
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Layl*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
|
|
|
|
Suuratul Layl |
سورة الليل |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Allaah wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax Qariyo. |
وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ ﴿١﴾ |
|
Iyo Maalintii baan ku dhaartay marka ay feedanto |
وَالنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ ﴿٢﴾ |
|
Iyo Rabigii baan ku dhaartay abuuray Lab iyo Dhedig. |
وَمَا خَلَقَ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ ﴿٣﴾ |
|
Camalkiinu waad ku kala duwan tihiin |
إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ ﴿٤﴾ |
|
Ruuxii bixiyay oona Cabsada |
فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَاتَّقَىٰ ﴿٥﴾ |
|
Rumeeyana Tii wanaagsaneed < Janada> |
وَصَدَّقَ بِالْحُسْنَىٰ ﴿٦﴾ |
|
Waxaan u fududeynenaa Tii fududeed<camalka Janada lagu galo> |
فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْيُسْرَىٰ ﴿٧﴾ |
|
Ruuxiise bakheyla oona kaaftooma |
وَأَمَّا مَن بَخِلَ وَاسْتَغْنَىٰ ﴿٨﴾ |
|
Beeniyana Tii wanaagsaneed |
وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَىٰ ﴿٩﴾ |
|
Waxaan u fududeynenaa Tii cusleed <Camalka Naarta lagu galo> |
فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَىٰ ﴿١٠﴾ |
|
Waxba ka Deeqi maayo Maalkiisa markuu Naarta ku hoobanaayo
|
وَمَا يُغْنِي عَنْهُ مَالُهُ إِذَا تَرَدَّىٰ ﴿١١﴾ |
|
Korkeena waxaa ahaaday Cadeen. |
إِنَّ عَلَيْنَا لَلْـهُدَىٰ ﴿١٢﴾ |
|
Waxaan leenahay Tan hore iyo Tan dambe (Aakhiro iyo Aduunba) |
وَإِنَّ لَنَا لَلْآخِرَةَ وَالْأُولَىٰ ﴿١٣﴾ |
|
Waxaan idinka Digeenaa Naar holceeso. |
فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّىٰ ﴿١٤﴾ |
|
Mana galo Naartaas Ruuxii xun mooyee. |
لَا يَصْلَاهَا إِلَّا الْأَشْقَى ﴿١٥﴾ |
|
Kaaso Xaqa beeniyay oo jeedsaday |
الَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ﴿١٦﴾ |
|
Waxaana laga durjinayaa Naartaas kan Cabsada |
وَسَيُجَنَّبُهَا الْأَتْقَى ﴿١٧﴾ |
|
Kaasoo maalkiisa bixiyay asaga oo is dahirayo |
الَّذِي يُؤْتِي مَالَهُ يَتَزَكَّىٰ ﴿١٨﴾ |
|
Ruuxna ma jiro agtiisa nimco oo u abaal gudayo |
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰ ﴿١٩﴾ |
|
Dalab mooyee uu dalbanaayo wajiga Rabigiisa ee sareeya |
إِلَّا ابْتِغَاءَ وَجْهِ رَبِّهِ الْأَعْلَىٰ ﴿٢٠﴾ |
|
Gadaal ayaa laga raali galin doonaa. |
وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ ﴿٢١﴾ |

0 
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Layl*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Layl*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah