Fiqi Xukunka Waysada

20
Thursday April 03, 2014 - 04:38:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 14573
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 6 2
  • Share via Social Media

    Fiqi Xukunka Waysada

    ♥Ƹ̵̡Ӝ̵̨̄ Qaabka Loo Qaysa Qaato ♥Ƹ̵̡Ӝ̵̨̄Ʒ

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

♥Ƹ̵̡Ӝ̵̨̄ Qaabka Loo Qaysa Qaato ♥Ƹ̵̡Ӝ̵̨̄Ʒ
Axkaaamta Waysada Iyo Cadayga   

Cadayga Iyo Gooraha uu sii fiican yahay
 Waajibka Waysada oo ah 6 arimood
Shuruuda Waysada 8 ah,Sunayaasha Waysada oo 6 ah

Wakhtiyada La Adkeeyay Jacaylakysiga Cadayga Waa 6 Wakhti 
1Marka Aad wayso qadanayso

2.Xiliga Salaadah
3. Marka Hurdada Laka Kaco
4.Markaad Quraanka Akhrin rabto
5.Markaad Xaafada Soo Gasho.
6.Marka Afkaagu Isbadalo Riixda

Shuruuda Qofka Waysa Qadanayo Laga Rabo Waa 8
1.In Islaam yahay gal wayso kama ansaxdo
2.In Uu Caqligiisu jogo Qof walan wayso kama ansaxdo
3. In Uu Wax Kaa Saari Karo Saqiir Iyo Qofaan wax kala saari karina wayso kama ansaxdo
4. In la niyaysto Qof biyaha isku qaboojinaya wayso kama ansaxdo
5.In biyahu Yihiin Kuwa Naftoda U Daahir ah waxna Daahirin kara oo nadif ah.
6in biyaha aadan soo dhicin oo dariiq sharci ah kugu so galeen
7.In Qofka Waysa Qadanaya oo istijo qabo
8.in xubnaha la dhaqayo iyo biyuhu is gaaraan oo aysan sarneen wax u diidaya jirku in biyuhu gaaraan.


Waysada Iyo Faralkeeda
6 Arimood Oo Ay Waajib ama Faral Ay Tahay In La Samayo Wayso Qadashada
Qofkii Ka Tagana Waysadisa sax mahan


1. In Aad Dhaqdo Wajiga adigo racinaya luq luqashada iyo sandarsiga
2. In Aad dhaqdo Labada gacmood Adoo Gaarsiinaya Ilaa Suxulada
3. Madaxa In Aad masaxdo Adoo dhagaha Raacinaya Farahana biyaha dhex galinaya
4.Labada Lugood Ilaa Anqawyada korkooda gayso
5. In Sida iskugu Xigaan la isku xijo aan la kala hor marin wajiga gacmaha madaxa iyo dhagaha luqagha.
5. In la xiriirsho oo aan lakala jarin tusale intad gacan dhaqdid oo qada donatid gacanta kale u so labatid la didaya


Sunooyinka ama waxyaabaha la jeclaysto in la sameyo waa 6

1 in aad cadayga ka hor mariso
2. in gacmaha 3 jeer aad mayrto bilowga
3.in aad ku bilowdo luq luqasho iyo sandaarsi intadan wajiga bilaabin
4 in gacmaha garka la dhex fasho biyaha la gaarsiyo sifiican
5. in midigyada laga bilaabo gacmaha iyo lugahaba
6 in sedex sedex jeer la dhoqo wajiga gacmaha iyo lugaha.



Fiiro gaara Bisinka in laga hor marsho waa arin dood ka jirto
Iimaamu axmed waxa uu yiri wax xadiis ah oo saxiix ah oo ku soo arooray ma jiraan babkaas
sh salax fawsaan oo kutaabkisa khulasada fiqiga ka so gabinay waxa uu leyahay wa wajib.

hadaba qofkii xasuusta ha sameeyo

marka waysada dhamayso kor adigoo eegaya akhri ducadaan
Waxaan Qirayaa In Uusan Jirin Alle Xaqlagu Caabudo ALle Mooyane Kaligiis. Waxaaan Qirayaa Nabi Muxamedna In Uu Yahay rasulkii ALle
Aloow Iga Mid Dhig Kuwa Kuu toobad Keena Oo Isdaahiriiya
أشْهَدُ أنْ لا إله إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لا شَرِيك لَهُ ، وأشْهَدُ أنَّ مُحَمَّداً عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ ، اللَّهُمَّ اجْعَلْنِي مِنَ التَوَّابِينَ ، واجْعَلْني مِنَ المُتَطَهِّرِينَ


Ƹ̵̡Ӝ̵̨̄ƷWixii Sual Ama Ishkaal Kaa Galo Hoos Ku Soo Dirso Darsiga Ku Xiga Ayaa Jawabta Laguu soo raacin DoonaaƸ̵̡Ӝ̵̨̄Ʒ

Waxaan Soo baranay Axkaamtii waysada Shuruudeedii faraladeedii Iyo Mustaxabaatkeedii

Hada Waxaan Qadan Dona Qaabka Waysa Qaadashada


koow waa in aad niyaysadaa waysaqadashada salaada iyo wixii lamidka ah lo wayso qato.

In aad dhedo Bismilah

3 In aad dhaqdo gacmahaaga sedex jeer.

sedex jeer dhaq gacmahaaga. adiga oo faraha is dhex galinaya.

Waa In Aad Samayso Sandaarti oo biyo aad sacabka ku qaday  aad afka iyo sanka u qaybiso adigoo sanka hoose biyaha sii galinaya hadaadan somanayn  ku xel dheranaya  kadibna aad biyaha ka soo daadisid sanka iyo afka 3jeer


Luq Luqasho Macaa Sandaarsi sedex jeer


Tilaabada ku xigta waa wajiga oo dhan in aad mayrto seledadex jeer adiga oo gacanta gaarsiinaya garka hoostisa mesha ku muqata inta garka lehna biyaha ayeey dhex galinayan garkooda.

Garka hoostiisa gaarsi gacantaata ado garka dhex galinaya

Wajiga Ku muqda dhaqida biyaha wada garsii ilaa calaamada dhagta saran dhgta agteda.


Talaabada Xigta Waa Gacmaha faraha gacmaga dhex gali biyaha.
Gaarsii dhaqitaanka ilaa suxulka gadashiisa


Talaabada Xigta Waa Masaxida madaxa iyo dhaga Oo wada socda
 Biyo Cusub soo qado madaxana ku masax adigoo labadaada gacmood kuwada qadaya biyahaas oo ka bilaabaya fooda hore kadib ilaa jeegada gaarsii biyahaas  kadib dib ugu soo celi meshii aad ka bilowday ee fooda kadib

kadib isla gacmahaas labada dhagood ku dhaq faraha adoo dhex galinaya

halkaasna wa madaxa


Sida kaaga muuqata labada dhagood biyihii madaxa ka soo haray ugu masax

luhaha

Talaabada U Danbaysa Waa Lugaha oo aad dhaqdo Adiga Oo faraha dhex galinaya gacanta ilaa anqawga korkiisana dhaqaya



Fiiro gaara qofki xubin maqantahay xubintaa inta ka jogta ha dhaqo
2. intaadan xubinta dhaqin hadii wax saran yihin biyaha jirka u diidaya ka fogeey
3. ka tigtoonoow in biyaha xubnaha aadan wada garsiin sida ciribta in aad qayb dhaqdo gobabin aad ilowdo

Intaas kadib labada Gacmood Cirka u taag Ducada kor ku qoran akhriso


Home Work  su'aalaha lagu waydinayo hoos uga soo jawaab

Sheeeg Shuruuda Qofka Waysa Qadanaya laga rabo Waase meqa shardi

Sheeeg faralada ama arimaha Waajibka ah Waysada Oo Qofki Kataga Wayso Aysan U jirin Wa meqa so tiri.

Suahsa U Danbaysa Waxyaabaha istxbaabka ah oo wangsan ama sunayasha ah Wa meqa so sheg.


fawaaida In Aad Ka Jawabto Ugu yaraan Markaad Qorayso Waxa maskaxdaada ku fariisanaya jawabahaga
Labo Waxaad tijaabisay Aqoontaada

sedex Waxaad ku dhiiri galisay Cilmiga Dad Kale oo Iska Jiifay

4 Wa Alle mahadiis dadbadan in ay comnts u baxshaan siyaasad qabil laakin adiga wa alle dartis ee u niyayso qoralkagaas in aad ajar ka helayso maalinka Qiyaamana uu raadkaan ku iman Lllahu akbar

hadii ku diido qof kamid ah walaha u dir








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip