Suuratu Kuwirat Ma Doonaysaa In Aad Qiyaamaha-Aragto)* Li Sh Xanaafi Xafidahullaah

0
Friday June 20, 2014 - 18:47:36 in Tafsrka Ardada Juz Cama by Somali islamic
  • Visits: 11709
  • (Rating 4.6/5 Stars) Total Votes: 9
  • 15 1
  • Share via Social Media

    Suuratu Kuwirat Ma Doonaysaa In Aad Qiyaamaha-Aragto)* Li Sh Xanaafi Xafidahullaah

    Ma Doonaysaa In Aad Qiyaamaha-Aragto (*Isdul-Taag Suuratul Takwiir*) Li Sh Xanaafi Xafidahullaah Si Aad suurada Xalada dhabteeda ah iyo waxay ka hadayso aad u fahano Qiyaamahana aad u soo aragto si dhab ah Qaybta Yutubka dhagyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Doonaysaa In Aad Qiyaamaha-Aragto (*Isdul-Taag Suuratul Takwiir*) Li Sh Xanaafi Xafidahullaah Si Aad suurada Xalada dhabteeda ah iyo waxay ka hadayso aad u fahano Qiyaamahana aad u soo aragto si dhab ah Qaybta Yutubka dhagyso 1

Suuratul Takwiir

سورة التكوير

Goortii Qorraxda la duubo (Qiyaamaha)

إِذَا الشَّمْسُ كُوِّرَتْ﴿١

Goortii xiddiguhuna daataan.

وَإِذَا النُّجُومُ انكَدَرَتْ﴿٢

goortii Buurahana la socodsiiyo.

وَإِذَا الْجِبَالُ سُيِّرَتْ﴿٣

Goortii Geelii rimmanaana la dayaco.

وَإِذَا الْعِشَارُ عُطِّلَتْ﴿٤

Goortii duggaagana la kulmiyo <Qisaas darteed>.

وَإِذَا الْوُحُوشُ حُشِرَتْ﴿٥

Goortii badahana la kululeeyo.

وَإِذَا الْبِحَارُ سُجِّرَتْ﴿٦

Goortii Naf walbana jirkeedii lagu lammaaneeyo

وَإِذَا النُّفُوسُ زُوِّجَتْ﴿٧

Goortii gabdhihii la xabaalnololiyay lays waydiiyo.

وَإِذَا الْمَوْءُودَةُ سُئِلَتْ﴿٨

Danbigee baa loo dilay.

بِأَيِّ ذَنبٍ قُتِلَتْ﴿٩

Goortii warqadihiina la fidiyo.

وَإِذَا الصُّحُفُ نُشِرَتْ﴿١٠

Goortii samadana la xayuubiyo (la rujiyo).

وَإِذَا السَّمَاءُ كُشِطَتْ﴿١١

Goortii Naarta Jaxiimana la huriyo.

وَإِذَا الْجَحِيمُ سُعِّرَتْ﴿١٢

Goortii Janadana lasoo dhaweeyo.

وَإِذَا الْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ﴿١٣

Waxay ogaan Naf walba waxay camal fashay.

عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا أَحْضَرَتْ﴿١٤

Allaah wuxuu yiri: waxaan ku dhaartay Xiddiga is qariya (Maalintii)

فَلَا أُقْسِمُ بِالْخُنَّسِ﴿١٥

Ee socda Godka (meshu ku dhacaayay)

الْجَوَارِ الْكُنَّسِ﴿١٦

Iyo habeenkii markuu jeedsado.

وَاللَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ﴿١٧

Iyo subixii markuu soo nefsado (iftiimo).

وَالصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ﴿١٨

Qur’aanka waa hadalka Rasuul sharaf leh.<Malakul Jibriil>

إِنَّهُ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ﴿١٩

Xoogna leh Rabiga carshiga leh agtiisana Daraja ku leh.

ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي الْعَرْشِ مَكِينٍ﴿٢٠

Laguna addeeco halkaas aaminna ah.

مُّطَاعٍ ثَمَّ أَمِينٍ﴿٢١

Saabiixkiina <Nabiga> ma aha mid waalan.

وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍ﴿٢٢

Waxuu arkay Jibriil Jahadii Caddayd buuna ku arkay.

وَلَقَدْ رَآهُ بِالْأُفُقِ الْمُبِينِ﴿٢٣

Nabigana csw ma aha mid Bakhayla qaybka (Qur’aanka)

وَمَا هُوَ عَلَى الْغَيْبِ بِضَنِينٍ﴿٢٤

Qur’aankana ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.

وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَانٍ رَّجِيمٍ﴿٢٥

xaggee aadeysaan.

فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ﴿٢٦

Qur’aanka waxaan waanada Caalamka ahayn ma aha.(waa waano)

إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَالَمِينَ﴿٢٧

Ruuxii doona in uu toosnaado (ayuu waano u yahay)

لِمَن شَاءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ﴿٢٨

Waxna ma dooni kartaan in uu Allaah idoona mooyee Rabiga Caalamka.

وَمَا تَشَاءُونَ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّـهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ﴿٢٩

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip