Jaahilnimada Shabaabka Iyo Ku been Abuurashada Shareecada
Sh Xuseen sh cali ow xanaafi
Waxaa Dhalinyarada Somaliyeed mantay qarkodii ehlu dinka aha ku habsatay musiibo xaga fikirka ah kuwaas oo u xinraafay afkaaro ka takfiirka calamiga ah hadaba arimahaan ayaan isku dayi doonaa in aan cilaajino wadadii iyo manhajka
ehlusnana u celino intii karaanken ah.
Maqalkaan Waa horu dhac.
Koow waxay dhalinyarada somaliyeed mantay galaysiiyaan dhawr iyo konton dawladood oo islaam ah qarxiyaan naf iyo malkoodiba xalashadeen maxay u galaysinayaan
Waxay leeyihiin iskuma xukumaan kitaabka?
Jawaab.
Awalan isku xukunka kitaabka alle waa Waajib alle ku faral yeelay adoomihiisa balse waa arin tafsiil leh cinda ehlu suna wal jamaaca waa arin ka tagetankeeda marna keeni karta gaalnimo marna ah danbi kabaair ah.
Ma inkirayo mana oranayo lama helayo madaxda gaartay heerkii lagu galobayay laakiin hadiiba ay ku dhacado oo madaxdaas ay soo baxdo in ay ku dhaceen gaalnimo cad o sida qoraxdaas oo kalaa ma jirto cid gaalaysiin karta si mucayan ah ilaa shuruudii iyo mawaanicdii gaalnimada laga helo oo xujada lagu oogo moyane
Sababto ah manhajka ehlu suna wal jamaaca in xukun qof lagu dajiyo aan shuruud iyo mawanic loo eegin kama mid ahan waxaa dhici karta qofkaas ku dhacay in uu yahay jaahil ama waxaa dhici karta in uu yahay mutawil amaba waxaa dhici karta in aktisa ay yihiin oo ay u fatwoonayaan culamaa'u suu ar hadaba ixtimalaadkaan oo dhan ayaa jiri kara sidee si cayni ah loogu gaalaysiin karaa ayadoon xujada cad lagu oogin.
sidoo kale cida xujada ogaysa mahan qofkasta ee waa ruux caalim ah laguna kalsoon yahay ee waa si ka gadisan sida mantay jirta oo maqaayadaha lagu shaaheyo wilasha fadhiya ay ku galaysiinayaan amaba aladaha netka wax la iskaga tuur tuuro taasi wa mid xaqa iyo xaqiiqada dhabtaa ka dheer.
Sidaas oo kale waxaa ayaduna xusuusin mudan hadii la dhaho waaba gaal lana isku raaco culumada rabaaniyiintaana ay taxqiijiyaan
in lagu baxo madaxweynahaas lafteeda culumada ehlu suna shuruud ayeey u dajiyeen ay kamid tahay sidaan.
1. in la xaqiijin karo oo la hubo in la suulin karo meshana lagala wareegi karo
2. in mafsadada ka badan maslaxda la xaqiijinayo aysan ka iman naynin
3. xakimkii islamka ahaa oo la diyaarsho oo badali laha xakimkaas galkaa
ma banaana in lagu baxo xakimka gaalka ah ilaa shuruudaan la helo
Hadii aan u laabano masalada isku xukunka kitaabka
waxaan lenahay horta isku xukunka kitaabka ma qusayso oo kaliya madaxweyne ee waa arin qusaysa cid walba mana ahan sida ay mantay dhalinyaradu u fahmeen oo ay dusha uga sarayaan madaxwayaha oo kaliya ee waa arin waa jib ay ku tahay cid walba isku xukunka kitanka.
Waxa uu yiri sheekhul islaam ibnu taymiyah cid walba oo kala xukunta laba qof waa qaadi ha ahaado midka dagaalka amaba haya diiwanka amaba u xilsaaran arimaha wanag farida iyo xuma reebida xataa midka kala xukumaya caruurta waxyaabaha ay dhulka ku xariiqan jex jexaan saxaabada rasulka waxay ku tirin jiraan xukunka
hadaba waxaan ogaanay isku xukunka kitabka in aysan qusayn oo kaliya xakim ee in ay tahay arin cidwalba qusaysa
tusaale midka gar xiirkaa iskuma uusan xukumin kitaabka alle lama oranayo waa gaal daahirka ayadana ma laqadanayo danbina laguma galaysiinayo ayadaan quraanka ahna dahirkeeda waxaa qatay oo ku dhumay waa khawaarij
ayaga ayaa qatay daahirkeeda oo ciday rabaan dusha ka saara lakin cinda ehlu suna waljamaaca waxaa lagu tirshaa kufru duunul kufri oo ay tahay gaalnimadi dinta aan loga baxay laakin khawaarijtu daahirkeeda ayeey qateen dusheeyna ka sareen islaamka iyo madaxdoodii umadoo dhana wa ku galaysiyeen aan daliilka culumada soo aroorsho
أخبرنا إسماعيل بن سعيد المعدّل ,أخبرنا أبو بكر بن دريد ,أخبرنا الحسن بن خضر قال :سمعت ابن أبي دؤاد يقول :أُدخل رجلٌ من الخوارج على المأمون ,فقال : ما حملك على خلافنا ؟قال : آيةٌ في كتاب الله تعالى .
Waxaan mantay qormadeenaan ku soo gaba gabaynayaa cid walba oo ku dhacda gaalnimo in aysan ahayn gaal
TUSAALAHA KOOBAAD IIMAAM EHLU SUNAH WAL JAMAACAH AXMED BIN XANBAL IYO MADAXDII KA HOR TIMID
Imaam Axmed Raximahu laah Kuma Uusan Gaalaysiin Hadalkoodii Ahaa Quraanku Waa Makhluuq Taasoo Dadka Ay ku Qasbi Jireen. Lakin Jamaacatu Ehlu Suna Waxey Isku Raaceen Hadalkaas Cidii Dhahda Quraanku Waa Makhluuq In Uu Ku Gaaloobayo , Waxaadna ka eegi kartiin(sharax usuul ahlu suna)Wafataawa Ibnu Taymiyah 48012 Iimaam Ahmed Kuma Galaysiin Tafsiirkii Ay Sameeyeen Maadaama Ay Ahaayeen Muta’wilin Bal imaam Axmed Wuu IsKa Cafiyay Wuuna u Duceeyay Wuxuuna Yiri Qof Kastoo Wax Iga Sheegay waan Cafiyay Ilaa Nin Bidca Wato mooyeene – Abaa Isxaaqna Waa (Muctasim) Waxba Uma Haysto Waxaana Allah Uu yiri Subxaanahu Watacaalaa Min Suuratu Nuur 22(وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلاَ تُحِبُّونَ أَنْ يَغْفِرَ الله لَكُم,,,Nebigana Wuxuu Amray Abuubakar Cafis Qisatul Mistax , Abuu Cabdulaahi(oo ah axmed ibnu xambal) Wuxuu Dhahay Maxaad Ka Faaideeysaa Haduu Allaah U Cadaabo Daraadaadaa Walaakaaga muslimka Ah. Eeg tafsiir bidaaya wal nihaaya ibnu kathiir , iyo siyar aclaam al-nubalaa
Fataawaa 489-12 507-7 Sida Oo Ay Tahay Iimaam Ahmed Wuu U Duceeyay Qaliifadooda Iyo Kuwa Kale Oo IImaam Axmed Dhibaatada Gaarsiiyay Oo Xiray Iimaamka Wuuna U Cafiyay Danbiga Ay ka Galeen, Wuuna u Istqfar Dalbay Kufrigoodii Ay Galeen Waloow Murtad Ay Banaaneeyn In Loo Danbi Dhaaf dalbo Waayo Qof Murtad Istigfaar looma Dalbi Karo Kitaabka Iyo Sunada Iyo Ijmaaca A Imada Ahlu Sunah Wal Jamaacah. Aqwaashaan Iyo Acmaashaan Asaga Iyo Aimada Kalba Waa Ay cadahay In Aysan Cid Shakhsi Ah Mucayan Ah Aysan Gaalaysiin Sida Jahmiyada Oo Lahaa Quraanku waa Makluuq Iyo Allaah Lama Arkaayo Maalinta Qiyaame. Iimaam Axmed Waxa laga soo guuriyey daliil ah inuu gaaleysiiyey qolo gaar ah Oo Ah Jahmiyada. Marka Mas Aladu in labo riwaayo laga soo guuriyo imaamka fiiro ayey u baahantahay,ama waxaa lagu xambaaraya in 2 rayi loo kala qaado,Mid Waa Cayni(si gaar ah in qofka loo gaaleysiiyo) Midna Waa Tafsiil(in lakala saaro )Waxaa la dhahaya Qofkii uu Shakhsi U Galaysiiyey Waxa laga helay shuruudihii gaalnimada keenayey waxana laga waayey wixii gaalnimada ka celin lahaa , ciddii uusan si shakhsi ah uusan u gaaleysiinna waxa laga waayey wixii keeni lahaa gaalnimada arinkan waa marka aan takfiirka uga hadalno si guud ah oo caaam ah .
TUSAALAHA LABAAD SHEEQ ISLAAM IBNU TAYMIYAH IYO KUWII KA SOO HORJEEDAY KASOO HORJEEDA
Waxa uu Ahaa AllahaU Naxariistee Mid Ku Socda Ama raaci MAnhajkaan Mana Uusan Gaalaysiin Jirin Dadka Shakhsiga Ah Kufri Mucayan Ayada Oon lagu haynin Xujo (Daliilka) oo Shuruuda Galaysiinta Shkhsiga iyo Waxyabaha U diidaya In La Galaysiiyo Uu U Dhamaystiro.
Waxa Uu Leyahay Sheekh Islaam Ibnu Taymiyah Raximahu laah Fataawa ibnu taymiin 229-3 Qofkii Aniga Ila Fariista Wuxuu Ogaan Jiray Inaan Ahay Qofka Ugu Horeeya Oo Diida In La Gaalaysiiyo Dadka gaarka ah (jahmiyada) Oona la Caayo ilaa lagu Oogo Xujo Cad Ee Risaalada Ah.taasoo Qofkii Khaalifa uu Yahay Marna Kaafir Marna Faasiq Marna Caasi ,Waxaan Aaminsanahay Inuu Allaah U Cafinayo Umadaan Gafkeeda, Qaladkuna wuxuu galaa Masaailka Afka Aad Ka dhaheysid Iyo Acmaasha Aad Sameeynaysid
Waxa Uu Yiri Sido Kale Sheekh Islaam kitabka (alrad calaa bakri) 492-2 Waxaan Dhihi Jiray Jahmiyada, xuluuliyada iyo Nafaaiyada Kuwa Nafyiyay In Allah uu Ku Suganyahay FAwqa Carshihii MArkii Mixnadu Dhacday. HAdii Aan idinKu Waafaqi Lahaa Qowlkiinii(oo ahaa quraanka waa maqluuq iwm) Waan Ku Gaaloobayaa Sababtoo Ah Anigu waxaan cilmi u leeyahay qowlkiina inuu yahay gaalnimo. Adinkuna agteyda gaalo kama tihiin Sababtoo Ah Juhaal Ayaad tihiiin. kaasna waxay Ahayd Hadal Uu U Diray Culimadooda iyo Qaadiyaalkooda iyo Umaradooda Jahligooda Asalkiisa Wuxuu Ahaa Shubuhaat Caqligooda Iyo Maskaxdooda ah taas oo ka timid ka gaabinta madaxdooda ay ka gaabiyeen iney ogaadaan daliilka saxda ah ama macquul sariix ah oo waafaqsan daliilkaas.
Sidoo Kale Waxa Uu Yiri Sheekh Islaam Ibnu Taymiya Fatwah 164-165-35 Qofka u Maleeyay Shiqiisa Inuu Irzaqsiinayo Ama Garab Siinaayo Am Hanuuninaayo Ama Taajir ka Dhigayo Ama Caawinaayo ama Caabudaaya Shiiqiisa markuu wacayo Shiiqiisa U Sajuudaya Ama ka kor Marsiinaya Nebiga csw Ama Shiikha Uu Asaga ugu Dhow Yahay Allaah Subxaanahu Watacaalaa Ama Shiiqiisa iyo Asagaba u Maleeyeen Ineyn Rasuulka csw u Baahneen Kuligood Waa Wada kaafiriin Hadii Ay Banaanka La Yimadaan Hadii Aysan Banaanka La Imaana Waa Munaafiqiin.
Dadkaan Aan Soo Sheegnay zamankaan Wey bateen Sababtoo Ah Waxaa Aad U Yaraadey Dadka Ugu Wacaaya Cilmiga Iyo Iimaanka Iyo Risaalada Garsiinteeda, Oo Dhulal Badan hoos Ugu dhacdey Dadkaas Intooda Badan Ma Qabaan Dhaxalkii nebiga laga dhaxlay Wax Ay Ku Hanuunsami Karaan Kuwa Badan Maba Gaarin Waqtiyadaas Oo Kale iyo Meelaha Ay Wax Ka Dhacaan Allaah Abaal Marin Ayuu Siinayaa Qofkii imaan Yar uu haysto Allaahna Wuu u Danbi Dhaafaayaa Qofkii aysan Ku Dhicin Xujo Aan Loogu Danbi Dhaafi Karin Sida Xadiiska uu sheegayo (waxaa imaanayo zaman Ayan Dadka Aqoon Salaada Soonka Xajna ma yaqaanaan cumro Ma yaqaaniin waxaa Garanaya Oo keliya Nin Oday ah Ama Ama ISlan Wayel Ah Waxayna Dhahayaan Awoowayasheen Ayaan Kasoo Gaarnay Ayagoo Leh laa ilaaha ilaa laah)
Xudeyfa bin Nucmaan Waxaa Lagu Yiri Maxay U Taraysaa Laa ilaaha ilaa laah keliya Wuxuu ku Jawaabay Naarta Ayey Ka Badbaadinaysaa ,
Dadka Oranahaya Waxyaabaha Lagu Gaaloobo kitaabkii ale iyo sunada rasuulka csw aa lagu gaaloobey xukunkaas mala gaari karo waxna ulama ahan qof kastoo sidaa dhahana in la dhaho waad gaalowday Ilaa ay ku cadaato shuruuda qofka lagu gaaleeyn karo(shuruud takfiir mucayan )
Sioo kale waxa u leyahay Kitaabka fataawii (sharax caqiidat asfahaani)safxah 211(falasifada iyo Baadhiniyada Waa Gaalo gaalnimadoodu U Cadahay Muslimiinta Lakin gaalnimadooda Ma Garan karo Qof Walba iyo Dadka aan aqoon xaqiiqada hadalkooda, Dadbaa iska Qaadanaayo hadalkooda ayagoon ogeen in lagu gaaloobaayo cudur waxaa loogu dhigi karaa inuusana ka war qabin jahilnimadiisa
kaas waxa weeye moowqifkii sheequl islaam ibnu taymiyauu ka taagnaa kuwa xaqa khilaafsan oo uu isku qasaya waxyaalaha lagu gaaloobi karo oo shakina ku jirin iney gaalnimo tahay muslimiinta agtooda. lakin shiiq ibnu taymiya muusan gaaleyn waana la doodey sababta xaqoo ka qarsoonaay iyo jaahilnimadooda awgiis iyo ka fogaasho ay ka fogaayeen cilmiga sharciga ah iyo arinka oo aad isaga dhex darsamay .
TUSAALAHA SEDEXAAD MOOWQIFKA SH MAXAMED IBNU CABDUL WAHAAB RAXIMAHU LAAH UU KA QABO DADKA QILAAFSAN
Sheekh Maxamed Ibnu Cabdulwahaab Raximahu laah Sidii iimaamayadii Hore Oo Kale Waxa Uu aamin sanaa In Aan Takfiir Mucayan Shakhsi La Gaalaysiin Karin Ilaa Xujada Iyo shuruuda Lagu Galobo La Imaan
Shiikhu Waxa Uu Yiri Allaah U naxariistee Kitaabkiisa (fataawaa al masail)safxada 11( hadii Aanan La Gaaleysii neynin Ninka Sanamka Saaran Qubada Cabdulqaadir Kan Caabudaayo iyo Kan kale Ee Asna Caabudaaya Sanamka Qabriga Axmed Yaala iwm, Sababto An Loo Gaalaysiinayna Waa Jaahilnimadooda Daraadeed Qof U Digayna Ma Jiro marka Sideen U Gaaleyneynaa Nin AanAllaah Uu Shariik Yeelin.
Haduu Anaga inoo imaanin Kuwaas Ayaa gaalo ah uusan dheheeynin Ama uusan Dagaalameynin Taasna waa Been weyn.
Sheekhu Wuxuu Yiri Allaha U Naxariistee kitaabkiisa (majmuuc al mu alifaat al rasaail shaqsiyah)safxa 3-33-85 Waxaa Aniga La Iga Sheegay Oo Ah Inaan Aniga Dadka Guud Ahaan Aan Gaaleeyo Taas Waa Beenta Dadka I Neceb Waxaa Kaloo Ka Mid Ah Hadlkooda Inaan Dhahay Ninkii Raaca Diinta alle iyo rasuulkiisa csw Beledkiisana Iska Degan Taas Kuma Filna Ilaa Uu Aniga Ii Yimaado Taasna Waa Been Leyga Sheegay, Muraadka Loo Baahan yahay Waa in La Raaco
Diinta Alle iyo Rasuulkiisa csw Meeshaa Rabtid Joog. Lakin Waxaa Gaaleyneynaa Ninkii Allaah iyo diintiisa iyo rasuulkiisa qira ka dibna Cadow Ku Noqda Dadkana Ka Reeba waxaan Kaloon Gaaleyneynaa Ninka Sanamyada Caabuda isagoo Ogaadey Taas Iney Tahay Diinta Mushrikiinta Dadkana U Qurxiya kaas weeyaan waa kan aan gaaleyneyno Nin kastoo Oo CaalimAh Oo Aduunka Jooga waa Uu Gaalaysiinayaa Nin Kaas OO Kale, ilaa Nin Jaahil Ah Ama Nin Muranloo Ah Mooyee
Shiikhu Wuxuu yiri Alaha u Naxariistee Asagoo Ka Jawaabaya Waxa loo Nisbeeyay Oo La Xiriira GaaleySiin Dadka la gaaleynaayo (Waxaa Lagu sheegay inaan Busiri gaaleysiiyay sababtuna ay tahay Hadalka uu yiri oo ah (Yaa Akramal Khalqi) Jawaabteydu Waxay Tahay Subxaanaka Haadaa BuhtaanunBbuhtaanun cadiim Rabiyoow Nasahnaantaadee Taasi Waa Been Abuur Weeyn. Waa Dhaday Hadalki Culumadu.
Jaahilnimada Shabaabka Iyo Ku been Abuurashada Shareecada
Waxaaan Balan Qaadi Doonaa Maqaalo Taxanaa Saldhigna u ah manhajka ehlu suna wal jamaaca iyo kooxaha khilaafsan sida dhalinyarada xarakada shabaab oo qadatay ama ahysata manhajka iyo fikirkii khawarijta in ay ogaadaan xaqiiqada dhabtaa iyo cilmiga k