
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Aclaa*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
|
Suuratul Aclaa |
سورة الأعلى |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Nasah oo waynee Magaca Rabigaaga sareeya. |
سَبِّحِ اسْمَ رَبِّكَ الْأَعْلَى﴿١﴾ |
|
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna. |
الَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ﴿٢﴾ |
|
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusayay. |
وَالَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ﴿٣﴾ |
|
Eebaha soo bixiyay Daaqa. |
وَالَّذِي أَخْرَجَ الْمَرْعَىٰ﴿٤﴾ |
|
Kana yeelay markaas ka tib cows engagan oo Madoow. |
فَجَعَلَهُ غُثَاءً أَحْوَىٰ﴿٥﴾ |
|
Waan ku aqrisiinena Quraanka mana halmaamesid. |
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰ﴿٦﴾ |
|
Wuxuu Allaah doono mooyee, Allaahna waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba. |
إِلَّا مَا شَاءَ اللَّـهُۚإِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ﴿٧﴾ |
|
Waan kuu fududeynenaa tii fududeed (waxaa laga wadada Janada lagu gaari lahaa) |
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ﴿٨﴾ |
|
Ee wax waani (Nabiyow) hadii ay waanadu anfaceeso. |
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ الذِّكْرَىٰ﴿٩﴾ |
|
Waxaa waantoobi Qofkii Allaah ha Cabsanaayo |
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ﴿١٠﴾ |
|
Waxaa waanada ka fogaanaya Ruuxii Ayaan daran (xun). |
وَيَتَجَنَّبُهَا الْأَشْقَى﴿١١﴾ |
|
Kaas oo ah midka galayo Naar wayn. |
الَّذِي يَصْلَى النَّارَ الْكُبْرَىٰ﴿١٢﴾ |
|
Katib kuma dhimanayo dhexdeeda kumana noolanayo. |
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ﴿١٣﴾ |
|
Waxaana liibaanay ruuxii is dahira. |
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ﴿١٤﴾ |
|
Magaca Rabigiisna xusa, Salaadana tukada. |
وَذَكَرَ اسْمَ رَبِّهِ فَصَلَّىٰ﴿١٥﴾ |
|
Saas ma’aha ee waxaa doorateen nolasha Adduunyo ee dhaw. |
بَلْ تُؤْثِرُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا﴿١٦﴾ |
|
Aakhiraase ka kheer badan baaqina ah. |
وَالْآخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ﴿١٧﴾ |
|
Arrintaana waxay ku sugantahay kutubtii hore. |
إِنَّ هَـٰذَا لَفِي الصُّحُفِ الْأُولَىٰ﴿١٨﴾ |
|
Kutubtii Nabi Ibraahim iyo Nabi Muuse. |
صُحُفِ إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَىٰ﴿١٩﴾ |

0 

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Aclaa*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Aclaa*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah ALahu akbar XIsbigii Kobaad QUraankaad mantay tafsrkiisii qiradiisii baratay ya allah farxad badan alamxdulaah halkaas ku so garsiyay