Sualo iyo Jawaabo Fiqu Nisaa

2
Thursday February 06, 2014 - 12:03:45 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 25995
  • (Rating 2.6/5 Stars) Total Votes: 8
  • 17 4
  • Share via Social Media

    Sualo iyo Jawaabo Fiqu Nisaa

    فقه المرأة المسلمة

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

فقه المرأة المسلمة
Ogaysiis Waxkasta Waa lagu sahlay Cududaar ma lihid jaaniska Ka faaidayso Baro Fiqu Nisa Si awood u yeelato in aad ka fatwooto arimaha dumarka quseeya madama ay ragii iyo culumadii isku dhib qabaan waxaa laga maarmaan ah in la helo gabdho fuqaha ah oo sulaha dumarka ku taqasusay hadii aad taas gaari waysid iyo ajarkaas waxaad gaaraysaa in aad naftaada in aad sheekhad u noqoto ee dadaal jawabihina wa kuwana sualahana


1. NAJAASADA MUSHRIKIINTU. MAJIRKOODAA NAJAASA AH .MISE QALBIGOODA AYAA AH NAJAASA?
Waa la isku khilaafay arintaas,, Jamhuurta culumada waxey yiraahdeen Najaasada mushrikiinta waa macnawiyah(xaniafiyada maalikiyada shaaficiyada iyo xanaabilada.

2. IMISAA AYAY U QEBSAMAAN BIYAHA?
Laba hadal ayey culumada yiraahdeen,, Waxaa raajix ah,mad,habka jamhuurta Biyaha waxey u qeybsamaan sadex:1.Biyo daahir ah waxna daahiriyo 2.biyo daahir ah lakiin waxba ma daahirin karaan 3.Biyo najaasa ah

3. BIYO NAJAASADA AH WA SIDE AMA HA YARADAN AMA HA BADANDEN MAXAY ISLAMKU KU IJMACEN YASE SOO RARA IJAMACAS
Biyo badan iyo kuwa yar haddii ay ku dhacdo najaaso ay iska badalaan,urka,dhadhanka, &midabka, , waa najaaso biyahaas.. waxa soo rariyay ijmaacaas IBNU AL-MUNDRI raximahullah

4. BIYO YAR HADII AY NAJAASO KU DHACDO MA DAHIRBA MISE WA NAJASO IMISE HADAL BEYSE KA DHAHEN CULUMADA MAXAASE RAJIX AH YASE KAMID AH RAGA TARJIXIYAY.
Todoba oraah ayey ka yiraahdeen culumada. Waxaa raajix ah biyahaas in ay yihiin daahir maadaama aysan is badalin .. Waxaane Rajjaxay waxa ka mid ah (Ibnu Cabaas , Ibnu Musiib , Xassan Al-basri , Cakramah iyo Saciid ibnu Jubeyr)

5. MA BANAANTAHAY IN LOO JEESTO DHINACA QIBLADA AMA LA AQBALO MARKII LA XAAJA GUDANAYO? IMISA QAWL BA KU JIRTA MAXASE RAJIX AH.
Culumada saddex oraah ayay yiraahdeen ..Waxaa raajix ah sida ay ku tageen ibnu cumar rc shacbi,imam maalik&imam shaafici &imam ahmed &imam isxaaq,in lagu camal falo labada xadiith,waxey baneeyeen markii lagu jiro suuliga waa loo jeesan karaa qiblada,dhabarkana waa loo jeedin karaa,markii la jooga saxaraha wey diideen in loo jeesto qiblada ama dhabarka loo jeediya..

6. WAYSADA MAXAA BURIYA?
waxyabaha Weysada Buriya : 1.Waxii kasoo baxo gadaal iyo horay sida saxarada iyo kaadida ama neefta gadaal ka timaado. 2.In uu tago caqligu ... 3.In uu taabto tarankiisa ama gadaal iyadoo wax dhar ah uusan ka xigin..4.In la cuno hilibka geela.. 5. In islaamnimada laga baxo allahaa naga badbaadiyee..

7. XUS SEDEXDA HADAL EE EE MADAAHIBTU KA TIRI GUDNIINKA?
Gudniinka culamadu sadex oraah ayay ka yiraahdeen: 1.Xanaabilada iyo shaaficiyada waxey yiraahdeen waa waajib gudniinka raga iyo dumarkaba.. 2 Ibnu qudaamah oo ka mid ah xanaabilada waxuu yiri waa waajib raga in la gudo .dumarkana waa lajecleystay,gudniinkooda.. 3.Maalikiyada iyo xanafiyada waxay yiraahdeen waa mustaxabo

8. TIMAHA HOSE CIDIYAHA SHARUBAHA IWM IMISA UGU BADAN OO LA DAYN KARAA SIDA RAJIXA KADIBNA XARAN AH IMSAASE AH MUSTAXAB IN LA SUULIYO.?
Timaha hoose,iyo cidiyaha,iyo timaha ku yaala kilkisha,iyo shaaribaha,in aan la dayn Karin afartan bari... Waxaa fiican (mustaxab) ah qofka in uu iska suuliya usbuuc kasto,,

9. WAA IMISA SHURUUDA WAYSADA SOO TAX? IYO QAWLKA FUQAHADABA
Shuruuda weysada waa toban: 1.Islaamnimo 2.In uu leeyahay ruuxa caqli 3.In uu wax kala saari karo 4.Waa in uu niyeystaa (Waa in uu niyeystaa Waxaa yiri sidaas imam maalik iyo imam shaafici iyo imam axmed) In lagu dhawaaqo waxii la niyeysanayo waa bidco.. 5.In uu isla xariiriyo weysada.. 6.In uu iska joojiyo waxyaabaha weysada waajib ka dhigaayo..7. in uu istijoodo ama dhagax uu ku istijoodo weysada horteeda.. 8.Biyahu in ay yihiin daahir iyo xalaal.. 9.In uu iska suuliya waxyaabaha ka celinaa biyaha in ay gaaraan xubnaha (sida Dawado la mariyo cidiyaha)..10.Waqtiga in uu galo ruuxa ay ku dhacday cudurada sida kaadi furan &dhiig furan...

10.XUS AXKAAMTA WEESADA?
Axkaamta weesada wa Lix.:: 1.In wejiga la dhaqo waxaana ka mid luqluqashada iyo sandaarsashada..2.In la dhaqo gacmaha ooy la socdaan xusulada..3.In la masaxa madaxa oy la socdaan dhagaha..4.In la dhaqo lugaha oy la socdaan anqowyada..5.In la tartiibiyo weysada..6.In la wada xiriiriyo weesada..

11.XUS WAXYABAHA WAYSADA BURIYA?
Waxyaabaha weesada buriya: 1.Waxii kasoo baxo gadaal iyo horay sida saxarada iyo kaadida ama neefta gadaal ka timaado.. 2.In uu tago caqligu..3.In uu taabto tarankiisa ama gadaal iyadoo wax dhar ah uusan ka xigin..4.In la cuno hilibka geela..5.In islaamnimada laga baxo allahaa naga badbaadiyee

12.XUS SHURUUDA MASAXA KHUFAYNKA?
Shuruuda masaxa khufeynka: 1.Isagoo daahir ah in uu xirto. 2.In ay asturaan xubnaha weysada 3.In ay yihiin xalaal 4. In ay yihiin khufeynka daahir. 5. Masaxu In uu yahay waqtigii loo jideeyay sharciga (Ruuxa aan ahayn safar waxaa uu masaxi karaa habeen iyo maalin ruuxa safarkana wuxuu masaxi karaa saddex maalin iyo habeenadooda)

13.QABKA LO MASAXAYO WA NOCE?
Qaabka loo masaxayo wuxuu yahay.khufeynka korkiisa in la masaxo

14.MAXAA BURIYA KHUFAYKNA?
Wuxuu ku buraa masaxa:1.In ay ku dhacdo.waxyaabaha keeno qubeyska.sida janaabada iwm .. 2.In ay muuqdaan lugaha meel ka mid ah.. 3.In uu iska siibo labada khufeyn(In uu iska siibo midkood,wuxuu la mid yahay,iyadoo la wada siibay) 4.In uu dhamaado waqtigiisa.. 5. Waqtiga uu bilaabanayo masaxa khilaaf ayaa ka jira(Wuxuu bilaabanayaa marka u horeyso oy weesada ka burto,oo xirto ka dib)

15.KABNINKA MALA MASIXI KARA WAKHTISE MALEYAHAY
Kabniinka waa la masaxi karaa markii uu ruuxa ka qubeysanayo janaabadaiyo markii uu weysa qaadanayo,,Waqti go,an malahan waa lamasaxi karaa intuu ka caafimaadayo

16.GAMBADA GABDHU MA MASIXI KARTA?
Khimaarka dumarka wey masaxi karaan khimaarka haddii uu jiro dhib ,ama rag ajaanib ka ah ay ag joogta

17.SIGISAANTA MALA MASIXI KARA MAXASE RAJIX AH YASE RAJIXIYAY. WAX KA SHEG CULUMADAS.?
Waxaa ka jira khilaaf.. waxaase Raajix ah In la masaxo..Waxaa rajaxay ibnu xazmi iyo ibnu taymiyah iyo albaani iyo muqbil iyo ibnu cuthaymiin.

18.WA MEQA QUBAYSKA WAJIBKA?
Qubeyska waajibka ah, wa lix :1.Manida oo soo baxdo ,markii la hurdaaya, ama markii lasoo jeedo, 2.Labada gudniin oo wada kulmo,yaysanbe imaanin manida.. 3.Caadada markii ay dhamaato.. 4.Dhiiga umusha , markii uu dhamaado,. 5.Gaalka markuu soo islaamo.. 6.In la qubeysto maalinta jimcada ah.

19.WA MEQA QUBAYSKA MUSTAXABKA?
Qubeyska wanaagsan waa Afar: 1.In la qubeysto maalmaha ciidaha ah. 2.In la qubeysto suuxida dabadeed 3.In la qubeysto markii la xiranaayo xajka &cumrada 4.Hal galmo waxii ka badan waa in uu u dhaxeysiiyaa qubeys, galmooyinka dhexdooda..

20.XUS QABKA JINADA LOGA QUBAYSTO RAG IYO DUMARBA?
Qaabka looga,qubeysanayo janaabada iyo caadada dumarka ,:In ay ka istijooto,dhiiga, Janaabada، in ay, ka istijooto,Waxey dhaqeysaa dhiiga raadkiisa ugu tagay farjiga agagaarkiisa,Ka dibna wey weysa qaadanayaan dhamaantood,Ka dib wuxuu ku shubayaa biyaha madaxiisa saddex jeer,hal marna wey ka gudeysaa, Ka dibna wuxuu ku shubaa biyaha dhinaciisa midigta ka dibna dhiniciisa bidixda, Ka dibna waa dhameystirmay qubeysku..

21.SHEEG SEDEXDA JEER EE GABA GABAYSIGU BANAN YAHAY?
sedexda jeer Gabagabaysiga Banaanyahay: 1. haddii la waayo biyaha. 2.Adigoo haysta biya aan kugu filneyn ilaa cabitaan ama raashin aad ku karsatit mooyee. 3.Haddii laga baqo in la isticmaala biyaha qabow dartiis..

22.SHEG WAXYAABAHA KA XARAANTA GABDHA XAYTKA QABTA MAXAASE U BANANA.
1.Waxaa ka mid axkaamtaas in aysan tukan Karin mana soomi karto caadada inta ay u jirto. 2.Waxaa kaloo ka mid ah in aysan dawaafi Karin guriga ilaahay.. 3.Mana aqrin karto qur,anka... 4.Masaajidka ma fariisan karto.. 5.Waxaa xaaraan ka ah ninkeeda in uu utago ilaa uu dhiiga caadada ka go, aayo ka dibna ay qabeysato mooyee..6.Waxaa u banana ninka In uu xaaskiisa caadada qabto uu la baashaali karo uuna dhukan karo iyo taataabasho..7.Mana u banaano ninka in uu furo xaaskiisa oo qabto dhiiga caadada ilaahay waxuu ku yiri nabiga scw markaad fureysaan haweenkiina furo iyagoo daahir ah


23.HADII AY DAHIRTO QORAXDON DHICIN SALAD CASAR OO KALIYA MIYA LAGA RABA MISE CASAR IYO DUHUR MUXUSE YAHAY QOLKA JAMHURTA AY RAJIXIYEN?
Haa haddii ay daahir noqota intaysan dhicin qoraxda ,waxaa waajib ku ah in ay tukato duhur iyo casir haddii ay noqoto daahir intuu san waaga baryin waxaa laga rabaa in ay tukato maqrib iyo cishaa. jamhuurta culumada waxe Rajixeen Markii ay noqoto daahir maalinta waqtiga u danbeeyo waqtigii dhuhurkana waa baaqi waa joogaa, sido kale haddii ay noqota daahir waqtiga u danbeeya habeenka waqtigii maqrib waa baaqi waa la jooga markuu jiro cudurdaar..

24.HADDII UU USOO GALO WAQTIGA SALAADA KA DIBNA AY U TIMAADO CAADADA INTEYSAN TUKAN KA HOR MA LAGU LEYAHAY MAXASE RAJIX AH SHEG QAYBO KAMID AH FUQAHADA?
haddii uu usoo galo waqtiga salaada ka dibna ay u timaado caadada inteysan tukan ka hor waxaa raajix ah ineysan soo qaleyn Salaadaas..sheekhul islaam waxuu yiri waxaa daahir ah daliilka ay soo daliisadeen mad.habka xanafiyah iyo maalikyah, Waajib kuma aha shayna waxba masoo qaleynayso .In lasoo qaleeyo cibaada ? waxaa la rabaa amar cusub amarna ma ku sugno arintaan,maysan dib u dhigin iyada mana ahan mid ka gaabisay waqtiga. Amaa midka hurdada la tagtay ama midkii iloobay salaada ay markaas tukadaan markey soo toosaan ama ay xasuustaan ma ahan qaleynta ay soo qaleynaan salaadahaas ee waxaa la joogaa waqtigii loo jideeyay.

25.DHABAR FURANKA SIDE ISKU DAHIRINAYSA OO AY U TUKANAYSA?
kow waxey iska dhaqeysaa farjigeeda agagaarkiisa salaad kasta markii ay tukaneyso.farjiga koriisana waxey yeeleysaa suuf ama waxyaabaha loo adeegsada dhiiga si uusan u daadanin,,Waqti kasta wey u weysa qaadaneysaa salaadaha..

26.SHEEG SEDEXDA XALADOOD EE DHABAR FURANKA?
SEDEXDA XALADOOD EE DHABAR FURANKA 1. Xaalada koobaaad waa gabadh lahayd caado ay garaneyso waqtigeeda intuusan ku dhicin dhabar furanku.. 2.Xaalada labaad magarneyso waqtiga caadada ay u timaado lakin dhiigeed waa kala duwanyahay oo wey kala garaneysaa labada dhiig.. 3.xaalada saddexaad waa dumar aan garaneynin caadadooda mana kala garanaayaan labada dhiiga dhiiga caadada ah iyo dhiiga dhabar furanka ah waxa la raacsiinayaa kuwaas, kuwa qaraabadooda ah waqtiga uu u yimaado dhiigooda ama toddoba maalin ayey iska dhigeysaa mid qabto caada waa sida ay u badanyihiin dumaraka intooda badan.Dhiigaan dhabar furanaka ah waa imtixaan hala sabro.

27.HADII GABDHA WAX KA DILMAN OO KALE OO AY SOO TURTO CAD IYO WAX AN SURO LAHAYN MA KATAGAYSA SALADA IYO SONKA SIDA NIFASKO KALE AM?
Haddii ay soo tuurto xinjiro ama cad hilib oo u ekeyn dad dhiiga ka imaan doona ma ahan dhiiga dhalamada oo kala salaadana maka takeyso.iyo soomka mana qaadaneyso axkaamto gabadha dhashay oo kale.

28.HADII HAWENAY AY ISKU ARAGTO DHIIG JOOGTO AH OO AAN KALA GO LAHAYN SANADO MUXU NOQONAYA XUKUNKEEDA SALADA IYO SOONKA SIDEESE U TUKANAYSAA HADII LAGU YESHO?
Gabdhaas oo kale oo uu haleelay dhiiga nasiifka ee jogtadaa waa in ay ka tagtaa oo iska daysa salaada iyo soonka xiligii caadada uu ku so adi jiray oo kale tusaale hadii bil kasta 6 casho oo u horaysa uu dhiigu ka imaan jiray 6 casho ayeey ka fadhinaysaa soonka iyo salaada markay u dhamaatana waay ka qubaysan wayna soomin wayna salaadin marka ay is daahiriso keyfiyada ay u tukanayso hadii dhibaato ay jirto waxay jamcinaysaa salaadaha duhur iyo casar sidoo kale waxay jamcin kartaa maqrib iyo cishe iyo salada fajar oo kaligeed ah hadii lagu dhaho saladah ala jamcinaya macnahedu mahan in la gaabinayo ee duhur waa afar cushe casar wa afar maqrib wa sedex cishana waa afar .

29.DAREERAHA GABADHA KA YIMAADA OO CAD AMA CAGARKA MA DAAHIRBAA MISE WAA NAJAASO. HADII UU DAAHIR YAHAY WAYSADA MA JABIYAA?
Waa Daahir hadii uu ka soo baxayo riximka oo uu san ka soo baxayn kadi marenka balse waysada waa jabinayaa oo wa laga waysa qadanayaa lakin haduu uusan istaagayn ma jabinayo lakin bishardi waa in ay salad walb u wayso qadato sidoo kale waa ay u banantahay akhriska quraanka

30.DHIIGAAS SOCDA OO AAN ISTAAGAYN HADII AY U WAYSO QADATO OO AY SALADA TUKADO FARALKAA MA U ANSAXMAYSAA IN AY TUKADO SALAADO KALE OO SUNO AH
Hadii ay tukado salada faralka waa ay raacin kartaa wixii kale oo sunooyin iyo khayr ah ilaa inta salada kale laga garayo.

31.GABADHAAS OO KALE WAYSADA SALADA FAJAR MA KU TUKAN KARTAA SALADA DUXADA.
Maya kuma tukan karto sababto ah salada duxadu waa salad ka go an salada fajar oo mu aqat ah waxaana la amray mustaxaadada gabdha ah in ay u wayso qadato salad kasta .

32.SALAADA LAYLKA MA KU TUKAN KARTAA WAYSADA CISHAHA
Maya hadii habaynka kala barkisa la dhaafo waxaa ku wajib ah ah in ay mar kale u wayso qadato sidaas oo kale waxaa l ayiri kuma aha nee waysadeeda ayaa ku filan midaas ayaana ah raajix. Danbe.

33.HADII AY WAYSO QADATO GABDHA UU KA SOO DAGAYO DHIGAAS ASAGO KALA GO GOAYA OO MARKAS KA MAQAN LAAKIN MARKII AY SALADA GALAYSAY AYUU KA YIMID MUXU YAHAY XUKUNKEDU.
Hadii u yahay mid go goaya ha sugto inta wakhtiga salaadu soo galayso laakin hadii aysan u dhaxayn xiliga ay wayso qadanayso iyo xiliga ay tukanayso waxba in uu ka yimaado waxay wayso qadanaysaa marka wakhtiga soo galo weeyna tukanaysa waxbana laguma lahan.

34.GABDHU QURAANKA MA AKHRINKARTAA MARKA AY KU JIRTO CADADEEDA AMA DHIGA NIFASKA. TUSAALE MARKAY SEXANAYSO OO KALE AYAD KURSIGA AYADOON TABANAYN MUSXAFKA?
Waxa uu yiri calaamah ibnu baas wax dhibaataa malahan in ay quraanka akhriso xiligaas cadada ama nifaaska wixii quraanka u sahlanaada ayadoo kor ka akhrinaysa sababto ah adilo sharci ah aya ana tusinaysa arinkaas wallow ay isku khilafen culumdu culumada qayb ayaa tiri ma akhrinkarto waxayna soo dalishaden xadiskii ahaa لا تقرأ الحائض ولا الجنب شيئا من القرآن laakin xadiskaan wa daciiif

35.gudniinka haweeneyda suna miyaa mise waa caado xun?
Jawaab:gudniinka dumarka suna weeya,mana ahan caado xun ,dhibna maku jiro,haddii uu yahay mid caadi ah gudniinka , amaa haddii lagu xeel dheeraado gudniinka waxuu leeyahay dhib

36:Ma banaantahay ,in loo ciyaaro, ama xaflad loo dhigo, markii lagudaaya gabdhaha?
Jawaab: in la ciyaaro, ama la farxo, ama xaflad loo dhigo,marki lagudaayo gabdhaha ,wax asal ay ku leedahay diinta ma ogin
Ama in lagu farxo gudniinka ,waa la iska doonaa ,sharci ahaan,

37:haweeneyda ma laga rabaa markastoo ay caadado dhameysato in ay iska xiirto timaha hoosa,?
Jawaab:in la iska suuliyo, timaha hoose,oo la iska rifo,ama la iska xiiro,waa suna fiican ,lakin laguma khaas yeelin,caado kasta dabadeed,in la iska xiiro:

38:saxiix matahay in la iska xiiro timaha kilkisha ku yaalo?
Jawaab:wey banaantahay, waayo waxaa la iska rabaa in la iska suuliyo timaha kilkisho ku yaalo, hala rifo ama hala xiiro, lakin waxaa fiican in la iska rifo,

39.Ma banaantahay in la dheeraysto cidiyaha,iyo in daawada cidiyaha la saaro cidiyaha?
Jawaab: in la dheereysto cidiyaha , sunada oo la khilaafay weeya,in la dheereysto cidiyaha waxaa la isu ekeysiiyay xoolaha, iyo gaalado,
amaa in cidiyaha daawo la mariyo. In la iska dhaafo ayaa fiican,waana waajib in la iska suuliyo markii la weyso qaadanaa,waayo biyaha in ay gaaraan cidiyaha ayey udiidaan,

40: markii aan dhaqaayo dhar daahir ah, iyo dhar najaasa ay ku taalo,dharka daahirka ah wax ma u dhimeysaa,ama biyahaas najaaso ma naqonaan?
Jawaab:markaad dhaqeysid , dhar isku dhex jiro,oo biyo badan aad isticmaaleysid wey suulinaan najaasadaas, dharka dhamaantood wuu daahirinaa,
Waxaa fiican , ahna xalaal miirasho,in uu dhaqo dharka najaasada leh keligood, welibo uu ku shubo biyo ku filan ,oo suulinaa raadka najaasada

41:haddii dadka ay kasoo baxdo neef,ruuxa waajib maku tahay in uu istijooda?
Neefto oo kasoo baxdo gadaal weysada wey burineysaa,lakin ruuxa waajib kuma ahan in uu istijooda:

42:Xukunkeeda muxuu yahay in lagu dhawaaqo niyada markii la weyso qaadanaa ama markii la tukanaa?
Jawaab:Xukunkeeda waa bidco in lagu dhawaaqo niyada ,waayo lagama soo rarin dabuga swc iyo saxaabada ,waxaana waajib ah in la iska daayo dhawaaqeeda,niyada booskeeda waa qablbiga

43:Waa weyso qaatay waxaan iloobay in aan ku dhawaaqo bisinka weysada ka horeeya ee weysdeyda saxiix miyaa?
Jawaab:Culumada intooda badan waxay ku tageen in ay weysada saxiix tahay iyadoon lagu dhawaaqin bisinka, qaarkala waxey ku tageen in uu yahay waajib in lagu dhawaaqo bisinka, lakin ruuxii ilooba bisinka ama jaahil ka ah ,weysadiiso waa saxiix ,waa haddii aan dhahno waa waajib bisinka in lagu dhawaaqo,haddii aad ilowdid bisinka weysada hortiisa, ka dibna aad xasuusatit ,weysada dhaxdeeda ku dhawaaq,mana soo celinneysid mar labaad bisinka,
Wax yar aan ku daro
Sheekha ibnu baaz waxaa uu yara leexday dhinaca waajibinta bisinka , lakin waxaa raajix ah in uusan bisinka waajib ahayn waana mad,habka atowriyu ,imam maalik, imam shaafici,iyo riwaayad imam axmed,

44:Xukumkeeda muxuu yahay ,in la weyso qaato iyadoo cidiyaha aya saaranyihiin ,daawada cidiyahay ee dumarka marsadaan cidiyaha?
Jawaab:Dawadaas cidiyaha la mariyo haddii ay yihiin wax cidida biyaha u diidaa,in ay gaaraan,weysadaas ansax ma ahan,

45: Haddii ay hawo kasoobaxdo farjiga dumarka ,weysada maka jabtay , ma burtay,weysado?
Hawo oo kasoo baxda farjiga dumarka weysada ma burineysaa ,

46:Waxii kasoo daato , oo kasoo dago,haweeneyda daahir miyaa mise waa najaaso? Weysada mey bureysaa markaas?
Jawaab :waxii kasoo baxo riximka dumarka waa daahir,lakin weysada wey burinaan

47:Gabadha umulisada markey ka dhalineyso dumarka weysada maka burtay?
Jawaab: qubeys iyo weyso,waajib maku ahan,Waxaa waajib ku ah in ay iska dhaqdo dhiiga meesha uu ka gaaray bas,lakin weysada wey ka jabeysaa haddii ay taabato farjiga umusha markii ay ka dhalineyso cunuga

48:In ay isticmaasha haweenayda kareenka timaha iyo xamuurada weysada mey burinaan?
Jawaab:wey marsaneysaa haweeneyda kareenka iyo waxii la mid ah weysadana maka jabeysa

49:In la fiiriya cowrada haweenka iyo raga weysada maku bureysaa?
Fiirma keligeed waxba ma burineysa Jawaab :maya

50:Haddii ay barsata haweeneyda waxyaabaha la marsada ,madaxeeda oy masaxta dushiisa weysa saxiix ma tahay ama ma ahan saxiix?
jawaab:Dadka goortii ay isticmaalaan waxyaabaha la marsada ,xubnaha laga weysa qaata, haddii ay yihiin kuwa adag oo u diidaa xubnaha in ay gaaraan biyaha,weysadaas saxiix m ahan ,amaa haddii ay yihiin kuwa aan u diideynin biyaha in ay gaaraan xubnaha ,waxba ma dhibaayo ,lakin gabmaha ayuu ku adkeynaa xubnaha

51:Ma u banaantahay haweeneyda in ay masaxta khimaarkeeda?
Way masaxaysaa khimaarka korkiisa haddii uu yahay mid ku wareegsan dhuunteeda ilaa madaxa oo dhan,haweenka saxaabada qaarkood wey sameyn jireen,arinta si walbaba ha ahaata haddii uu jira dhib ,sida qabowga ama dhib kale ,wey masaxi kartaa, waxaana fiican in aysan masaxin

52:HAWENEYDA MA WAXAA LOO SUNEEYAA SIDA RAGGA IN AY U MASAXDA MADAXA IN AY KA BILOWDA MADAX BILOWGIISA ILAA QADAADKA KA DIBNA AY KUSOO CELISA BOOSKII HORE?
JAWAAB HAA RAGGA IYO DUMARKA WAA ISKU MID DHINACA AXKAAMTA WAXII RAGGA LAGA RABA DUMARKANA WAA LAGA RABAA,

53:KITAABKA MALA GELI KARAA SUULIGA?
Kuwa cilmiga ehel u ah waxay yiraahdeen ma banana in kitaabka suuliga lal gala

54:Neef haddii ay kasoo baxda farjiga haweeneyda weysada maka burtay?
Maya weysada maka burin

55:Maxaa waajib ku ah in ay sameyso haweeneydu haddii ay ku riyooto ?
Jawaab haddii ay (aragta) (haweeneyda) iyadoo hurada in uu nin u (tagaaya) ,wax danbi ah looma (qoraaya) ,waxaa waajib ku ah qubeys ruuxii arintaas ku riyooda ,haddii uu (ka yimaado) mani

56:Ma banaantahay in najaasada lagu suuliya waxan biya ahayn?
Shay kastoo suulinaa najaasada raadkeeda oo ka dhigi kara daahir waa banaantahay in la isticmaala

57:Waajib miyaa in la iska badalo dharka kaadida leh ?
Waxaa waajib ah in la dhaqo booska najaasada ay ku dhacday, laasimna ma ahan in la iska badalo dharka

58:Haddii ay najaasada ku dul dhacdo jirka ama dharka korkooda weysada ma bureysaa?
Dhib ma u keenaaya weysada waayo muu san dhicin wax weysada buriya ,waxaana waajib ku ah in uu iska dhaqo najaasada raadkeeda

59:Ma banaantahay haweeneyda in ay isku qurxiso indha kuusha?
Haa wey banaantahay in ay is qurxisa markii ay la joogta ninkeeda ama maxaarimteeda, lakin raga ajaanibta ka ah agtooda ma isku qurxin karto waa xaraam.

60:Haddii haweeneyda ay daawo gelisa xubinta tarankeeda qubeys miyaa waajib ku ah?
Maya qubeys waajib kuma aha

61:Haddii ay haweeneyda geliso farteeda xubinta tarankeeda markii ay istinjooneysa ,ama dhaktarada ay geliso farteeda xubinta taranka ee ruuxa la baarayo,ama ay geliso qalabka waxa lagu baaro ,qubeys miyaa waajib ku ah?
Haddii uu dhaca waxaad soo sheegtay ,qubeys waajib kuguma ahan ,soonkaada mana burin

´62:Haddii aan ka qubeysta janaabada, ka dibna uu iga yimaado mani qubeyska masoo celinaa?
Waajib kuguma ahan in aad soo celisit qubeyska maadaama aad qubeysatay,manidaan qiima ma lahan,waayo waa mani usoo baxday shahwa la aan,waxuuna la xukun yahay kaadida,ama qubeyska waa kaa dhacay

63:Ma banaantahay in loo tago haweeneyda markii uu ka dhamaado dhiiga caadada ah iyadoon qubeysanin?
Waxaa saxiix ah in uusan u tagi Karin ilaa ay ka qubeysato mooyee

64:Laasim maku tahay in ay iska badasho gabadha dharkeeda markii ay noqota daahir?
Maya laasim maku aha in ay dharkeeda iska badasho

65:Hadduu isku ekaado dhiigu inuu yahay mid caado a ah ama midka dhabar furan ah maxaa la sameynayaa ?
Asalk wuxuu yahay dhiiga kasoo baxa haweenayda inuu yahay caado ilaa uu ka cadaado mooyee inuu yahay yahay dhiiga dhabar furanka

66:Ma ka timaada caado haweenayda uurka leh?
Waxaa saxiix ah inay caadadu ka imaanayso mar mar markaasna waxa loo sugayaa axkaamta caadada

67:Waa maxay xukunka haday caadau iska sii socoto wax ka badan waqtigeeda?
Haweenaydu waxay ahanaysaa mid aan tukan ilaa ay daahir ka noqoto dhiigu intuu yahay mid jooga haweenaydu xaaladeeday ku jiraysaa ilaa ay daahir noqoto sidoo kale waxa lamid ah hadu is dhimo waqtigiisu way qubaysanaysa haday daahir noqoto

68:Waa maxay xukunka haweenayda hadii uusan ka imaan dhiig markii ay dhasho kadib?
Laga dhigi maayo sida kuwa dhiiga dhalamadu uu kayimid mana lagu waajibanayo shay sida qubayska iyo qeyrkiis mana loo diidayo salaada

69:Waa maxay xukunkeeeda in la isticmaalo kaniiniga joojinaya caadada ?
Wax dhiba kuma jiraan isticmaalkiisa haduusan wax dhiba caafimadka ukeenayn lkn shardi waxa ah inuu saygeedu u ogalaado lkn anigu uma jecli haweenaydu inay isticmaasho ano uga baqaya dusheeda inuu dhib ugaysto

70:Waajib mayahay in la gaarsiiyo biyaha timaha salkooda?
Haa waa waajib kani qubaysna majiro hadii la dhaqo timaha korkooda bas

71:In bisinka lagu dhawaaqo weysada gudaheeda?
Waajib maahan ee lkn waa sunno

72:Qaabka haweenayda ay ku garanayso inay gaartay waqtiga caadada?
Jawaab:qaangaarka gabadha waxaa lagu garanayaa 4 arimood midkood
1:inay dhamaystirato 15 sano
2:Inay timaha hoose kasoo baxaan
3:Inay biyo keento
4:Inay dhiigu ka yimaado

73:Haweenayda haddii ay gaarto 70sano dhiiguna uu wali kasocdo ma iska daynaysaa cibaadaadka?
Haweenayda gaartay 70sano dhiigana uu wali ka socdo way iska daynaysaa cibaadaadka waayo waxaa sax ah inuusan dhiiga caadada ah uusan lahayn sanad uu istaago dhiigaana wuxuu yahay waa dhiiga caadada ahaa

74:Haweenay ayaa waxay isticmaashay daawo si ay iskaga keento dhiiga caadada ah salaadana way ka tagtay ee salaaadaas masoo qalaynaysaa mise may?
Maya masoo qalaynayso haweenaydaas salaada haddii ayiska keentay dhiiga caada ah markastoo la hel dhiiga xukunkiisana waa la hayaa

75:Haweenay qabto caado oo utukatay xishood dartiis si aana loo oran waxay qabtaa caado waa maxay xukunkeedu?
Uma banana haweenayda markii ay tahay mi d caado qabta inay tukato waxaana haweenaydaas dusheeda ahaatay inay tobad keento ilaahayna ay ka baqdo

76:Muxuu yahay quusasho,oo haweenayda ay ka quusan kartaa dhiiga caadada ah masse ku xiranyahay waqti go,an mise waa intuu ka go,ayo dhiigu?
Quusashadu kuma xirna waqti go,an markastoo uu haweenayda ka go,o dhiigu aysan rajaynayn inuu uso laabanayo dhiigu kaas ayaa la yiraahdaa quusasho waxa laga yaabaa haweenay gaartay 50sano inuu ka yimaado dhiigu

77:Hadii ay wareerto caadadu marna ay soo hormarto marna ay soo daahdo marna ay badato marna ay yaraato gabadhu maxay samaynaysaa?
Haweenaydu haddii ay aragto dhiiga way iska daynaysaa salaada iyo soonka markay aragto inay tahay daahirna way qubaysanaysaa wayna tukanaysaa waxaa isku mid ah ha hormarto ama hasoo daahdo ama ha yaraato ama ha badato

78:Haweenayda haddii ay aragto alkudra intaysan u imaanin caadadu salaadana ay ka taktay kadibna caadada ay u timaaday waa maxay xukunkeedu ?
Kudradaan kasoo hormartay caadada anigu uma arko inay tahay caado waliba markii ay ka timaado caado horteed uusan ahaanin calaamadaha caadada sida maqaska iyo dhabar xanuun iwm waxa haboon salaada inay soo celiso salaadi ay ka tagtay waqtigaas

79:Haweenay caaddo ay u imaan jirtay bisha dhamaadkeeda kadibna aragtay bisha bilowgeeda maxay samaynaysaa?
Haddii ay ka soo hormarto caadadu waqtigeeda tusaale ahaan caadadu haddii ay u imaan jirtay bisha dhamaadkeeda kadibna ay aragtay bisha bilwgeeda waa mid caado leh

80:Marka ay daahir noqoto gabadhu intaysan qorraxdu soo bixin waajib maku yahay inay tukato maqrib iyo cishe ama daahir noqoto Intaysan qorraxdu dhicin kahor waajib maku yahay inay tukato duhur iyo casar ?
Haddii ay daahir noqoto gabadhu intaysan dhicin qorraxdu kahor waxaa waajib ku ah inay tukato salaada duhur iyo mida casar haddii ay daahir noqoto intaysan qorraxdu soo bixin ka hor waxa waajib ku ah inay tukato saalaada maqrib iyo cishaba

81:Haweenayda caadada leh inay quraanka akhriso ama ay taabato quraanka iyadoo uusan udhaxayn gacmo gashi waa maxay xukunkeedu?
Dhib ma lahan inay quraanka ka akhriso dusha wax uudiidayana malahan inay gacmo gashi ku muraajicayso quraanka sida saxiixa ah waana sawaab waayo waqtiga gabadhu uu dhiigu u joogo waa dheeryahay sida dhiiga umusha

82:Ma banaantahay gabadha caadada qabta inay soo xaadirto xalaqada cilmiga masjidka?
Haweenayda dhiiga qabta uma banaana inay masaajidka ku nagaado lkn wax dhib ah malaha haday dhex marto shardi waxa ku ah inay dhiiga ka ilaaliso masaajidka

83:Haweenayda caadada qabta inay iska dhaqdo madaxa markay caadada qabto xukunkeedu muxuu yahay waxan maqlay dadka qaarkood oo leh ma banaana arrintaas?
Gabadha caadada qabta inay dhaqdo madaxeeda markii caadada ay ku jirto wax dhib ah malahan ama hadalkoda ay ku dhaheen ma banana saxiix maahan waxa ubanaan inay dhaqdo madaxeeda iyo jirkeeda

84:Waa maxay xukunka biyaha calowga ah ee ka imaanaya haweenayda caadada ka hor labo maalin ?
Haddii uu yahay biyahaan calowga mid imaanaya caadada horteed waxba maahan haddii uu yahay biyahan calowga ah caadada horteed ka dibna caadada uu ka go,anyahay lkn haddii ay ogaato haweenaydu biyahaas calawga ah inuu caadada u yahay hordhac way iska fariisanaysaa ilaa ay daahir ka noqoto

85:Inay haweenaydu isticmaasho kaniinka udiidaya inay caadadu timaado ama dhiiga dhalmada waa maxay xukunkiisu?
Haddii ay isticmaasho haweenaydu waxa dhiiga ka goynaya ee ah kaniini ama irbid dhiiguna uu daawadaas kuistaagay kadibna ay qubaysatay waxay sameynaysaa waxa ay sameeyaan kuwa daahirka ah salaadeeduna waa saxiix soonkeeduna waa saxiix

86:Haweenay daahir ah oo u istijo qaaday cunugteeda waajib maku yahay inay wayso qaadato mar labaad ?
Haddii ay u istijo qaado cunugteeda ama cunugeeda oo ay taabato farjigooda waajib kuma ahan wayso qaad waxay gacmaheeda ka dhaqaysaa najaasada bas in la taabto farji shahwo la,aan wayso waajib kam dhigayo waxaana la ogyahay haweenayda tii udhaqaysa caruurteeda inuusan shahwo qalbigeeda ku dhacayn

87:Waxaan uweyso qaatay salaada waan xanbaaray cunug wuxuuna igu haleeyay kaadi waxaan dhaqay booskii kaadida waana tukaday anigoon weyso qaadan mar labaad ee salaadaydu ma ansaxaysaa?
Salaadaadu waa saxiix waayo wixii ku gaaray oo kaadida ilmaha ah ma burinayso weysada waxaana waajib kugu ah in inaad iska dhaqdo wixii ku gaaray oo najaaso ah

88:Ma ubanaantahay ninka inuu kala qubaysto xaaskiisa janaabada iwm ?
Way ubanaantahay ninku inuu kala qubaysto xaaskiisa janaabada hal weel

89:Ruux kasoo toosay hurdo asagoo qabo janaabo hadduu damco inuu qubaysto waxaalaga yaabaa inuu waqtigu ka tago ee ma gabagabaysankaraa ?
Waxaa waajib ku ah dushiisa inuu qubaysto salaadana uu tukaado haba ahaato waqtiga dabadiis waayo ruuxa hurdo wuxuu yahay waqtiga salaadiisa waa markii uu soo tooso

90:Mida xaamilada ah markii ay dhasho dhiigna uusan ka imaanin ninka ma ubanaantahay inuu ugalmoodo ma tukun kartaa mise maya ?
Goortii ay dhasho mida uurka ah uusan ka imaanin dhiig waxaa waajib ku ah qubays iyo salaada iyo soonka ninkeeduna wu ugalmoonkaraa qubays dabadiis

91:Gabadhu markay dilanto inay tukato salaada ayna soonto ma ubanaantahay dhiigu waqtiguu ka yimaado?
Haddii ay soo tuurto haweenaydu xinjirta ama cad hilib ah walina uusan soo muuqanin abuuritaankiisu dhiiga dhalmada ma tirsanayso dhiigii kasoo baxay intaysan ilmaha soo tuurin ka hor ama kadib dhiigaas waa dhiig aan waxba ka jirin ,way tukanaysaa wayna soomaysaa asagoo dhiigu uu iska socdo ,wayna uweyso qaadanaysaa salad kasta ,waxayna ku ilaalinaysaa dhiiga suuf iwm,haddiise uukasoo dhaco wax u eg abuur bini,aadam waxay la mid tahay kuwa dhalay oo kale

92:Waa maxay xukunkiisu Dhiiga ka imaanayan gabadhu markuu kasoo dhaco cunugu?
Ehlu cilmigu waxay yiraahdeen haddii uu kasoo dhaco wixii uurkeeda ku jiray asagoo umuuqda inuu yahay bini,aadam ,dhiigeedu wuxuu yahay dhiiga dhalmada
Haddii uukasoo baxo wixii ku jiray uurkeeda asagoon la abuurin dhiigaas ka imaanaya maahan dhiiga dhalmada ,wuxuu yahay dhiigan jirin udiidimaayo salaadeeda iyo sonkeeda iwm
Ehlu cilmigu waxay yiraaheen waqtiga uyar ee uu muuqanayo abuuritaankiisa waa 81 maalmood ama 2 bilood iyo 21 cisho
Haddii ay soo tuurto wax ka yar 80 maalin dhiiga ka imaan doono waa dhiig aan waxba ka jirin waayo waqtigaan laguma abuuro cunuga way soomaysaa wayna tukanaysaa wayna sameynaysaa wax walbo ay sameeyaan ku daahirka ah, allaha unaxariisto ibnu cuthaymen oo cilmigan asaga aan kasoo xigsanay ilaahi miisanka xasanaatka ha usaaro cilmigiisana ilaa iyo aakhiro ilahay hanagu anfaco aamiiin

93:Haweenka qaarkood waxa ku adag inay caadi u dhalaan ,waxaana looga dhaliyaa qalliin ,waxaana laga yaaba in cunaga lagasoo saaro meel aan farjiga ahayn sida kalida iwm waa maxay xukunkoodu ?muxuuna yahay dhiiga ka imaan doona ? muxuuna yahay qubayskoodu ?
Xukunkoodu wuxuu yahay xukunka kuwa dhalay oo kale waa haddii ay aragto dhiih wayna iska fariisanaysaa ilaa ay daahir ka noqonayso ,haddii aysan arkin dhiig way tukunaysaa wayna soomaysaa sida kuwwa daahirka ah,

94:Ninka ma ubanaantahay inuu utago xaaskiisa markii ay dhashay kadib 30 maalmood ama 25 maalin,mise uma banana ilaa 40 maalin mooyee ?
Uma banana ninka inuu ugalmoodo xaaskiisa markay dhasho kadib ilaa ay ka baxdo 40ka mooyee markii ay dhasho laga bilaabo ilaa uu dhiiga ka go,o mooyee intaysan gaarin afartanka ,waxa ubanaan ninka inuu ugalmoodo markay qabaysato kadib

95:Hadii dhiigu uu iska sii socdo afartanka kadib xukunkiisu muxuu yahay ?
Hadduu dhiigu iska sii socdo afartanka kadib waxay iska dhigaysaa mid daahir ah waayo 40ka ayaa udanbayso dhiiga dhalmada sida saxiixa ah oo culumadu dhaheen ,dhiigaasna wuxuu ahaanayaa dhiig faasid ah wuxuuna lamid yahay dhiiga dhabar furanka ah ,ilaa inuu la kulmo waqtiga caadada mooyee markaas wuxuu noqonayaa dhiiga caadada ah
96:SUASHA U DANBAYSA QOLKA ALTAQWA IYO WALAHA ALTAQWA MAXAAD KU JECLATAY?
 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip