
Tafsirka Suratu Fajr ilaa dhamaad
|
Suuratul Fajr |
سورة الفجر |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga. |
وَالْفَجْرِ﴿١﴾ |
|
Iyo habeenka tobanka ah <carrafo> |
وَلَيَالٍ عَشْرٍ﴿٢﴾ |
|
Iyo tirada siman iyo tan is dheerba. |
وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ﴿٣﴾ |
|
Iyo Habeenka markuu tagayo. |
وَاللَّيْلِ إِذَا يَسْرِ﴿٤﴾ |
|
Miyaysan Arintaas ahayn wax loogu dhaarto Qof Caqli leh. |
هَلْ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِي حِجْرٍ﴿٥﴾ |
|
Ma ku soo gaartay sida Rabigaa u falay Caad. |
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ﴿٦﴾ |
|
Iramtii siduu Allaah u galay Tiirarka u saaxiibka ahaa(xoogga lahaa) |
إِرَمَ ذَاتِ الْعِمَادِ﴿٧﴾ |
|
Kuwaasoo wax la mid ah aan lagu dhulka. |
الَّتِي لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِي الْبِلَادِ﴿٨﴾ |
|
Iyo THamuudkii ahaa Dhagaxa kuwa ku jarjara waadiga. |
وَثَمُودَ الَّذِينَ جَابُوا الصَّخْرَ بِالْوَادِ﴿٩﴾ |
|
Iyo firciinkii Dhakawyada u saaxibka ahaa. |
وَفِرْعَوْنَ ذِي الْأَوْتَادِ﴿١٠﴾ |
|
Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka. |
الَّذِينَ طَغَوْا فِي الْبِلَادِ﴿١١﴾ |
|
Kuna badiyay dhexdiisa fasahaadka. |
فَأَكْثَرُوا فِيهَا الْفَسَادَ﴿١٢﴾ |
|
Markaasuuna Rabigaa ku shubay korkooda cadaab daran. |
فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ﴿١٣﴾ |
|
Rabigaana waa mid u kaban Abaal marinta (u darban abaal marinta) |
إِنَّ رَبَّكَ لَبِالْمِرْصَادِ﴿١٤﴾ |
|
Marka Eebe dadka imtixaanno xoolana ugu nimceeyo wuxuu dhahaa (kan xun) waa lay sharfay <isagoo faanaya> |
فَأَمَّا الْإِنسَانُ إِذَا مَا ابْتَلَاهُ رَبُّهُ فَأَكْرَمَهُ وَنَعَّمَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَكْرَمَنِ﴿١٥﴾ |
|
Haddiise Rabigiis imtixaano oo xoolaha ku yareeyo wuxuu dhahaa Rabigay wuu i duleeyay. |
وَأَمَّا إِذَا مَا ابْتَلَاهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَهَانَنِ﴿١٦﴾ |
|
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaaleen Agoonka. |
كَلَّاۖبَل لَّا تُكْرِمُونَ الْيَتِيمَ﴿١٧﴾ |
|
Mana fartaan in Masaakinta wax la siiyo. |
وَلَا تَحَاضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ﴿١٨﴾ |
|
Waxaadna aad u cuntaan dhaxalka si xaq darro ah. |
وَتَأْكُلُونَ التُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا﴿١٩﴾ |
|
Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran. |
وَتُحِبُّونَ الْمَالَ حُبًّا جَمًّا﴿٢٠﴾ |
|
Arinka saas ma aha, ee marka la burburiyo Dhulka. |
كَلَّا إِذَا دُكَّتِ الْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا﴿٢١﴾ |
|
Rabigaana uu yimaado iyo Malaa’iktoo safan. |
وَجَاءَ رَبُّكَ وَالْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا﴿٢٢﴾ |
|
Naarta Jahanamana maalintaas la keeno, Maalintaasna dadku ay wax xasuustaan, Xasuus maxay u tareysaa. |
وَجِيءَ يَوْمَئِذٍ بِجَهَنَّمَۚيَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ وَأَنَّىٰ لَهُ الذِّكْرَىٰ﴿٢٣﴾ |
|
Markaas buu dhahayaa shalaytadaydiiyee maan wanaag hormarsado. |
يَقُولُ يَا لَيْتَنِي قَدَّمْتُ لِحَيَاتِي﴿٢٤﴾ |
|
Maalintaas wax looma cadaabayo sida Allaah wax u cadaabayo oo kale. |
فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُ أَحَدٌ﴿٢٥﴾ |
|
Loomana xirxirayo sida Allaah wax u xirxirayo oo kale. |
وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُ أَحَدٌ﴿٢٦﴾ |
|
Naftaan xasilooneey. |
يَا أَيَّتُهَا النَّفْسُ الْمُطْمَئِنَّةُ﴿٢٧﴾ |
|
U laabo rabigaa xagiisa adigoo raali ah raalina lagaa noqday. |
ارْجِعِي إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةً مَّرْضِيَّةً﴿٢٨﴾ |
|
Waxaadna gashaa Addoomadayda wanaagsan. |
فَادْخُلِي فِي عِبَادِي﴿٢٩﴾ |
|
Waxaadna gashaa Jannadayda. |
وَادْخُلِي جَنَّتِي﴿٣٠﴾ |

0 

Tafsirka Suratu Fajr ilaa dhamaad
Tafsiiirka suratu Al fajr 16 ilaa dhamaaad