
Tafsiirka Caawa baxay oo maqal iyo Qoraal ah suratul shucaraa Aayada 112--136
Size: 59 KB
|
Wuxuu yiri aniga Cilmigayga ma aha waxa ay Qabanayaan. |
قَالَ وَمَا عِلْمِي بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ﴿١١٢﴾ |
|
Xisaabtooduna ma aha Rabigay dushiisa ma ahane, Haddii aad ogtihiin |
إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖلَوْ تَشْعُرُونَ﴿١١٣﴾ |
|
Aniguna ma ahi mid Kala ceerinayo (eryayo) Mu’miniinta |
وَمَا أَنَا بِطَارِدِ الْمُؤْمِنِينَ﴿١١٤﴾ |
|
Anigana ma ihi waxaan Dige cad ahayn. |
إِنْ أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ﴿١١٥﴾ |
|
Waxay yiraahden haddii aadan ka harin Nuuxow Waxaad ka mid noqonaysaa kuwa La rajmiyo (dhagax lagu dilo) |
قَالُوا لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَا نُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمَرْجُومِينَ﴿١١٦﴾ |
|
Waxuu yiri Rabiyow Qomgayga Way i Beeniyeen. |
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوْمِي كَذَّبُونِ﴿١١٧﴾ |
|
Ee nakala xukun dhexdeena, ina kori aniga iyo inta ila jirta ee Mu’miniinta ah. |
فَافْتَحْ بَيْنِي وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ﴿١١٨﴾ |
|
Waxaan ku Badbaadinay Asaga iyo intii la jirtay Doontii La buuxiyay. |
فَأَنجَيْنَاهُ وَمَن مَّعَهُ فِي الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ﴿١١٩﴾ |
|
Katibna waxaan maashaynay intii hartay (Gaalada) |
ثُمَّ أَغْرَقْنَا بَعْدُ الْبَاقِينَ﴿١٢٠﴾ |
|
Taasna waxaa ku sugan Aayad mana aha badankood kuwa Rumaynaya |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةًۖوَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ﴿١٢١﴾ |
|
Rabigaana waa Casiis (Adkaade) Naxariis badan. |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ﴿١٢٢﴾ |
|
Waxay beeniyeen Reer Caad Rusushii lasoo diray. |
كَذَّبَتْ عَادٌ الْمُرْسَلِينَ﴿١٢٣﴾ |
|
Waqti uu u yiri walalkood Huud miyeydaan Cabsaneen. |
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٢٤﴾ |
|
Aniga Rasuul Aamin ah ayaan idiin ahay |
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ﴿١٢٥﴾ |
|
Ka cabsada Allaah anigana i Adeeca. |
فَاتَّقُوا اللَّـهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٢٦﴾ |
|
Idiin Su’aalan maayo Xaqa gaarsiintiisa ajuuro, Ajargaygana ma ahanin Rabiga Caalamiinta korkiisa ma ahane. |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍۖإِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ﴿١٢٧﴾ |
|
Maka dhisaysaan Meel walba oo taag ah calaamad Idinka oo Cayaaraya. |
أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ آيَةً تَعْبَثُونَ﴿١٢٨﴾ |
|
Ma waxaad samaysaneesaan masaanic (Dhismo waawayn) idinka oo waarayo oo kale. |
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ﴿١٢٩﴾ |
|
Markaad Qabanaysaana Waad Qabanaysaan idinka oo jabaariin ah (Wax qasbaya) |
وَإِذَا بَطَشْتُم بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ﴿١٣٠﴾ |
|
Ka Cabsada Allaah ina Adeeca. |
فَاتَّقُوا اللَّـهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٣١﴾ |
|
Ka cabsada Rabiga idinku siyaadiyay waxaad ogtihiin |
وَاتَّقُوا الَّذِي أَمَدَّكُم بِمَا تَعْلَمُونَ﴿١٣٢﴾ |
|
Wuxuu idinku siyaadiyay Xoolo iyo Wiilal |
أَمَدَّكُم بِأَنْعَامٍ وَبَنِينَ﴿١٣٣﴾ |
|
Iyo Beerooyin iyo Ilo |
وَجَنَّاتٍ وَعُيُونٍ﴿١٣٤﴾ |
|
Aniga waxaan idinkaga Cabsanayaa Cadaab maalin wayn. |
إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ﴿١٣٥﴾
|
|
Waxay yiraahdeen waa iskugayna mid hadii aad Na wacdiso ama hadii aadan na wacdin. |
قَالُوا سَوَاءٌ عَلَيْنَا أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُن مِّنَ الْوَاعِظِينَ﴿١٣٦﴾ |

0 

Tafsiirka Caawa baxay oo maqal iyo Qoraal ah suratul shucaraa Aayada 112--136
Tafsiirka Caawa Baxay oo maqal Iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjumay Ka Faa'iidaysi Wacan. asaga oo cod ahna halkaan ka dhagyso waxkata wa lagu sahlay walahaaga u soo ducey adigana janiska ha beerdaraynin Allaha ku xifdiyo Danbeeye magaaro qoralka