Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Buruuj*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

0
Thursday July 18, 2013 - 20:01:11 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2502
  • (Rating 4.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 8 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Buruuj*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

    Dadaala walayaal dadaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadaala walayaal dadaala wa casharka mantay oo talaado




Suuratul Baruuj

سورة البروج

Allaah wuxuu ku dhaartay samada degmooyinka leh (Meel ay ku dhacaan xidigaha)

وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْبُرُوجِ﴿١

Iyo maalinta laysku yaboohay.(Qiyaamada).

وَالْيَوْمِ الْمَوْعُودِ﴿٢

Iyo mid marqaati ah iyo mid la xaadirayo (Maalinta jumcaha iyo Maalinta Carafo)

وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ﴿٣

Nacladi haku dhahdo kuwii Godka lahaa.<Mu’miniinta lagu cadaabay>

قُتِلَ أَصْحَابُ الْأُخْدُودِ﴿٤

Ee ahaa Dab holac u saaxiib ah. (olal leh)

النَّارِ ذَاتِ الْوَقُودِ﴿٥

waqti ay <gaaladiina> korfadiyeen Godka.

إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ﴿٦

Ayagoo daawanaya waxa lagu samaynaya Mu’miniinta.

وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِالْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ﴿٧

Waxay ku neceen dadkaasna ma jiro oon ka ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.

وَمَا نَقَمُوا مِنْهُمْ إِلَّا أَن يُؤْمِنُوا بِاللَّـهِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ﴿٨

Eebe waxaa u sugnaaday samooyinka iyo dhulka Xukunkooda Allahna wax walba waa u jeedaa.

الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِۚوَاللَّـهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ﴿٩

Kuwa Mu’miniinra Raga iyo Haweenba caddibay haddana aan tawbadkeenin waxay leeyihiin Cadaabka Jahannamo iyo Cadaab gubaya

إِنَّ الَّذِينَ فَتَنُوا الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ الْحَرِيقِ﴿١٠

Kuwa xaqa rumeeyey Camal fiicana falay waxay leeyihiin Jannooyin ay dureerayaan dhexdeeda Wabiyaal,taasina waa liibaan wayn.

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُۚذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْكَبِيرُ﴿١١

Qabashada Rabigaa way daran tahay (cadaabkiisa).

إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ﴿١٢

Rabina asagaa bilaabay <Khalqiga> wuuna soo celin.

إِنَّهُ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ﴿١٣

Waana danbi dhaaf badane jecel <kuwa addeeca>

وَهُوَ الْغَفُورُ الْوَدُودُ﴿١٤

Wuxuu leeyahay <Alle>Carshiga sharafta leh.

ذُو الْعَرْشِ الْمَجِيدُ﴿١٥

Wuxuuna sameeyaa wuxuu doono.

فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ﴿١٦

Ma ku soo gaaray warkii Januuddii (ciidamadii Gaalada)

هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْجُنُودِ﴿١٧

Fircoon iyo Thamuud.

فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ﴿١٨

Hase yeeshe kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beeninta <Xaqa>

بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي تَكْذِيبٍ﴿١٩

Allaahna kadaashooda ayuu Koobay.

وَاللَّـهُ مِن وَرَائِهِم مُّحِيطٌ﴿٢٠

Waase quraan Sharaf leh.

بَلْ هُوَ قُرْآنٌ مَّجِيدٌ﴿٢١

Wuxuuna ku sugan yahay Loox la la ilaaliyay (Looxul Maxfuud).

فِي لَوْحٍ مَّحْفُوظٍ﴿٢٢




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip