Axkaamta Dalaaqa Suuratu Baqarah

0
Saturday January 13, 2024 - 20:38:25 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Dalaaqa Suuratu Baqarah

    Axkaamta Furiinka . Todobaatan iyo lix su'aalood. Iyo jawaabahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axkaamta Furiinka . Todobaatan iyo lix su'aalood. Iyo jawaabahooda.


Somali islamic Altaqwaa Network

Somalislamic.net

Axkaamta Furiinka .

Todobaatan iyo lix su’aalood. Iyo jawaabahooda.

Furitaanka iyo Sharciyadiisa.

  1. Furitaanku Waa Jidayn, ku dhex sugan. kitaabka iyo sunnada iyo ijmaaca Umadda, iyo Caqliga Intaba. ijmaacaas waxaa soo guuriyay, Ibnu Qudaamah.

  1. Su’aal: Furitaanka Meeqa Xaaladood ayuu maraa.

Jawaab. (B). Furitaanku mar waxa uu noqdaa, mid Xaaraam ah, sida inla furo haweenay caado qabta ama ayadoo daahir ah, ninkeeduna u galmooday. (T) Marna Waa Makruuh ah, sida inuu ku furo xaaskiisa wax bilaa micno ah. (J) Marna waa mid banaan, sida marka asagoo u baahan ay ka santaagto. (X) Marna wuxuu ahaanayaa mid mustaxabo ah, markii ay ka gaabiso haweenaydu xaqa ilaahay ee waajibka ku ah, ama uu ninku, arko inuu guurku dhib ku yahay,ama ay karaahsato ninkeeda, ama ay noqoto mid faasiqad ah.

  1. Su’aal: Muxuu yahay ٍShardiga laga rabo furitaanka sharciga ah.

Jawaab: B) ninka waa inuu furaa ayada oo daahir ah, una ugalmoon. T) Inuu furo iyadoo leh uur waliba uu muuqdo uurkeedu. khilaaf kuma jiro culumada dhexdooda, ruuxii fura xaaskiisa ayadoo daahir ah uusana ugalmoon kadibna uu ka tago intii ay ka dhamaystirato cadadeeda inuu asiibay sunnada.

  1. Su’aal: Ma dhacayaa midka Daroogaysan furitaankiisu?

Jawaab: Arrintaas waxaa kusugan kala saarid. haduu iskiis u doortay cabitaanka asaga oo og, in lagu sarqaamayo,furitaankiisu wuu dhacaya.waana sida ay doorteen, jamhuurta culumadu.

  1. Su’aal: Ma dhacayaa midka la khasbay furitaankiisu?.

jawaab: Waxay ku tageen jamhuurtu inuusan dhacaynin kan la khasbay furitaankiisu.

  1. Su’aal: Ma dhacaya Midka Xanaaqsan furitaankiisu?

Jawaab: Hadii Xanaaqiisu Gaaro meesha u danbaysa, garashada iyo rabitaankuna ka tagaan, oo uu kala garan waayo, waxa uu diidayo iyo waxa uu doonayo, kaas furitaankiisu ma dhacayo. lakiin wixii kasoo hara Arinkaas furitaankoodu wuu dhacaya.

  1. Su’aal: Doqonka furitankiisu ma dhacayaa?

Jawaab: Wuu dhacayaa sida ay ku tageen culumo badan.

  1. Su’aal: Furitaanka ma banaan yahay Asalkiisu mise waa Mamnuuc? Jawaab: khilaaf ayaa ka jira arrintaas. jamhuurtu waxay ku tageen inuu asalkiisu yahay mid banaan,waxaana fiican inaana lagu dhicin furitaanka Qaar kalana waxay ku tageen inuu yahay mid mamnuuc ah.

  1. Su’aal: Waa maxay furitaanka shuruudiisu?

Jawaab: Shuruuda la xiriirta midka wax furaya.

Waa inuu yahay mid qaba xaaska uu furaya.

T) Inuu yahay Qaangaar.

J) Inuu leeyahay Caqli.

X) Inuu u Qasdiyo furitaanka.

Kh) In asagu doortay furitaanka.

10. Su’aal: Hadii uu ku qoro furitaanka Warqad ma dhacayaa furitaankaas

Jawaab: Goortii uu furitaanka ku qoro warqad, Uuna ku dhawaaqo ayadoo ay lasocoto niyad, laiskuma khilaafsana in uu dhacayo.

Laakiin hadii uu qoro, uuna niyaysto Lakiin uusan ku dhawaaqin, furitaankaas in uu dhacayo khilaaf ayaa ka jira. Mad-habka Shaaficiga iyo Maalik iyo Abi Xaniifa iyo Axmed, waxay qabaan inuu dhacayo.

  1. Su’aal: Ma dhacayaa Furitaanka Cunuga Aan wax kala saari Karin.

Jawaab: Jamhuurtu waxay ku tageen, inuusan dhacayn, ama wax hakala saaro karo ama yuusan Wax kala saarine.

  1. Su’aal Waa maxay Dalaaqa Suniga ah.

Jawaab: B) Dalaaqa sunnada ah waxa weeye inuu ku furo hal dalqad. T) Wixii ka badan hal dalqad waa sunnada oo la khilaafay. J) Haduu hal dalqad uu ku furo daahir kasta oo Ay tahay, asagoona soo celin ,waa sunada oo la khilaafay Waana sida ay qabaan Maalik iyo Shaafici iyo Axmed iyo Awsaaci iyo Abii cubayd iyo ibn Mascuud.

  1. Su’aal: Hadii uu furo Xaaskiisa, ayada oo daahir ah laakiin uu ugalmooday, ama Caado leh, amase leh uur aanan muuqan, furitaankaas ma dhacayaa?.

Jawaab: Culumada intooda badan waxay yiraahdeen furitaankaas waa uu dhacayaa, ninkuna danbi buu ku dhacay.

  1. Su’aal: Ma banaantahay in la furo mida aan loo galmoonin,iyadoo caado leh?

Jawaab: ibnu Qayim wuxuu yiri haduusan u galmoonin waxa banaan furitaankeeda,ha ahaato mid caado qabta ama mid daahir ah.

14. Su’aal: Ma dhacayaa midka khaldamay

Jawaab: Ruuxii aan uqasdin inuu ku dhawaaqo furitaanka sinaba, lakin eray furiin ah uga soo baxay madhacayo furitaankaas.Waana sida ay qabaan Jamhuurtu.

15. Su’aal: Hadii uu furo xaaskiisa ayadoo caado leh, waajib maku tahay inuu soo celiyo xaaskiisa.?

Jawaab: Qayb kamid ah culumadu waxa ay ku tageen inay waajib ku tahay inuu soo celiyo

فتح العلّامة في دراسة أحاديث بلوغ المرام(4|601)-609)

16. Su’aal: Muxuu yahay furitaanka erayadiisa.

Jawaab: Furitaanka waxaa laga rabaa in uu yahay mid cadaan ah kaas oo la fahamyo erayadiisa macna kalana aan laga fahmayn . sida adiga waad iga furantahay, ama waxaan kugu furay intaas oo dalqadood.

Maraajicdaan ka eeg.

صحيح فقه السنة وأدلته وتوضيح مذاهب الأمة دار التوفيقية للتراث(3|226-234)

الملخص الفقهي دار ابن الجوزي(2|329_332)

17. Su’aal: Haddii uu xaaskiisa uu ku soo furo Naftiisa Afkana uusan uga dhawaaqin furitaankaas ma dhacayaa?

Jawaab: Furitaankaas dhicimaayo sida ay ku tageen culumada intooda badan. ee xadiiska abu hurayra allaha ka raali noqdo,rasuulku CSW wuxuu yiri ilaahay wuu udhaafay waxay ku sheekaysato nafsayaashooda intaysan ku dhaqmin,ama aysan ku hadlin

صحيح فقه السنة وأدلته وتوضيح مذاهب الأمة دار التوفيقية للتراث(3|229)

18. Su’aal: Waa maxay Cilada loo diiday in la furo gabadha Caadada leh?

Jawaab: Shaafici iyo Asxaabtiisa, Maalik iyo Axmed Asxaabtiisa intooda badan waxay Qabaan waxaa la diidan yahay In la dheereeyo ciddada. imaamu Maaliki wuxuu yiri waanalaku adoonsanayaa.

19. Su’aal: Mala furi karaa haweenay aan caado helin wali sabab yaraan. ama weeynaatay midkood.?

Jawaab: ibnu Taymiya wuxuu yiri haweenaydu hadaysan caado lahayn markay yartahay iyo markay wentahayba ,wuxuu furayaa goortuu doono.

20. Su’aal: Ma banana tahay furitaanka in wakiil ruux looga dhigo?

Jawaab: culumada Qaarkood waa ay baneeyeen ninku dalaaqdihiisa in uu u dhiiban karo nin kale.

21. Su’aal: Sarbeebta Mala dajinkaraa booska Niyada siiba furitaanka kinaayada ah, tusaale ninka haduu xaaskiisa ku yiraahdo asagoo xanaaqsan orod ehelkaaga aad uusan niyaysanin furitaan, ma dhacayaa furitaankaas.?

Jawaab: Qaraa’inta (sarbeeb)waxay dagaysa booska furitaanka kinaayada ah, wuuna dhacayaa furitaankaas xaaladaas walow yuusan niyaysan haduu rabo. Waxa sidaas qaba Xanafiyada iyo xanaabilada.

Maalikiyada iyo shaaficiyada waxay qabaan in uusan dhacayn furinka qaraainta ilaa uu niyaysto.

22. Su’aal: Furitaanku ma ubaahanyahay markhaati?

Jawaab: markhaati waa u bahan yahay wa sida ay jeclaysteen culumada intooda badan, salafka iyo kuwa danbaba waxaa kamid ah afarta imam.

23. Su’aal: Hadii uu furitaanka wakiil uga dhigo xaaskiisa ma banaantahay inay is furto?

Jawaab: hadii ay gabdhu ay furto nafsadeeda wuu dhacayaa furitaanku, Ninka waxaa u banaan inuu kala laabto wakiilashadii intaysan is furin ka hor.

24. Su’aal: Haduu kala laabto wakiilnimadii intaysan is furin ma buraysaa wakiilnimadii?

Jawaab: haa way buraysaa wakiilnimadii sida ay ku tageen imaamu Shaafici iyo Axmed.

25. Su’aal: Hadusan dhicin furitankii lagu dhartay, dushiisa ma tahay kafaaro gud.

Jawaab: Waa la isku khilaafay arrintaas.

daahiriyada waxay ku tageen in dushiisa aysan waxba ahayn oon kafaaro gud laga rabin, Qaar kalena waxay ku tageen in kafaaro gud laga rabo, illaa inuu doorto mooyee dhicida furitaanka.

26. Su’aal: Muxuu yahay furitaanka sunada ah.

Jawaab: furitaanka sunada ah Waa inuu ku furo xaaskiisa hal dalqo,ayadoo daahir, uusana ugalmoon, kadibna uu ka tago ilaa ay ka dhamaytirato ciddadeeda, Xukunkiisana wuxuu yahay siday culumada isku ijmaaceen inuu dhacayo furitaankaas.

27. Su’aal: Muxuu yahay Dalaaqa bidciga ah iyo xukunkiisa.

Jawaab: Dalaaqa bidciga ah, Waa kan uu ridiyo ninka qaab xaaraan ah, oo uu naga reebay shaaricu, inuu ku furo sadex dalqadood oo hal mar ah, ama ayagoo kala gadisan ,daahiritaan hal ah oo ku furay, ama uu furay iyadoo caado leh, ama uu furo ayadoo daahir ah uu ugalmooday , ama leh uur Aan muuqan, dalaaqaan waa bidci, waana la iska reebay ruuxii sameeyana waa danbaabayaa.

28. Su’aal: Ma dhacayaa Dalaaqa Bidciga ah.?

Jawaab: Dalaaqa Bidciga ah, xukunkiisu wuu dhacaaya furitaankaas.

29. Su’aal: Haddii uu xaaskiisa ku furo labo dalqadood asagoo gaal ah, kadibna uu islaamo, maloo xisaabinayaa labadaas dalqadood, haldalqo miyaa miyaa usoo haraysa? mise looma xisaabinayao oo saddexdii dalqadood oo cusub ayaa u bilaabinaysa.?

Jawaab: labo mad-hab ayaa lagu kala tagay .

jamhuurtu waxay ku tageen mushriga furitaankiisu waa dhacayaa waana loo xisaabinayaa wuxuu horay ufuray,daliilkooduna wuxuu yahay nabiga CSW waa uu sugay mushrigga guurkiisa,xaaskiisana waa loo sugay islaanimada gudaheeda,waxaana lamid ah furitaankiisa waayo furitaanku wuu sugnaanayaa markii la sugo guurka,waana dhacayaa

markuu dhaco guurku.

30. Su’aal: hadii haweenayda ay sheegato in ninkeedu uu furay ninkiina uu inkiro?

Jawaab: Haddii haweenayda ay u sugnaatay cadayn waa laga aqbalayaa,hadii kale ninka hadalkiisaa ayaa la aqbalayaa, maxaa yeelay wuu inkiray, dushiisana waxaa ahaaday dhaar, taasi waa dhinaca xukunka. wixii u dhaxeya iyada iyo allah, waxaa loo ictibaarinayaa furitaan, hadii dalqadaas ay tahay mida koowaad ama labaad,ninkeeday iskala joogaysaa, hadii ay tahay dalqada saddexaadna ,jamhuurtu waxa ay ku tageen haweenaydaas inaysan xalaal u ahay inay isu dhiibto, ninkeeda,waxaana dusheeda ahaaday inay ka cararto ninkeeda hadii ay awoodo ama is furato, waayo waxay ogtahay inay ajanabi ka tahay oo ay xaaraan ka tahay.

31. Su’aal: Hadii uu ninku furitaankiisa ku xiro shardi, sida inuu yiraahdo haddii aad gashid gurigaas waad iga furantahay?.

Jawaab: waa uu dhacayaa furitaankaas goortii shardigu uu xaqiiqo noqdo, waxaa kalo lamid hadii uu kuxiro waqti, sida inuu yiraahdo waad furantahay bishaas dhamaadkeeda, culumada qaarkood waxay sheegeen ijmaac inuu dhacayo furitaankaas, mana la oga khilaaf inuu ka jiro arrintaas culumadii hore dhexdooda.

32. Su’aal: haddii uu ninku furitaanka ku xiro shardi, ma ugalmoon karaa intuusan dhicin shardigaas, furitaankuse, ma dhacayaa, intaanan la helin shardigaas ka hor.

Jawaab: Furitaanku ma dhacayo intaanan la helin shardiga ka hor

33. Su’aal: ma ubanaantahay inuu ugalmoodo intuusan dhicin shardiga hortiis?

Jawaab: Waxay ku tageen jamaaco culumada kamid ah in uu ugalmoon karo, waayo wali maysan ka suulin inay tahay xaaskiisa, waa madhabka abuu xaniifa iyo Shaafici iyo Axmed.

34. Su’aal: Haddii uu ku yiraahdo xaaskiisa waad iga furantahay hadii aad gashid gurigaas, oo ay gasho ayadoo ilowsan shardi ku furkaas ma dhacayaa.?

Jawaab: Ibnu taymiyah wuxuu yiri ,hadii uu sidaas yiri iyaduna ay gashay ayadoo ilowsan shardi ku furkaas, ma dhacayo. waana sida culumada labodooda hadal midkiisa muuqda,waana siday qabaan reer makka waxaa kamid ah cumar binu diinaar iyo qayrkood,iyo ruwaayad uu leeyahay

صحيح فقه السنة وأدلته وتوضيح الأحكام مجلد 3)

فتح العلّامة في دراسة أحاديث بلوغ المرام(4)

35. Su’aal: Imisa dalqadood ayuu leeyahay ninka xorta ah iyo midka adoonka ah?

Jawaab: Ninka xorta ah waxaa usugnaatay saddex dalqadood waxaana usiman inay ahaato haweenayda xor ama adoon.

Adoonkana waxaa usugnatay labo dalqadood. waxaana usiman inay tahay haweenaydu xor ama adoon, waana sida ay qabaan, mad-habka Maaliki iyo Shaafici iyo Axmed.

35. Su’aal: Haddii uu ninku ku yiraahdo xaaskiisa waxaad iiga furantahay dalqad barkeed?

Jawaab: Ibnu mundir waxaa uu yiri waxay ku ijmaacneen cidkastoo aan ka xifdinay cilmiga inay ku furmayso dalqad, waxaana kamid ah Shucbi iyo Xaaris iyo Suhri iyo Qataada iyo Shaafici iyo Asxaabu ra,’iyi, Iyo Abuu Cubayd, Ibnu qudaamana wuxuu yiri dalqad dhamaystiran ayaa dhacaysa waana siday ku tageen culumada intooda badan.

36. Su’aal: Ruuxii ka shakiya furitaanka xaaskiisa muxu yahay xukunkiisa ?.

Jawaab: Cidii ka shakisa inuu furay xaaskiisa iyo inuusan furin furitaankaas dhici mayo waayo assalka wuxuu yahay furitaan inuusan dhicin qaaciddadana waxay leedahay yaqiinta laguma suulinayo shaki.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip