
sual jawab salada oo somali ah
Qiblada
S1: Waa maxay xukunku ku saabsan jeedinta qiblada salaadda?
J: Waa waajib in loo jeesto Kacbada salaadda faralka iyo sunnada, waana
rukun.
S2: Ma laga dhaafayaa bukaanka iyo kan aan awoodin qiblada?
J: Haa, waa laga dhaafayaa bukaanka iyo kan aan awoodin, iyo sidoo kale salaadda lagu jiro diyaaradda ama markabka haddii laga baqo in waqtigu baxo.
S3: Maxuu sameeyaa qofka rakaabka ah marka uu tukado sunnada?
J: Wuxuu u jeedaa qiblada marka uu takbiirta hore dhaho, ka dibna wuxuu
u jeedsadaa dhanka uu socdaalku yahay.
S4: Qofka arka Kacbada, sidee ayuu u jeedsanayaa?
J: Qofka arka Kacbada wuxuu u jeedsadaa iyada lafteeda, qofka aan arkina
wuxuu u jeedsadaa dhankeed.
S5: Haddii qof salaadda jeesto qiblada isagoo dadaalay balse
qaldamay, ma celinayaa salaadda?
J: Maya, salaaddiisu waa sax, lagumana celinayo.
Qiyaamka (istaagga)
S6: Waa maxay xukunku ku saabsan istaagga salaadda?
J: Istaagga waa rukun salaadda faralka, haddii uu qofku awoodi karo.
S7: Sidee buu u tukanayaa bukaanku?
J: Wuxuu ku tukanayaa isagoo fadhiya, haddii uu awoodi waayana wuxuu ku
tukanayaa isagoo dhinac jiifa.
S8: Sunnada ma lagu tukan karaa fadhi ama fuulid gaadiid
korkiis?
J: Haa, sunnada waa la tukan karaa fadhi ama gaadiid adigoo saaran.
S9: Ma bannaan tahay in wax la dhigo oo lagu sujuudo dushooda?
J: Maya, ee waa in madaxa hoos loo dhigo, si ka badan marka la
sujuudayo.
S10: Salaadda faralka ma lagu tukan karaa markab ama diyaarad?
J: Haa, waa lagu tukan karaa isagoo taagan, haddii uu ka baqo dhicid,
wuu fariisanayaa.
S11: Salaadda habeenka xukunkeedu muxuu yahay marka la eego
istaagga iyo fadhiga?
J: Waxaa la tukan karaa istaag iyo fadhi, waxaana bannaan in labadaba la
isku daro.
Sutrada
S12: Ma waajib baa in sutra la sameysto salaadda?
J: Haa, waa waajib in sutra la sameysto meel kasta.
S13: Intee ayuu qofku ka dhowaanayaa sutrada?
J: Inta uu ari maro.
S14: Intee ayay dhererka sutradu noqonaysaa?
J: Qiyaastii shibir (dhererka gacanta), sida ul ama gidaar. Ama 2 far
iyo suul.
S15: Ma bannaan tahay in qabriga loo jeesto salaadda?
J: Maya, ma bannaana.
S16: Ma bannaan tahay in qof uu maro hortiisa qofka ku jira
salaadda?
J: Maya, xitaa Masjidka Xaramka.
S17: Maxaa waajib ku ah qofka salaadda ku jira haddii qof
doonayo inuu hortiisa maro?
J: Waa inuu ka hor istaago, xitaa haddii aad iska riixi kartid.
S18: Goorma ayay salaadda ku buraysaa marista hortooda?
J: Haddii uusan sutra sameysan, oo ay hortiisa ka gudbaan haweenay, ama
dameer, ama eey madow.
Niyadda
S19: Ma shardi baa in salaadda lagu xuso niyadda?
J: Haa, waa in lagu magacaabaa qalbiga, faral ama sunnaba.
S20: Waa maxay xukunku ku saabsan in afka uga dhawaaqo xirashada
salada?
J: Afka lagu dhawaaqo waa bidco.
Takbiirada Furitaanka
S21: Waa maxay Takbiiratul- IXaraam?
J: Waa in la dhaho: Allahu Akbar, waana rukun.
S22: Goorma ayuu ku takbiirayaa qofka jamaacada la tukanaya?
J: Marka imaamka ka dhammeeyo takbiirka.
S23: Waa maxay xukunku ku saabsan in gacmaha la taago marka la
takbiirayo?
J: Waa in gacmaha la taago xiliga
takbiirta ama kahor, inta lagu jiro ama kadib takbiirka.
S24: Xaggee ayuu gacmaha dhigaa takbiirka ka dib?
J: Wuxuu saaraa gacanta midig tan bidix korkeed, wuxuuna dhigayaa
laabta. Ama wuu ku qaban. Gacanta
Khashuuca
S25: Waa maxay xukunku ku saabsan khushuuca salaadda?
J: Waa waajib in lagu khushuuco
salada oo laga fogado waxa ku mashquulinaya.
S26: Xaggee ayuu eegayaa qofka ku jira salaadda?
J: Wuxuu eegayaa meesha uu ku sujuudayo.
S27: Ma bannaan tahay in qofku jeesto ama uu indhaha cirka u
qaado?
J: Maya, ma bannaan.
Ducooyinka Furitaanka
S28: Maxuu qofku ku furayaa salaadda takbiirka kadib?
J: Mid ka mid ah ducooyinka la wariyey, sida: Subhaanaka Allaahumma
wa bihamdik…
Akhriinta
S29: Waa maxay xukunku ku saabsan in lagu magangalo (A’cuudu billaah)?
J: Waa waajib.
S30: Sidee loo akhriyaa Bismillaah salaadaha cod dheer
iyo kuwa qarsoon?
J: Qarsoodi ayaa lagu akhriyaa labadaba.
Akhriinta Faatixada
S31: Waa maxay xukunku ku saabsan Faatixada salaadda?
J: Waa rukun, salaadduna ma saxdo la’aanteed.
S32: Maxay sameeynayaan kuwaan aqoon ama xafidisaneeyn Faatixada?
J: Waxay dhahaan: Subxaanallaah, walxamdu lillaah, wa laa ilaaha
illallaah, w’Allaahu akbar, wa laa xawla wa laa quwwata illaa billaah.
S33: Sidee loo akhriyaa Faatixada si sunnada ah?
J: Aayad aayad, sida uu Nabigu ﷺ sameyn jiray.
S34: Ma bannaan tahay in lagu akhriyo "Maaliki” iyo "Maliki”
Faatixada dhexdeeda?
J: Haa, waa bannaan.
Akhriinta Ma’muumka
S35: Goorma ayuu ma’muumka akhriyaa Faatixada?
J: Salaadda qarsoon.
S36: Salaadda codka kor loo qado?
J: Wuxuu akhriyaa haddii uusan maqlin imaamka, ama marka uu imaamku
aamuso.
Akhriinta ka dib Faatixada
S37: Maxaa sunnada ah kadib Faatixada labadii rakco ee hore?
J: In la akhriyo suurad ama aayado.
S38: Sidee ayey u kala duwan tahay akhriska salaadaha?
J: Fajr waa ugu dheer, ka dib Duhur, ka dib Casar iyo Cisho, ka dib
Magrib oo inta badan gaaban.
S39: Middee ka dheer salaadaha: Salaadda habeenka iyo kuwa kale?
J: Salaadda habeenka ayaa ugu dheer.
S40: Middee dheer labada rakco: tan hore iyo tan labaad?
J: Tan hore ayaa dheer.
si Guud Akhriska
S41: Ma waajib baa in Faatixada lagu akhriyo rakcada kasta?
J: Haa, waa waajib.
S42: Ma sunnada baa in mararka qaarkood suurad lagu daro labada
rakco ee dambena?
J: Haa.
S43: Imaamku ma dheereyn karaa akhriska salaada jamaacada uu tujinayo ?
J: Maya.
S44: Salaadaha kee ayuu imaamku cod dheer ku akhriyaa?
J: Fajr, Magrib iyo Cisho; wuxuuna qarsoodi ku akhriyaa Duhur iyo Casar.
Tartilka Qur’aanka
S45: Waa maxay sunnada ku saabsan akhriska Qur’aanka?
J: In si tartiib ah loo akhriyo, oo aan la degdegin.
S46: Sidee ayuu u qurxinayaa codkiisa marka Qur’aan la akhriyo?
J: Wuxuu qurxinayaa codkiisa laakin aan la yeelin laxan cusub oo bidco
ah.
Rukuu
S47: Maxuu sameynayaa qofka salaadda ku jira akhriska kadib?
J: Wuxuu dhahayaa, Allaahu akbar wuuna rukuucayaa, rukuucduna waa
rukun.
S48: Sidee loo sameeyaa rukucda?
J: Wuxuu gacmihiisa saarayaa jilbaha, wuxuuna dhabarkiisa ka dhigaa mid
siman.
S49: Maxuu ku dhex akhrinayaa rukuucda dhexdeeda?
J: Subxaan Rabbiyal-cadiim saddex jeer.
Sujoodka
S50: Waa maxay xukunku ku saabsan sujuudka salaadda?
J: Sujuudku waa rukun ka mid ah salaadda.
S51: xubnehee ayuu ka sujuudaa qofka?
J: Todobo xubnood: foodda iyo sanka, labada calaacal, labada jilbo,
labada cirib.
S52: Maxuu ku leeyahay sujuudka dhexdeeda ?
J: Subxaan Rabbiyal-aclaa saddex jeer.
S53: Ma sunnada baa in sujuudka la dheereeyo?
J: Haa, waana sunne , waxaana ku habboon in lagu ducayasto.
S54: Waa maxay xukunku ku saabsan in caloosha laga qaado bowdada
sujuudka?
J: Waa waajib, lagumana tiirsanaado bowdada.
S55: Sidee ayeey u fadhiisanaysaa haweeneyda marka ay
sujuudayso?
J: Waxay caloosheeda ku dabooshaa bowdadeeda, in ka badan sida ninka.
Fadhiga u dhexeeya labo sujuud
S56: Maxuu sameeyaa qofka kadib sujuudda koowaad?
J: Wuxuu fadhiisan inta u dhexeysa labada sujuud.
S57: Maxuu akhrinayaa fadhigaas?
J: Rabbighfir lii ama duco kale oo la mid ah.
S58: Sidee loo fariistaa inta u dhexeysa labada sujuud?
J: Lugta bidix ayuu hoos dhigaa, wuxuuna ku fariistaa, lugta midigna wuu
taagaa.
Tashahhudka Hore
S59: Waa maxay xukunku ku saabsan Tashahhudka hore?
J: Waa waajib ka mid ah waajibaadka salaadda.
S60: Sidee buu u fariisanayaa Tashahhudka hore?
J: Wuxuu ku fariisanayaa fadhiga iftirashka.
S61: Maxuu ku akhriyaa Tashahhudka hore?
J: At-tahiyaatu lillaah was-salawaat wat-tayyibaat… ilaa labo
shahaado.
Tashahhudka Dambe iyo Fadhigiisa
S62: Waa maxay xukunku ku saabsan Tashahhudka dambe?
J: Waa rukun ka mid ah salaadda.
S63: Sidee buu u fariisanayaa Tashahhudka dambe?
J: Wuxuu ku fariistaa fadhiga tawarruk (lugta bidix ayuu hoos marsiiyaa
tan midig, wuxuuna ku fariistaa barida).
S64: Maxuu ku akhriyaa Tashahhudka dambe?
J: Tashahhudka, salaadda Nabiga ﷺiyo ducada.
S65: Salaadda Nabiga ﷺee Tashahhudka dambe, xukunku muxuu yahay?
J: Waa waajib sida ay qabaan culimada badankood, rukun ayeyna ku tahay
qaar ka mid ah culimada.
Salaanta (Tasliim)
S66: Sidee buu u salaamayaa qofka salaadda ku jira?
J: Wuxuu dhahaa: As-salaamu calaykum wa raxmatullaah dhanka
midig, kadibna dhanka bidix.
S67: Ma rukun baa salaanta koowaad?
J: Haa, salaanta koowaad waa rukun, tan labaadna waa sunnah culimada
badankood.
Sujoodka Saxwada (Sujoodka Khaladka)
S68: Goorma ayaa la sameeyaa Sujoodka saxwada?
J: Marka wax lagu kordhiyo, wax laga dhimay ama la shaki galay salaadda.
S69: Goorma ayuu ka horreeyaa salaanta?
J: Haddii wax laga dhimay salaadda.
S70: Goorma ayuu ka dambeeyaa salaanta?
J: Haddii wax lagu kordhiyey salaadda, ama shakiga lagu jiro uusan xoog
yeelan.
sual jawab salada oo somali ah
1--70