Toban Sababood Ay Dumarkau Ku Galaan Naarta

0
Saturday January 19, 2013 - 13:25:15 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 7866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Toban Sababood Ay Dumarkau Ku Galaan Naarta

    Inta ka bacdi waxaa naf walbi khasab ku ah in ay ogaato inay ilaahay (sw) hor is taagi doonto maalinta qiyaamaha ka bacdina qofku aadi doono Jannada ama Naarta, sidii uu nabigu (scw) xadiis ku yiri { qof idinka idinka mid ah ma jiro ilaa wuxuu hor is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta ka bacdi waxaa naf walbi khasab ku ah in ay ogaato inay ilaahay (sw) hor is taagi doonto maalinta qiyaamaha ka bacdina qofku aadi doono Jannada ama Naarta, sidii uu nabigu (scw) xadiis ku yiri { qof idinka idinka mid ah ma jiro ilaa wuxuu hor istaagayaa ilaaahay, wax turjumaan ahna ma jiro, dabadeed qofku wuxuu fiirinayaa dhankiisa midigta wuxuu arkayaa camalkii uu hor marsaday markuu aduunka joogay, dabadeed wuxuu fiirinayaa dhankiisa bidixda ah wuxuu arkayaa camalkii uu hor marsaday markii uu aduunka joogay, wuxuu fiirinayaa hortiisa wuxuu arkayaa naartii oo ka soo qaabilaysa hortiisa.} Haddaba waxaan jeclaystay inaan ka hadalno maqaal ku saabsan toban sababood oo dumarku naarta ku galaan taas oo mid walba nabigu ka waramay, marka hore intaan galin nabigu (scw) wuxuu xadiis ku yiri: يا معشر النساء تصدقن وأكثرن الاستغفار فإني رأيتكن أكثر أهل النار Haweenkow waxaad la baxdaan sadaqada, ilaahayna waxaad waydiisataan dambi dhaaf waxaan idinku arkay inaad tihiin dadka u badan ee naarta galaya. Xadiiskaa wuxuu nabigu ku cadeeyey in ay dumarku yihiin dadka u badan ee naarta galaya haddaba waxaa mudan in aan wax ka tilmaamno waxyaalihii nabigu cadeeyey in ay naarta ku galayaan qayb ka mid ah: 1) haweenta oo ninkeeda aan u abaal gudin Nabigu (scw) wuxuu maalin u yimi dumarka oo salaad ciid ah tukaday markaas ayuu wacdiyey, waxaa wacdigiisa ku jiray in uu yiri waxaad tihiin kuwa u badan galitaanka naarta, markaas ayaa haweenay nabiga waydiisay maxay tahay sababta ugu badan ee aanu ku galaynaa naarta, wuxuu nabigu ku jawaabay sidan: تكثرن اللعن وتكفرن العشير Wuxuu yiri: abaalka ninkiina ma gudaan waxaad kale oo aad badisaan aflagaadhada. Xadiiskaan nabigu (scw) wuxuu ku caddeeyey labadaan arimood inay ka mid yihiin waxyaalaha haweenka u keena inay naarta ku galaan. Labada qof oo is qabaa waxay isku leeyihiin xuquuq gaar ah marka waxaa xaq ah in mid waliba midka kale ilaaliyo xaqiisa, waxaa kale nabiga (scw) ka sugan xadiis uu leeyahay haddii aan qof oran lahaa in qof kale u sujuudo waxaan amri lahaa in haweentu u sujuudo ninkeeda. Waxaa kale oo nabigu ka sugan xadiis kale oo macnihiisu yahay { haddaad aan midood wanaajiso oo ay hal mar kaa aragto wax ayan jecleen waxay oranaysaa waligay wanaag kaama arag} xadiiskaani wuxu cadeeyey sida ay dumarku u ilaawaan abaalka uu ninkoodu ku leeyahay waana waxyaaalaha u keena inay naarta galaan. 2) Ninkeeda oo ay khayaanto(samayso gogldhaaf) Waxaa ka mid ah waxyaalaha haweentu ku gasho naarta in ay xiriir hoose la samaysato nin kale oo ay ka dhacaan waxyaalo xun xun sida zinada iyo wixii la mid ah. Waxaa nabiga laga wariyey xadiis oranaya: فإذا بيت مبني على بناء التنور أعلاه ضيق وأسفله واسع توقد تحته نار فيه رجال ونساء عراة فإذا أوقدت ارتفعوا حتى يكادوا أن يخرجوا فإذا خمدت رجعوا فيها Waxaa lay tusiyey wax sidii Tiinaarkii(sida ashuunka oo kale ah) oo kale xagiisa sare way yarayd, dab ayaa hoos kaga shidnaa, waxaa ku jiray rag iyo dumar qaaqaawan, marka dabka hoos lagaga soo shido kor ayay u soo kacayaan ilaa ay ku soo dhowaadaan inay ka soo baxaan, marka dabku yaraadana hoos ayey ku noqonyaan, nabigu wuxuu waydiiyey Jibriil dadka sidaa loo cadaabayo wuxuu ku jawaabay waa dadka zinaysta. Xadiiskaan wuxuu nabigu noo cadeeyey ciqaabta ay leeyihiin dadka zinaysta waxaana xadiiska ka cad in qabriga marka la galiyo lagu bilaabayo ciqaabkaas iyo qiyaamaha lay sa soo saaro, marka laysa soo saarana waxaa ka dambeeyaa waa ciqaab iyo cadaab kale. Wuxuu nabigu xadiikale ku leeyey in la tusiyey haween naasaha loo jiidayo biro naar ah naarta dhexdeeda wuxuu nabigu sheegay dadka saa loo galayaa waa haweenka nimankooda u soo hoos galiyo ilmo ayan dhalin. 3) inay baxdo gabadhu iyadoo aan asturneyn ama dhex gasho rag ajnabi ka ah Waxaa kale oo sababaha dumarka naarta ku galaan ka mid ah in ay baxdo iyadoo aan asturnayn(tabaruj) ama safar gasho iyadoo aan maxramkeedii wahelin, ama dhex gasho rag ajnabi ka ah. Waxaa nusuusta ku cad haddii ay gabadhu saa samayso in ay u keenayso in ay naar gasho. Wuxuu nabigu xadiith ku yiri: صِنْفَانِ مِنْ أُمَّتِي مِنْ أَهْلِ النَّارِ لَمْ أَرَهُمْ بَعْدُ : نِسَاءٌ كَاسِيَاتٌ عَارِيَاتٌ مَائِلاَتٌ مُمِيلاَتٌ عَلَى رُؤُوسِهِنَّ أَمْثَالُ أَسْنِمَةِ الإِبِلِ ، لاَ يَدْخُلْنَ الْجَنَّةَ وَلاَ يَجِدْنَ رِيحَهَا Wuxuu nabigu (scw) xadiithkaan ku yiri: laba nooc oo dadka ka mid waa dadka naarta loogu talagalay, waxaa labadaa nooc ka mid ah Haween dharqaba haddana qaaqaawan xaqii ka tagay dadkana xaqa ka leexiya, waxaad madaxooda moodaa kuruska geela, kuwaasi janada ma galayaan meel ay uga soo urtana ma tagayaan. Dadka sifaadkaan leh oo xadiithku sheegay waxaa cad in ay naarta galayaan oo ayana janada galayn. Marka waxaa haboon gabadha muslimadda ah in ay iska fiiriso dharka ay qaadanayso, kuna dadaasho in ay qaadato dharka sharcigu u ogol yahay iyo inay iska ilaaliso in ay dhex gasho meel aan loo ogoleen si ay uga fogaato waxyaalaha naarta u keenaya. 4) In ay diiddo haddii uu ninkeeda u yeere isaga oo kale dantiisa gaar ahaaneed Waxyaalaha naarta dumarku ku galaan ayaa waxaa ka mid ah in ay haweento ninkeeda u diido in la yeesho jimaac(danta gaarka ah ee ka dhaxaysa ninka iyo xaaskiisa) iyadoo ayan jirin wax diidayaa in ay sameeyaan sida inay jirran tahay ama caado qabto iyo wixii la mid ah. Wuxuu nabigu (scw) xadiith ku yiri: إذا باتت المرأة هاجرة فراش زوجها لعنتها الملائكة حتى تصبح Macnaha xadiithku waa haddii haweenta waagu u baryey iyadoo ka dheeraatay furaashkii ninkeeda(diiday ninkeeda) waxaa lacnad ku rida malaa’igta ilaahay ilaa waagu ka baryayo. Waa dambi wayn oo qofku naar ku mutaysto in ay gabadhu isu diido nin keeda iyadoo aan lahay wax cudurdaar ah. 5) Afka adinka oo ay dadka ku dhibto Haddii ay haweento ku dhibto ninkeeda iyo dhamaan muslimiinta kale waxay ku galaysaa naarta sababtoo ilaahay (sw) iyo nabigiisa (scw) waxay xarimeen in lagu dhibo muslimiinta af iyo adinba. Wuxuu nabigu (scw) yiri: عن أبي هريرة قال قال رجل يا رسول الله إن فلانة فذكر من كثرة صلاتها وصدقتها وصيامها غير أنها تؤذي جيرانها بلسانها قال هي في النار Macnaha xadiithku waa in uu nin u yimi nabiga dabadeedna uu uga waramay haweenta heblaayo ah way salaad badan tahay wayna sadaqo badan tahay wayna soon badan tahay laakiinse waxay carrabkeeda ku dhibtaa dariskeeda, Nabiga (scw) wuxuu ku jawaabay haweentaasi in ay naarta galayso. 6) In ay had iyo goor sheegto been. Beentu waxay ka mid tahay waxyaalaha dadku ku galaan naarta, wuxuu nabigu xadiith arintaa kaga hadlaya ku tilmaamay: وَإِنَّ الْكَذِبَ فُجُورٌ ، وَإِنَّ الْفُجُورَ يَهْدِي إِلَى النَّارِ ، وَإِنَّ الْعَبْدَ لَيَتَحَّرَى الْكَذِبَ ، حَتَى يُكْتَبَ كَذَّابًا Macnihiisu waa: Beento faajinimo (xaqa ayay duwaysaa), faajirnimaduna waxay kuu geeysaa naarta, qofku haddii uu beenta badiyo waxaa laga dhigaa beenlaawe. Xadiisku wuxuu tilmaamay in ay beentu naarta kuu geynayso qofkana ilaahay agtiisa looga aqoonayo inuu beenlaawe yahay. 7) in ay haweentu iska kibriso ninkeeda Haddii ay haweento iska kibriso ninkeeda oo markay la hadlayso islawayni ula hadasho ama ay ku jeestayso waxay arinkaa ku galaysaa naarta, sida nabigu xadiis ku tilmaamay wuxuu yiri: يحشر المتكبرون يوم القيامة أمثال الذر في صور الرجال يغشاهم الذل من كل مكان يساقون إلى سجن في جهنم يسمى بولس تعلوهم نار الانيار يسقون من عصارة أهل النار طينة الخبال Xadiiska macnihiisu waa in nabigu (scw) yiri waa la soo saarayaa dadka is kibriya maalinta qiyaamaha iyagoo la mid ah quraanjo oo qaab dad leh, waxaa ku dhacaya dulinimo, waxaa loo kaxaynayaa xabsi ku yaal jahanamo dhexdeeda magaciisu yahay Polis, waxaa ka kor noqonaysa naarta waxaa lagu warabinayaa dheecaanka ka soo baxa dadka naarta ku jira. 8) In ay haweentu badiso argagaxa iyo oohinta aan sharciga ahayn markii masiibo dhacdo, ama qof ka dhinto In qofku ka caroodo ama ka xanaaqo qadarta ilaahay haddii ku timado sida ninka oo ka dhinta, cunug ka dhinta ama masiibo kale oo ku dhacda. Wuxuu nabigu xadiis ku yiri النائحة إذا لم تتب قبل موتها تقام يوم القيامة وعليها سربال من قطران ودرع من جرب Macnaha xadiisku waa Naagta balanbasha oo qaylisa markii qof ka dhinto haddii ayan tawbad keenin qiyaamaha waa la soo istaajinayaa iyadoo qabta dhar daamuur kulul leh iyo diric la ga sameeyey cadho. 9) In ay dadka isku dir dirto oo ay warka u kala qaado Ficilada xunxun oo ay dadku ku galaan naarta waxaa ka mid ah in ay dadka u kala qaadaaan wararka si ay isugu diraan waana arrin aad iyo aad halis u ah qofka sameeyana ma galo janada wuxuu ka mid noqdaa dadka naarta galaya. Wuxuu nabigu (scw) xadiis ku yiri: لا يدخل الجنة قتات Macnaha xadiisku waa in uu nabigu yiri qofka dadka isku dira oo wararka u kala qaada janada ma galo. 10) in ay haweento cunto Ribada: Ribadu waxay ka mid tahay waxyaalaha ay dadku naarta ku galaan waana waxyaalaha ay diintu ka digtay in la isticmaano ilahaay wuxuu quraanka ku leeyahay: الَّذِينَ يَأْكُلُونَ الرِّبَا لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ الَّذِي يَتَخَبَّطُهُ الشَّيْطَانُ مِنَ الْمَسِّ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا Macnaha aayaddu waa in ilaahay (sw) yiri: {kuwa ribada cuna qabriga waxay ka soo baxayaan iyagoo aad moodo in ay waalan yihiin sababtuna waa inay yiraahdeen beeca iyo ribadu waa isku mid} Haddaba waxaan ku soo gebabaynayaa in ay aad iyo aad u badan yihiin waxyaalaha naarta ay gabadhu ku gasho laakin waxaan ka soo qaatay toban qodob oo kaliya. Waxaa haddaba haboon in gabaddha muslimadda ah ay ka dheeraado waxyaalaha u soo jiidaya in ay noqdo mid ehlu naar ah. Walaashayda muslimadda ahay haddii ay kaa dhacdo dunuunbtaa aan soo sheegnay waa inaad ku degdegtaa u noqoshada iyo tawbad keenka allaah, oo ka qoomamaysaa dambiga aad samaysay oo aad bedeshaa dhaqankaaga iyo xaalkaaga dhamaantiis, waa isu diyaarisaa inaad ilaah la kulanto adigoo aan soo daa’imin dunuubtaa waawayn. Ogow in qofku haddii uu tawbad keeno ilaahay ka tawbad aqbalayo. Naftayda iyo taadaba waxaan u dardaarmayaa inaan ilaahay ka cabsano ---------------------------------------- Wabilaahi tawfiiq By:Abdirahman Abukar Diini


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip