
Sharciga Guud ee Madrasada Al-Taqwaa
**Bismillaahi Raxmaani Raxiim**
Qaybta 1: Waqtiga iyo Hab-raaca Furitaanka
· - Madrasada Al-Taqwaa waxay furan tahay: 16:00 ilaa 18:00 (saacadda maxalliga ah).
· - Dhamaan ardayda iyo macallimiintu waxay si nidaamsan u galaan qolalka.
· - Waxaa la adeegsadaa Telegram iyo WhatsApp sida hab maamul iyo xiriir ah.
· - Ardayda ku sugan Afrika waxaa lagala xiriiraa kaliya Telegram.
Qaybta 2: Xeerarka Maamulka iyo Anshaxa
· - Ardayga waa inuu xaadiro maalinkasta. Haddii uu maqnaado 3 maalmood oo isku xigta cudurdaar la’aan, wuxuu lumin karaa booskiisa.
· - Cudurdaar kasta waa in laga sii sheego ugu yaraan 3 qof, laguna qoraa si gaar ah – group-ka lama ogola in cudurdaar lagu soo qoro.
· - Kalimad khaldan, comment aan munaasib ahayn, ama hadal xun laguma qori karo sabuuradaha iyo guruubyada.
· - Guruub cusub laguma furi karo fasaxa la’aan ee macallimiinta, waana mamnuuc in guruubyo lagu dhigo xaflado ama wax kale oo aan oggolaansho loo hayn.
· - Arday lama tuuri karo guruub, lagumana dari karo walal kale ilaa fasax rasmi ah laga helo macallinka.
Qaybta 3: Xushmada iyo Wada Noolaanshaha
· - Qof walba waxa uu metalaa wanaag, haddii uu khalad galo, naftiisa ayuu masuul ka yahay.
· - Qof aan maamulka ka tirsanayn ma laha xaq uu arday ku canaanto ama wax kaga sheego mic ama qoraal public ah.
· - Qofkii laba arday is haysta kala dhex gala si uu u kala horkaco, dambi ayuu galay.
· - Qofkii qalad galo waa in uu si degan ula xiriiraa macalinka oo u sharxaa sababta.
· - Codadka macallimiinta iyo ardayda waa in si weyn loo ilaaliyaa, loogana fogaadaa in rag dhegeystaan codka haweenka.
· - Codadka guruubyada lama duubi karo oggolaansho la’aan, social media-na lama geyn karo.
Qaybta 4: Wacyigelin, Xadiis iyo Imtixaan
· - Waano, wacyigelin iyo duruus toos ah ayaa la bixiyaa bishiiba mar.
· - Juz kasta waxaa laga qaadaa imtixaan, sidoo kale arbacada waa maalin loo qoondeeyay kitaabka xadiiska.
· - Ardayda ay casharka ku adkaato waxaa loo sameeyaa dib-u-celin, waxaana loo dhiibaa macallin khaas ah.
· - Ardayda cusub waxaa loo bilaabaa Qaa'idada Nuuraaniya.
Qaybta 5: Habraaca Xadgudubka
· - 1 maalin cashar la’aan iyo cudurdaar rasmi ah oo uu bixiyo.
· - 3 maalmood cashar la’aan iyo warbixin qoraal ah oo ku saabsan sababta xadgudubka.
· - 1 isbuuc cashar la’aan iyo raalli-gelin buuxda.
· - Qofka qaladkiisu bato ama si ula kac ah u jebiya sharciga, wuxuu luminayaa booskiisa (Qolka "Jiirka" ayaa loo wareejin karaa).
· - Qofkii si cad uga hor yimaada nidaamka madrasada, waa laga saari karaa gebi ahaanba.
Sharciga Guud ee Madrasada Al-Taqwaa
shan xeer