
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul Takaathur_1_8*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
|
Suuratul Takaathur |
سورة التكاثر |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Waxaa idin Mashquuliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid), |
أَلْهَاكُمُ التَّكَاثُرُ﴿١﴾ |
|
Intaad Xabaalaha ka Booqataan (dhimataan). |
حَتَّىٰ زُرْتُمُ الْمَقَابِرَ﴿٢﴾ |
|
Saas ma aha ee goor danbe ayaad ogaandoontaan. |
كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ﴿٣﴾ |
|
Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka ciribtiisa). |
ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ﴿٤﴾ |
|
Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta). |
كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ الْيَقِينِ﴿٥﴾ |
|
Katib waad arkaysaan (Naarta) Jaxiima, |
لَتَرَوُنَّ الْجَحِيمَ﴿٦﴾ |
|
Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.(Dhab ah) |
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ الْيَقِينِ﴿٧﴾ |
|
Waxaana laydin warsanaa Maalintaas Nicmadii. |
ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ﴿٨﴾ |

0 

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul Takaathur_1_8*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
ALlahu akbar akhiro akhiro ayeey na xasuusinaysaa