ZOWJAH SAALIXAH

1
Friday April 12, 2013 - 11:16:03 in Muxaadaraad Somali ah by Somali islamic
  • Visits: 4891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    ZOWJAH SAALIXAH

    وخلقناكم أزواجا '' waxaanu idinka uunnay Nuucyo ''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

وخلقناكم أزواجا '' waxaanu idinka uunnay Nuucyo ''

Alxamdulillaahi Kathiiraa Kamaa ancama caleynaa kathiiraa

Ashahadu an laa'ilaaha illa-laah wa anna muxamada S,C,W rasuulullaah

allaah Subxaanahuu Watacaalaa waxuu ka koobay khalqigiisa

laba siiba aadmiga waxuu rabbi ka uumay lab iyo dhidig

asagoo leh allaah ''وخلقناكم أزواجا '' waxaanu idinka uunnay Nuucyo ''

Rabina waxuu nolasha iskugu daray laba labo oo midba kan kale

buu nolasha ugula xiriiriyay si ay naxariis iyo daganasho loo helo

Balse allaah wauxu ka dhigay reerkaas dhismaayo kuwa kala duwan

Kuwa waa kuwuu rabbi ka raali yahay saalixiin is calfaday ama

waa Faasiqiin hooy wada dagay oo sheydaan har iyo habeen la seexdo

hadii aan tusaalo yara dheer ka soo qaato reerka wanaagsan ee

saalixiinta ah ee hooygooda raali ahaansho Raßßi dhex ahaaday


Waxaa jiray Macalin Quraanka dugsi quraan dhigo Waxuuu maalin la kulmay arin


aad ugu yaabiyay macalinkaas hadii aan idiin dhiibo amcalinka oo noo warami


doono waxuu sheekadiisa ku bilaawayaa sidataa asagoo leh


‘’ Waxaa ii yimid Wiil da’diisu aad u yartahay oo doonaya in uu xalaqaadka


quraanka nalaga qeeb qaato waxaan ku iri Maka taqaanaa quraanka wax xoogaa


ah? waxuu iigu jawaabay haa markaa baan iri aqri juss Camma ( juska 1aad )


wuuaqriyay Waxaan iri ma taqaana suuratu mulk ( tabaarak ) haa buu yiri wuuna


aqriyay waxaan la yaabay sida uu u yaryahay iyo siduu u aqrinaayo quraanka


Waxaan weydiiyay ma taqaana suuratu Naxl haa buu yiri wuuna ii aqriyay


suuradaas, aad baan ula sii yaabay xifdigiisa kadib baan damcay inaan ku


barooweeyo suuradaha dheer dheer waxaan ku iri ma taqaana suuratu Baqra?


Haabuu yiri aqris buu ku bilaaway asagoon qaldeyn Markaas baan ku iri


wiilkeygoow mataqaan quraanka oo dhan? Haa buu igu yiri Markaas baan iri


‘’ Subxaanallaahmaasha allaah, Tabaarakallaah ‘’ waxaana ka dalbaday inuu


berri ii yimaadohorayna usoo wado qofka masuulka ka ah anoo aad u yaaban


sida uu noqondoonaa aabahaasi wanaagsan ee wiilkiisa sidaa ugu dadaalay.


La yaab weynwaxaa igu noqday Markuu ii yimid aabihii aan arkay aabiha


asagoon ka muuqanda’ weyn hadalkii buu igu bilaaway asagoo leh waan kaa


dareemayaa inaad layaabantahay inaan wiilkaan aabihiis ahay laakiin fahankaaga


baa qaldan,Wiilkaan waxaa ka danbeesa quraan barashadiisa haweeney u


dhigata kumanaanRag ah Waxaana kuugu bishaareyn in guriga ay noo joogaan


Saddex wiilal ah oo quraankawada xifdisan iyo gabar yar oo afar sana jir ah oo


ayadana taqaan juzz Camma oo kamail ah. Macalinkii waxuu yiri waan la yaabay


waxaana ku iri sideearinkaan ku suura galay? Waxuu aabihii igu yiri


'' Marka ay caruurta bilaawaana ineyhadal bartaan bey hooyadood ku bilaawdaa


barashada quraanka kunaguubaabisaa barashada quraanka Kan ugu hor bartaa


casharkiisa waa midkareerka maalinkaas u dooro cunnada ay cunayaan,


Midka ugu hor baxaa quraankaxilliga muraajacada waa amidka caruurta u dooro


meesha loo wadaayo isbuucaasxilliga fasaxa ah, Midka quranaka ugu hor


khatima oo wada xifdiyaa waa midka u doorameesha ay reerka u safrayaanmarka


sanadka ay meel aadayaan, sidaa bey kunoqdeen kuwa ku tartama barashada


quraanka iyo muraajaceentiisa • • Allaahuakbar walaalayaal taasi waa hooyo


wanaagsan Sawjad saalixad ah weywanaajisay nafteeda kadib buu gurigeeda


wanaagsanaaday waa mida uu nabigascw ku dardaarmay guurkeeda noo


sheegayna inaan ka doorano Hablaha kalooidil asagoo ka tagay kuwa


Maalka leh ama Quruxda badan ama Qabiilka sharaftaleh ka soo jeda


balse noo dardaarmay inaan guursanno mida dabciga iyo diinta usaaxibta ah.


Run buu sheegay nabiga scw markii uu na yiri ’ Aduunyada waamataac ( raaxo )


waxaana ugu kheer badan mataacda dunida haweeney saalixadah''


Maxuu kheer u sugnaaday gabadhaas caruurteeda bartay quraanka waxey


Nabad yeeshay oo raaxo u hor seeday mustaqbalka caruurteeda in uu quraanka


la yimaado maalinta qiyaamo asagoo shafeec u ah jannadana ku hogaamiyo


Nabiga scw waxuu yiri ‘’ waxaa loo oran midka saaxibka la ah quraanka maalinta


qiyaamo, Aqri oo kor ( daaraha jannada ) kala dhig dhig sidaad u kala dhig dhigi


jirtaymarkaad aduunka joogtay gurigaaga waxuu ku yaala aayada u danbeesa


aadaqriso ‘’ ( ibnu Majaix ) Tusaalo ka dhigo walaaley gabadhaas qaalida ah


ayadoomaalinta qiyaamo dhex taagan dadka dhexdooda fiirineeso ubadkeedii


oojannada ku koraya quraankii ay soo bartay kadibna dagaya daaraha ugu


sareeyojannada intaa kadibna u keenaya hooyadood Taaj qurux badan oo la


yiraahdoAl-waqqaar una saaraya madaxeeda taajkaso ka kher badan aduunka


iyo waxa kudhex jara oo dad maal iyo daara ah. Maxey hooyo iyo aabe macaan


Noqondoonaan ubadkaaga marka loo yiraahdo aqriya quraanka halkey bey


gaarsiindoontaa aqrintooda quraanka Ma waxey madaxiina saari doonaan


Taajka Waqqaar,Marka miisanaka qiyaamo la keeno Maxeyhooyoo Macaan


caruurtaadamaxaa Muusig iyo heeso ugu buuxi doono miisaankooda?


Maxaa sawiro xun xun ay gabadhaadafacebook iyo ragg kale tustay ku jiri doono


Maxaa dhar ku dhagan ay banaanka kumartay ugu qornaan doono diiwaankeeda


Intaasoo idil waxaa danbi ku leh oo wax lagaweydiin Hooyo iyo aabe macaan


adinka Maadan maqlin miyaa Rasuulka scw hadalkiisamarkii uu lahaa


‘’ dhamaantiin waxaa tihiin’ kuwa wax la raaciyay waana la idinweydiin waxaa


la idin raaciyay , midka ddka masuul ka ah ( madaxweynaha) waa la


weydiin xilkiisa, Ninka waxaa la weydiin ehelkiisa asagaana Masuul ka ah,


Haweeneyda waxaa la weydiin guriga ninkeeda .................... ’’ (Bukhaari )


Allaah muusan kuu siin hooyo iyo aabe mcn caruurta inaad ka dhigto kuwa


heesabadiya oo quraanka ka taga ee waxuu kuu siiyay inaad ku shukriso


nimcadaas ooaad ka dhigto kuwa badiya xuska allaah oo ducaat diinta rabbi


fidiya ka dhigtoHooyo iyo aabe macaan Ka dhig gurigaaga madarasa quraan


iyo hooy diinta lagubarto si malaa’igta ay gurigiina ugu noqoto hooyo oo


naxariista rabbi ugu soodagato mar walba, marka ay malaa’igta idinka tageyso


rabbi asagoo og wax walba aywar fiican idinka gaarsiiyaan dhanka Rabbi S'W'T


Allaah waxan weydiin inuu guriyaha muslimiinta kadhigo guryo dhaxdiisa rabbi


lagu raali giliyo wiilasha hada soo baxaayana kuirsaaqo gabdho Wanaagsan


cafiifaat muxsinaat qaanitaat ah Gabdhahana kuirsaaqo wiilal ducaat ah hooy


ka dhigta masaajida oo xumaha ka dhoorsadaaamiin aamiin aamiin


Wa billaahu tawfiiq Wasalaamu caleykum waraxmatullahi waßarakaatuH


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip