
Tafsiirka Suratu Naas Ila Wal Cadiyat
Size: 932 KB
Tafsiika Qur'aanka Kariimka (*Suuratul-Ikhlaas-Suuratul-Humazah*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
|
Suuratul kowthar |
سورة الكوثر |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Allah waxa uu yiri: Annagaa ku Sinnay Nabiyow Waadi Janno (iyo khary badan). |
إِنَّا أَعْطَيْنَاكَ الْكَوْثَرَ﴿١﴾ |
|
Ee u tuko Rbigaa dartiis, waxna u gawrac. |
فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَانْحَرْ﴿٢﴾ |
|
Ruuxii ku necebna waa mid cidhib beelay. |
إِنَّ شَانِئَكَ هُوَ الْأَبْتَرُ﴿٣﴾ |
|
|
|
|
Suuratul Kaafiruun |
سورة الكافرون |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Waxaad dhahdaa, Nabiyow, (Gaalooy. |
قُلْ يَا أَيُّهَا الْكَافِرُونَ﴿١﴾ |
|
Ma caabudayo waxaad caabudaysaan. |
لَا أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ﴿٢﴾ |
|
Idinna ma caabudaysaan Eebahaan caabudayo |
وَلَا أَنتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ﴿٣﴾ |
|
Mana caabudin waxaad caabuddeen, |
وَلَا أَنَا عَابِدٌ مَّا عَبَدتُّمْ﴿٤﴾ |
|
Idinkuna (hadda) ma caabudaysaan Eebahaan caabudi. |
وَلَا أَنتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ﴿٥﴾ |
|
Idinkana Diintiina ayaad leedihiin, Anna Diintayda ayaan leeyahay. |
لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ﴿٦﴾ |
|
Suuratul Nasr
|
سورة النصر |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Markuu yimaaddo gargaarkii Allaah iyo Fatxiga (Furashada maka). |
إِذَا جَاءَ نَصْرُ اللَّـهِ وَالْفَتْحُ﴿١﴾ |
|
Ood aragtid Dadkoo Diinta Allaah u soo galayo Kooxo Kooxo. |
وَرَأَيْتَ النَّاسَ يَدْخُلُونَ فِي دِينِ اللَّـهِ أَفْوَاجًا﴿٢﴾ |
|
U tasbiixso Eebe adoo ku mahadinaya Dambidhaafna waydiiso illen waa dambidhaaf badanee. |
فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَاسْتَغْفِرْهُۚإِنَّهُ كَانَ تَوَّابًا﴿٣﴾ |
|
|
|
|
Suuratul Samad |
سورة المسد |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Waxaa khasaaray Gacmihii Abuulahab, ha khasaaraane |
تَبَّتْ يَدَا أَبِي لَهَبٍ وَتَبَّ﴿١﴾ |
|
Waxna uma tarin Xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna. |
مَا أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُ وَمَا كَسَبَ﴿٢﴾ |
|
Wuxuuna galayaa Naar Olal leh. |
سَيَصْلَىٰ نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ﴿٣﴾ |
|
Haweenaydiisii Xaabada xambaari jirtayna (waxay galaysaa Naar). |
وَامْرَأَتُهُ حَمَّالَةَ الْحَطَبِ﴿٤﴾ |
|
Luqunteedana waxaa la yeeli doonaa Xadhig Liif ah. |
فِي جِيدِهَا حَبْلٌ مِّن مَّسَدٍ﴿٥﴾ |
|
Suuratul Ikhlaas |
سورة الإخلاص |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Allaah waa Kaliis (wehelna ma leh). |
قُلْ هُوَ اللَّـهُ أَحَدٌ﴿١﴾ |
|
Waana Sayid (deeqtoon) |
اللَّـهُ الصَّمَدُ﴿٢﴾ |
|
Allaah wax ma dhalin, isna lama dhalin |
لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ﴿٣﴾ |
|
Wax la mid ahna ma jiro. |
وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ﴿٤﴾ |
|
Suuratul Falaq |
سورة الفلق |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray). |
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ﴿١﴾ |
|
Wixii Uu abuuray sharkiisa. |
مِن شَرِّ مَا خَلَقَ﴿٢﴾ |
|
Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado. |
وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ﴿٣﴾ |
|
Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha. |
وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ﴿٤﴾ |
|
Iyo sharka Xaasidka Goorduu wax Xasdaya. |
وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ﴿٥﴾ |
|
Suuratul Naas |
سورة الناس |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Waxaad dhahdaa ’’Nabiyow’’ waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya. |
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ﴿١﴾ |
|
Ee dadka Boqorka u ah (ee dadka Xakuma) |
مَلِكِ النَّاسِ﴿٢﴾ |
|
Ee ah Illaaha Dadka. |
إِلَـٰهِ النَّاسِ﴿٣﴾ |
|
Sharka (Xumaanta) iyo waswaaska Qarsoon |
مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ﴿٤﴾ |
|
Kaasoo waswaasiya Laabta (Qalbiga) Dadka |
الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ﴿٥﴾ |
|
«Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba. |
مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ﴿٦﴾ |

0 

Tafsiirka Suratu Naas Ila Wal Cadiyat
Naaas Ila Wal Caadiyaaat Dadka bilowga suurad surad ayaa loga rabaa wa shukran ALle la kaasho 2 ku samir 3. alle dartiis u baro 4.ducada badso iyo alle bariga in alle ku sahlo 5.daalka cajsiga goynta iska ilaali