Tafsiirka Caawa baxay oo maqal iyo Qoraal ah suuratul shucaraa Aayada 137---159 by sheekh Xasan Ibraahim Ciise

0
Thursday March 21, 2013 - 13:18:14 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 3474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Caawa baxay oo maqal iyo Qoraal ah suuratul shucaraa Aayada 137---159 by sheekh Xasan Ibraahim Ciise

    Tafsiirka Caawa Baxay oo maqal Iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjumay Ka Faa'iidaysi Wacan. asaga oo cod ahna halka sare ka dhagyso waxkata wa lagu sahlay walahaaga u soo ducey adigana janiska ha beerdaraynin Allaha ku xifdiyo Danbeeye magaaro qora

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 58 KB
Tafsiirka Caawa Baxay oo maqal Iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjumay Ka Faa'iidaysi Wacan. asaga oo cod ahna halka sare ka dhagyso waxkata wa lagu sahlay walahaaga u soo ducey adigana janiska ha beerdaraynin Allaha ku xifdiyo Danbeeye magaaro qoralka somaliga kuturjumana hoos ka akhriso amaba la dag jzklh

<Waxay yiraandeen> kanna ma aha Dhaqamadii hore maahe

إِنْ هَـٰذَا إِلَّا خُلُقُ الْأَوَّلِينَ﴿١٣٧

Anagana ma nihin kuwa la Cadaabayo

وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ﴿١٣٨

Way Beeniyeen waana Halaagnay Arinkaana waxaa ku sugan Calaamad Badankoodna Ma ahan Mu’miniin.

فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَاهُمْۗإِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةًۖوَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ﴿١٣٩

Rabigaana waa Casiis (adkaade) Naxariis badan.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ﴿١٤٠

Waxay beeniyeen reer THamuud Rusushii loo diray.

كَذَّبَتْ ثَمُودُ الْمُرْسَلِينَ﴿١٤١

Waqti uu ku yiri walaalkood (Nabi) Saalix miyaydaan Cabsaneen.

إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ صَالِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٤٢

Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ﴿١٤٣

Ka Cabsada Allaah Anigana i Adeeca.

فَاتَّقُوا اللَّـهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٤٤

Idiin Su’aalan maayo Xaqa gaarsiintiisa ajuuro, Ajargaygana ma ahanin Rabiga Caalamiinta korkiisa ma ahane.

وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍۖإِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ﴿١٤٥

Ma waxaa la idinkaga tegayaa waxa Halkaan ah (Nimcada) Idinka oo aaminiin ah

أَتُتْرَكُونَ فِي مَا هَاهُنَا آمِنِينَ﴿١٤٦

Beerooyin dhexdood iyo Ilo.

فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ﴿١٤٧

Iyo Beero iyo Timir Fiidayda Bislaatay.

وَزُرُوعٍ وَنَخْلٍ طَلْعُهَا هَضِيمٌ﴿١٤٨

Maka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinka oo kibirsan.

وَتَنْحِتُونَ مِنَ الْجِبَالِ بُيُوتًا فَارِهِينَ﴿١٤٩

Ee Ka cabsada Allaah Ina adeeca

فَاتَّقُوا اللَّـهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٥٠

Ha adeecina (ha maqlina) Amarka Xadgudbayaasha.

وَلَا تُطِيعُوا أَمْرَ الْمُسْرِفِينَ﴿١٥١

Kuwa fasahaadiya Dhulka oo aan Hagaajinayn.

الَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ﴿١٥٢

Waxay yiraahdeen waxaad kamid tahay uun kuwa la Sixray.

قَالُوا إِنَّمَا أَنتَ مِنَ الْمُسَحَّرِينَ﴿١٥٣

Mana tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad haddaad kamid tahay kuwa Runta sheega.

مَا أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا فَأْتِ بِآيَةٍ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ﴿١٥٤

Wuxuu yiri Tani waa Hal, waxay leedahay Cabid idinkana waxaad leedihiin Cabid Maalin la yaqaan.

قَالَ هَـٰذِهِ نَاقَةٌ لَّهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ﴿١٥٥

Haku Taabanina wax xumaan ah, oo idin qabto Cadaab Maalin wayn.

وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ﴿١٥٦

Way Boqon jabiyeen (Gowraceen) waxayna noqdeen kuwa shalaayo

فَعَقَرُوهَا فَأَصْبَحُوا نَادِمِينَ﴿١٥٧

Waxaa qabtay Cadaabkii, Arinkaana waxaa ku sugan Calaamad, Badankoodna Ma aha kuwa Rumeeyo (Xaqa)

فَأَخَذَهُمُ الْعَذَابُۗإِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةًۖوَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ﴿١٥٨

Rabigaana waa Akaade, Naxariis Badan.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ﴿١٥٩




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip