wa inkunta taclamu anna haadal-amra sharrun lii fii diinii wa dunyaaya wa macaashii wa caaqibati amrii fasrifhu cannii wasrifnii canhu, waqdur liyal-khayra xaythu kaana, thumma ardinii bihi


Macnaha oo Af somali :
allaw ii door laba arimood middii roon,anigoo kugu waydiisanaya cilmigaaga iyo awoodaada darteed, waxaana ku weydiisanayaa fadligaaga,(dheeraadkaaga) waayo, adigu allow waad kartaa mana karo, waad ogtahayna ,mana ogi waxaadna tahay ogaanshebadane wixii maqan oo dhan,(qaybabka) allow haddii aad ogtahay in arinkani(wuu magacaabayaa baahidiisa) khayr u yahay diintayda,nolashayda iyo cidhib dembeedka arinkayga, ( ama wuxuu dhahayaa: arinkayga kiisa dagdaga ah iyo kiisa dambeeya) allow ii qadar iina fududee, haddaadse allow ogtahay in arinkani shar u yahay diintayda iyo nolashayda iyo waliba cirib dambeedka arinkayga allow iga weeci, anigana iga jeedi, iina qadar khayrku meesha uu yahay , kadibna igu raali gali”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip