
Tafsiirka Suratu Cabasa-17- 42
|
Insaanka hala nacladee maxaa ka kufrinima badan (Yuu ku kufrinayaa) |
قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ﴿١٧﴾ |
|
Muxuu Eebe ka abuuray <Insaanka> |
مِنْ أَيِّ شَيْءٍ خَلَقَهُ﴿١٨﴾ |
|
Dhibic biyo ah ayuu Allaah ka abuuray wuuna Qadaray. |
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ﴿١٩﴾ |
|
Katibna wadadii <dhalitaanka> ayuu u fududeeyay. |
ثُمَّ السَّبِيلَ يَسَّرَهُ﴿٢٠﴾ |
|
Katib wuu dilayaa Qabri ayuuna ku asturayaa. |
ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ﴿٢١﴾ |
|
Markuu doonana wuu soo xaadirinayaa. |
ثُمَّ إِذَا شَاءَ أَنشَرَهُ﴿٢٢﴾ |
|
Saas ma’aha ee <dadku> maysan gudan wixii la faray. |
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَا أَمَرَهُ﴿٢٣﴾ |
|
Insaanku ha fiiriyo cuntadiisa. |
فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ إِلَىٰ طَعَامِهِ﴿٢٤﴾ |
|
Anaga ayaa biyihii soo shubnay shubitaan. |
أَنَّا صَبَبْنَا الْمَاءَ صَبًّا﴿٢٥﴾ |
|
Katib dhulkii baan jeexnay jeexitaan. |
ثُمَّ شَقَقْنَا الْأَرْضَ شَقًّا﴿٢٦﴾ |
|
Waxaan kasoo dhalinay xabuub. |
فَأَنبَتْنَا فِيهَا حَبًّا﴿٢٧﴾ |
|
Iyo cinab iyo cagaar (Qudaar) |
وَعِنَبًا وَقَضْبًا﴿٢٨﴾ |
|
Iyo zaytuun iyo timir. |
وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا﴿٢٩﴾ |
|
Iyo Beero waawayn oo calaymo waawayn leh. |
وَحَدَائِقَ غُلْبًا﴿٣٠﴾ |
|
Iyo fawaakih iyo caws |
وَفَاكِهَةً وَأَبًّا﴿٣١﴾ |
|
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolahiinaba. |
مَّتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ﴿٣٢﴾ |
|
Markay timaado tii Qaylinaysay<Qiyaamaha) |
فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ﴿٣٣﴾ |
|
Waa maalinta uu ruuxu ka cararayo walaalkiis. |
يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ﴿٣٤﴾ |
|
Iyo Hooyadiis iyo Aabihiis. |
وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ﴿٣٥﴾ |
|
Iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa. |
وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ﴿٣٦﴾ |
|
Shaqsi walba oo ayaga ka mid ah maalintaas xaabaa heesta oo ku filan. |
لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ﴿٣٧﴾ |
|
Wajiyaal maalintaas way Nuurayaan <farxayaan> |
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ﴿٣٨﴾ |
|
|
|
|
Wayna Qoslaysa oo bishaaraysanaysa. |
ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ﴿٣٩﴾ |
|
Wajiyaalna maalintaas waxaa ahaaday boor. |
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ﴿٤٠﴾ |
|
Waxaa daboolay Duli. |
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ﴿٤١﴾ |
|
Kuwaasna waa kuwii kufriyay ee faajiriinta noqday. |
أُولَـٰئِكَ هُمُ الْكَفَرَةُ الْفَجَرَةُ﴿٤٢﴾ |
|
|
|

0 

Tafsiirka Suratu Cabasa-17- 42
Murajada degdegaa waa ayada 17 ilaa 42 iyo Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul-Cabasa-Q2aad-23-42*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah