Calaamada Qiyaamha Ee rasulku shegay oo si baraktis ah loo arkay subxanalah

0
Wednesday December 26, 2012 - 09:58:38 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 4694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calaamada Qiyaamha Ee rasulku shegay oo si baraktis ah loo arkay subxanalah

    Waxaa uu rasulku shegay kontameeyo kamid ah calaamadaha qiyaamaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu rasulku shegay kontameeyo kamid ah calaamadaha qiyaamaha. hadaba maalinba qayb ayaan soo gurbin doonaa waxaanse ka bilaabi doonaa rasuulka csw oo shegay in ay kamid tahay dadka oo ku kala tartami doono dhismayaasha dhaadheer يتطاولون في البنيان. hadaba dismayaasha daaraha ayaa maantay aad arkaysaa caalamka ayada oo loo kala tartamayo shaki kuma jiro in badan oo ka mid ah qaybahaas in ay ka soo jeedaan baadiyaha iyo badawnimo, sidoo kale shaki kuma jiro dhawr iyo konkaas arimood ee uu rasulku shegay in maantay ay soo daahireen inbadan oo kamid ah

hadaba qofwalboow u diyaar garoow wixii aad alle la hortagi lahayd.

hadaba mucjisaadka waxaa kamid ah waxaad ila argtaa daarda caalmaka ugu dheeer oo laga leyahay wadamada carbeed qasatan dalka emaaraadka oo ahaan jiray meel qorfe ah oo badawdu dakto iyo waliba carabta saxaraheeda ahayd ayaa mantay waxa ku kala tartamayaan dheerarka daaraha ayaga oo waliba galay dhismaha caalamka ugu dheer uguna dhaqala

Dhismahan wuxu ku yaal magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu socdey dhismihiisu mudo lix sano ah, iyadoo la dhameystiray sanadkii 2010-kii, isagoo ka kooban 828 meter ama 2,717 oo cagoodood (feet).
Dhismahan wuxuu ka kooban 168 dabaq waxaa ku baxdey 1.5 bilyan oo doolar, waana aalada ugu dheer ee biniaadam sameeyey.


isla dhismaha labaad ee caalamka soo mara abid ayaa asagana waxaa laga leeyahay wadamada carabta gaar ahaan boqortooyada sacuudi arabia anaga oo ogsoon sida boqorka iminka wadankaas xukuma uu ugu faano dhaqanka badiyaha iyo badawda asaga oo ka qayb gala dhaantooyinka iyo cayaaraha gabayada baadiyaha asaga uu u xiiso qabo aabihiis boqor cabdi casiis ayaan ka soo jeedin qabashii dagana deegankaas iyo kuwii xukunka iska lahaa ee qureesh midna toona.

hadaba dhismahaan labaad oo ka soo jeeda magaalada barakaysan ee makkah al mukarama asagana ila arag waa dhismaha labaad ceelamka soo mara abid dhismaha ugu dheer oo ku soo xiga midka duabai.


Makkah Royal Clock Tower

Dhismaha Abraj Al Bait ama Makkah Royal Clock Tower waa dhismaha labaad ee dunida ugu dheer wuxuu ku yaal magaalada Barakeysan ee Makkah Al-Mukaramah ee wadanka Sacuudiga, wuxuuna dusha sare ka eegayaa Xaramka ama Kabcada.

Dhismahan wuxuu ka kooban yahay 120 dabaq, isagoo dhirirkiisu la’egyahay 601 meter, ama 1971 cagood (feet), waxaana la dhameystiray sanadkan 2012.

Dhismaha Makka CLock Royal Tower Hotel wuxuu kaloo leeyahay oo xaga sare ka saaran saacada dunida ugu weyn, isagoo dhismahan sidoo kale uu leeyahay magaca ah saacada dunida ugu dheer, dhismahan wuxuu qayb ka yahay mashruuc loogu magac darey King Abdulaziz Endowment Project ama Mashruuca Sadaqada Boqor C/casiis,


isku soo wada duub waxaad moodaa calaamadaha qiyaamaha ee nabigu sheegay in ay soo dahireeen nabiguna run ayuu sheegaa runa waa loshegi jiray wuxuuna ku hadli jiray xaq iyo waxyi alle waana hubaal waxa uu shego in lawada ariki doono.

qoraalkaana waxa uu noqon doonaa silsilad qaybtiisii koobaad


waxaa sawirada xuquuqdeeda iska leh mawlid xaji

waxaa isku soo duba riday shaqaalaha altaqwa islamic network.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip