Salaada Subaxa EE Jamceda

0
Friday January 03, 2014 - 03:50:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6240
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Salaada Subaxa EE Jamceda

    Salaada Subaxa Iyo Wanageda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaada Subaxa Iyo Wanageda

Salaada Fajar
Salaada Fajar Iyo Sirta Iyo Fawaaida Ku Jirta
Salaadaha Oo Dhan tukashadoodu waa waajib Qofkii katagana Waxa Alle Iyo rasuulkiisu Sheegeen In Uu Diinta Ka Baxay gaalna Uu yahay Waana Sida Ay U fahmeen Oo Dhamaantood isku raaceen saxaabada rasuulka ayagoon u kala harin ijmaacaas waxaa kamid ah saxaabada sidaas tiri cumar bin khadaab cuthmaan abii horeeyra cali bin abii dalib abiibaker ibnu cumar ibnu mascuud cabdrxmaan bin cawf xudayfa bilaal iyo kuwa kaloo badan iyo waliba taabiciintii waxaa in ay isku raacen oo ku ijmaceen soo raraya ibnu qayim iyo ibnu xasmi iyo rag kalo badan.


Hadaba salaada subax wa salad kamid 5 saladood ee wajibka nalooga dhigay aan dul istaagno fadaaisheeda
Salaada fajar Waxaa Soo Xaadira Malaaikta Habaynkii Iyo Malaaikta Maalinka ISbadalaya qofwalba 4 malag ayaa u xilsaaran malaaktaas ayaa soo xadrta sida alle uu leyahay surada israa
Waxa uu yiri abi horeeyra Wuxuu Yiri nabigu caleyhisalatu wasalam salaadasalaada qofkiin tukado salaada jameecada uu la tukado waxay ka fadli badantahay 25 qaybood oo salada jamecada fadli badan malaikta habaynkii iyo malaaikta maalinkiina waxay soo xaadiraaan salaada fajar markaas ayuu abuu horeeyra waxa uu yiri akhriya hadaad rabtaan ayadan وقرأن الفجر إن القرأن فجر كان مشهودا xadiiskaan ugu laabo kitaabka saxiixul bukaari.

Ibnu kathiir tafsrka ayadaan waxa uu yiri quraanka subaxa waa salaada subax faharka quraanka fajarku waa mid la xaadiro macnaha salada fajarka qiraadadeeda malaaiktaa xadrta
Xadis ku sugan bukhaari yo muslim abii hureyra waxa uu yiri waxa uu yiri nabigu caleyhi salatu wasalaam

Alle weyna wixii uu ku dhaarto waa wax wayn waxa uu ku dhaartay salaada fajar suurad dhan ayaana logu magic daray
2ragcadood oo salada fajar ka horeysa waxa ay ka khayr badan tahay aduunka iyo waxa dhexyaala oo dhan allahukbar sida ku sugan saxiixul muslim iyo tarmidi
Waxa uu yiri nabigu magalayo qofka tukada qoraxdu intaysan soo bixin iyo intaysan dhicin wa salada fajar iyo salada casar ugu labo saxiixul muslim iyo abiidawuud.
Waxa uu yiri nabigu qofkii salaada cishaha ku tukada jameeco wuxuu lamid yahay asagoo habaynka qaybtiis istaagay qofkii ku tukada salaada subaxa jameeco masjidka yacni wuxu lamid yahay qof habaynkii oo dhan u taakna salad
Ugulaabo saxiixul muslim iyo iyo abiidaawood
Waxa uu yiri nabigu ugu bishaaree kuwa ku socda mugdiyada habaynkii adida masajida nuur iyo iftiin ay maalinka qiyaamo ugu laabo tamidi abiidawuud iyo ibnu maajah
Arimahaan kor ku xusan iyo kuwo kalo badan xaqiiqatan wa faawaid aad u wawayn qofkii cali lehna uu ku dadalayo
Nacam yaad u socday mugdiga ama barafka iyo dhaxanta waa alle dartiis mise ogtahay in ribotkaaga alle lo gaynayo mise ogtahay talaabo kastoo aad u qaday alle awgis in danbigaagii kaaga hoobanayo drajaat iyo xdigana ad ku helayso nacam
.Hadaba maxa kugu saacida kara salaadaas subax in aad u kacdo
1. Intaadan sexan goaan qadasho ah in aad u kacayso oo aad ku buuxsato saacadaada ama mopilka imw qayladiisa
2. In aad horay u seexato amaba hadeey ku soo dhawdahay aadan ka sexan
3. In aad akhrisato adkaarta soo aroortay ee hurdada sida 2 ayadood ee u danbaysa suuratul baqara
4. In aad ku sexato wayso qab iyo balaaya xijaab
5. Markaad indhaha kala qado in aad alle xustid adkaarta ku soo aroortayna ad akhrisato waliba qofka marka uu soo tooso alle barya ducadisa waa loo aqbalaa
6. In aad kaashato dadka wangsan ama aad la sxbto si ay kuu toosiyaan tusale xaaskaaga aad kala dardaaranto in ay ku toosiso ama hooyo ama aabo ama walakaa iwm
7. In aad alle barido in uu alle ku sahlo in aad u kacdo saladaha iyo cibadada
8. In wajigaaga biyo lagu shubo biyo yara haday dhacda haka xanaqin sababto ah shaydaanka wuxuu ku xir xirayaa guntumimo
9. Kaligaa ha seexan wuu reebay nabigu qofka kaligiis in uu baro
10. Go;aan ku gaar mar hadaad kacdo in aadan ku laaban sababto ah dadban wey kacaan markaas ayuu isleyahay xoogaa sug madhawa iwm sababtuna wa shaydaanka oo qofka busta qabow saara oo dhaha wali weye xoga ku dar sug sug sababto ah sankaaga ayuu baryayaa dhagahana in uu kaaga kaadsho ayuu rabaa walciyadubilah.
11. Soo jeedka facbooka habadin wixii ale ku qoray ma ku dhafayaan lakin cibadada alle yusan sabab unoqon internetka tvga iwm
12. Cuno farabadan ha cunin cunada farahabadan waxay sababta hurdo badan
13. Maalinti wax ka sexo nusaac sacad iwm qayluushi yara
14. Qaabki nabiga ku amray u sexo gacmahaga 3 jer ku akhri qulwale naas iyo falaq jirkaaga mari dhanka midig u sexo adkartana akhriso
15. Kaasho ikhaalska iyo niyada wanagsan iyo in aad alle ku raali garaaynayso

Fiiro Gaaro
Markaad akhrisanayso adkaarta hurdada hadaadan si qalbi ah u akhrin oo aad carabka ka akhriso waxba ku faaidayn mayso waa in aad si qalbi ah u akhriso oo niyadaadu joogto alfaada aad ledahayna aad ku tababatro waxa ka saciya arimahaan
1. In aad xifdisantahay ayada iyo adkaarta
2. In aad macnahooda fahmayso

Haduu aad ku gulysato waxaad helysaa hurdo macaan qalbiga kuugu dago dadbadan sacado badan ayeey hurdaan lakin mahelaan hurdo ay ku raxaystaan oo markey soo kacaan waxaadba moda in aysan sexan ama hurdo kale ayeey u sii baahan yihiin

Ayadaha la akhrsto macnahooda si ay kugu sahlanato

3suradood ee qulwale falaq iyo naas sedexdaan suradood labadaada gacmood ayaad ku akhrinaysa markaad firashkaaga takto kadibna jirkaaga oo dhan ayaad wada marinaysaa.
Suuratul Ikhlaas سورة الإخلاص
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Allaah waa Kaliis (wehelna ma leh). قُلْ هُوَ اللَّـهُ أَحَدٌ ﴿١﴾

Waana Sayid (deeqtoon) Ama Midka Dadka arimohooda u taagan اللَّـهُ الصَّمَدُ ﴿٢﴾

Allaah wax ma dhalin, isna lama dhalin لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ ﴿٣﴾

Wax la mid ahna ma jiro. وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ﴿٤﴾


Suuratul Falaq سورة الفلق
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (Kala dilacsha). قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ﴿١﴾

Wixii Uu abuuray sharkiisa. مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ﴿٢﴾

Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado. وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ﴿٣﴾

Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha. وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ﴿٤﴾

Iyo sharka Xaasidka Goorduu wax Xasdaya. وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ﴿٥﴾








Suuratul Naas سورة الناس
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
Waxaad dhahdaa ’’Nabiyow’’ waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya. قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ ﴿١﴾

Ee dadka Boqorka u ah (ee dadka Xakuma) مَلِكِ النَّاسِ ﴿٢﴾

Ee ah Illaaha Dadka. إِلَـٰهِ النَّاسِ ﴿٣﴾

Sharka Midka Wax Waswaasiya Ee Isqariya مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ ﴿٤﴾

Kaasoo waswaasiya Laabta (Qalbiga) Dadka الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ﴿٥﴾

«Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba. مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ ﴿٦﴾







Labada ayadood ee u danbeeya albaqra Iyo macnahooda
qofki labadaan ayadood akhrista intusan sexan wa ku filantahay

بسم الله الرحمن الرحيم

آَمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مِنْ رَبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ كُلٌّ آَمَنَ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِنْ رُسُلِهِ وَقَالُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ (285)

لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِنْ نَسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَا إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِنَا رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ وَاعْفُ عَنَّا وَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا أَنْتَ مَوْلَانَا فَانْصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ


wuu rumeeyey Rasuulku wixii looga soo dajiyey Xaga Eebihiis, Mu'miniintuna (way rumeeyeen) dhamaana waxay rumeeyeen Eebe, Malaa'igtiisa kulubtiisa iyo Rasuuladiisa, mana kala geynayno mid ka mid ah Rasuuladiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalay oon adeecnay, dhaafidaada. Eebahanow xaggaagaana loo ahaan.

kuma Khasbo Alle naf waxay awoodo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay (oo wanaag ah) waxaana korkeeda ah waxay isu kasbatay (oo xumaano) Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno, Eebow hanagu xambaarin Culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebow hanagu xambaarin (dhibin) waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noodhaaf noon naxariiso, adaa gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.



Ayad kursiga iyo Macnaha ayadaan
{ اللّهُ لا إله إلا هو الحي القيوم لاَ تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلاَ نَوْمٌ

لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الأَرْضِ مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلاَّ بِإِذْنِهِ

يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلاَ يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلاَّ بِمَا شَاء

وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضَ وَلاَ يَؤُودُهُ حِفْظُهُمَا وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ (255) } .

Alle Xaq Lagu Caabudo Oo Aan Alle Ahayn Majiro , waana Allaha Nool, Khalqigana maamula. Ma qabato Lulmo iyo hurdo (midna) wuxuuna iska leeyahay waxa Samooyinka ka sugan iyo Dhulka, waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebe) idankiisa mooyee, wuxuu ogyahay (Eebe) waxa Dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan wax Cilmigiisa ah, wuxuu Eebe doono mooyee, wuuna u waasacnoqday kursigiisu Samaawaadka iyo Dhulka, mana Cusleeyo ilaalinteedu, Eebana waa sareeye wayn.

Adkaartaan Waa Adkaarta La Akhrsto markaad madaxa dhulka dhigto ee dhanka midig aad u sexato
macnaheda




للَّهُمَّ أَنْتَ خَلَقْتَ نَفْسِي وَأَنْتَ تَوَفَّاها ، لَكَ مَمَاتُها وَمَحْيَاهَا ، إِنْ أَحْيَيْتَها فَاحْفَظْهَا ، وَإنْ أَمَتَّها فاغْفِرْ لَها ، اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْألُكَ العافية
Aloow adigaa abuuray nafteeyda adigaana oofsanaya
Dilkeeda adaa leh nolosheedana ada leh
Hadaad nooleysa alow ilaali
Hadaad diashana aloow saamax
Aloow caafimaad baan ku waydiisanayaa

Golaha isbadalka somaliyeed Altaqwa islamic Network







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip