
Hanbalyo Banaat Raabitaad 2
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
الفالف مبروووووووووووووك لكل الناجحات
Farxad………..Farxad……….Farxad………….Farxad
Waxaa iska leh Mahad Allaah SWT noo sahlay aaladan internetka ee ruuxba si gooniya uga faa’iideysanayo. In aan uga faai’iideysano dhanka khayrka.Maanta oo ah maalin taariikhi ah,48 gabdhood oo kala jooga dunida dacaladooda ayaa dhameeyey dhamaan quraanka kariimka iyo tafsiirkiisaba
Marka waxaan leenahay hanbalyo, Gabdhaha Madarasatu Altaqwaa oo muujiyey karti iyo dadaal dheeraad ah oo ay ku gaareen manta booska ay joogan. Waxaa leenahay guul ayaad gaarteen ilaahay ha idin barakeeyo, hana idinka dhigo kuwa ku dhaqma qowlka ilaahay ay barteen. Waa ilaahay mahadii in weli la helayo hooyo somaliyeed oo ka shaqaysanaysa gurigeeda oo raali gelinaysa zawjkeeda, xanaanaynaysa caruurteeda, isla markaana diyaar u ah barashada qur’aanka iyo diinta.
Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofka waxbarto si uu unoolaado. Hadaan nahay dad islaam ahna, dastuurka nolosheenu waa Qur’aanka iyo sunada nebiga csw. Hadaba aan ku dadaalno barashadeeda. "Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir laheyn jaahilnimada ama aqoondaridu waxay bur burisaa guri sharaf iyo barwaaqo ay kunool yihiin dadkiisa”.
Hooyadu Waa tiirka uu ku taagan yahay guriga ama qoysku. Maahmaah Somaliyeed baa ah "Ninkii gabar wax baray, bulsho buu wax baray” Marka waxaan kula dardaarmaynaa hooyooyinka somaliyeed inay wax bartaan oo weliba ay bartaan diintooda taas baa badbaadada aduun iyo aakhiro ku jirtaa.
Ogaw aqoontu waa iftiin ama nuur, jahliguna waa mugdi inoo horseedaya meel aan wanagsanayn, marka aynu ku daadaalno barashada diinteena si aynu ugaarno hormar loo riyaaqo. Gabdhaha Somaliyeed ee walaaleheen ah khaasatan gabdhaha paltalk aan deriska ku nahay, fadlan nagala soo qayb gala barashada kalaamka alle.
Ugu dambeenti Waxaan fursadaan uga faa’iideysanayaa inaan u mahad celiyo sheekheena sheikh Xanafi oo kasoo shaqayeeyey isu keenka walaalahan khayrka qaba, u guntaday inuu waxbaro walaalaha somaliyeed ee uu ka saaro jahliga, iyo walaalaha kale ee ka shaqaya dacwada Alle SWT ha u saaro musaanka xasanatka. Gabdhaha Altaqwaana waxaan leeyahanahay mar labaad hanbalyo, farxadiina Allaah ha idiin siyaadiyo, halkaana kasii wada dadaalka, ogaada waxaa idin saran xil ee ka bilaaba barida quraanka gurigiina, deriskiina, xaafadaha iyo magalaada aad degan tihiinba.
Waa dardaaran gooniya oo ku socda gabdhaha Madarasatu Alqawaa.
LIiska Raabitaad 2
Hanbalyo Banaat Raabitaad 2
Raabitaad