Qoyskaaga dacwada u kaasho W/Q Sheekh Axmed Cabdi Samad

0
Saturday December 22, 2012 - 11:53:33 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 3428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoyskaaga dacwada u kaasho W/Q Sheekh Axmed Cabdi Samad

    Rabbi ayaa muslimiinta faray inay dadka diinta ugu baaqaan iyagoo ay dar Alle ka tahay, cilmi iyo xikmadna adeegsanaya. Taa waxaa ka dhalanaya in muslimka diinta ku baaqaya uu u adeegsado diinta fidinteeda iyo difaaceeda wax kasta oo Ilaahay uu siiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabbi ayaa muslimiinta faray inay dadka diinta ugu baaqaan iyagoo ay dar Alle ka tahay, cilmi iyo xikmadna adeegsanaya. Taa waxaa ka dhalanaya in muslimka diinta ku baaqaya uu u adeegsado diinta fidinteeda iyo difaaceeda wax kasta oo Ilaahay uu siiyey, sida: cilmiga, caqliga, khibrada, xoogga, xoolaha iyo jaaha.
Waxaa kale laga doonayaa inuu wanaagga u kaalmaysto muslimiinta oo dhan gaar ahaan dadka dad u xiga ee qaraabada ah. Ahmiyadda arrintaas leedahayna waxaa muujinaya sida Rabbigeen rasuulkeena صلى الله عليه وسلم u amray inuu qaraabadiisa ugu dhow u digo; waayo qofku marka uu kaalmo ka haysto dadka dad u xiga waxqabadka ka sokow wuxuu helayaa kalsooni.

Dad badan baa khayrka ka shaqeeya laakiin khayrku iyaga ayuu ku koobanyahay, xaasaskooda iyo ubadkooda midna kama qaybgaliyaan. Waa hubaal inuu wixii adduunyo ah reerkiisa u hormarin lahaa, waxaana la hubaa inay aakhiradu ka khayr badan tahay adduunyada, caqliga saliimka ahna wuxuu keenayaa inaad ehelkaaga waxba waxay ka fiican yihiin u doortid.


Dumar ducaad ah oo mar warbixin dacwada ku saabsan na siiyey ayaa nagu yiri: waxaa jira rag ducaad ah oo iyagu diinta ka shaqeeya laakiin reerohooda aysan dacwada wax xiriir ah la lahayn!. Bal raggaas iyo nabi Ibraahim isu eega.

Intaa haddaynu isla garanay aynu xaasaskeena iyo ilmeheena ka qaybgalino dacwada, una tababarno sidii ay xilkaas inoo kala wareegi lahaayeen kolkaynu dhimano ama gabowno. Waxaa isweydiin leh goorma ayaynu ka qaybgalinaynaa ama u tababaraynaa xilkaas weyn ee qiimaha badan?. Ma markay 20 sano gaaraan mise markay guursadaan ama ilmo dhalaan?.

Jawaabtu waxa weeye maalinta uu dhashaba horay ka hawlgali; si uu ugu ababo dareenka xilka dacwada iyo wax u qabadkeeda, wayna u sahlantahay oo sida uu waalidka iyo dadka la jooga uga barto luqada ayuu si tartiib-tartiib ah uga baranayaa masuuliyadda iyo waxqabadka diinta.

Siyaabaha ilmaha xilkaas loo dareensiin karo, looguna tababari karo waxaa ka mida:

1- in looga sheekeeyo fadliga dacwada iyo waajibnimadeeda,

2- isla markaana warbixin joogto ah laga siiyo hawlaha iyo dhaqdhaqaaqyada dacwada,
3- in waalidku uu kexeeyo ilmaha marka uu shaqo dacwo soo qabanayo,
4- in la soo faiisiyo golayaasha lagu gorfaynayo arrimaha dacwada,
5- in loo sameeyo sunduuq qufulan oo kor ka daloola oo ay lacag ugu ridaan dacwada,
6- in la weydiiyo talooyin dacwada lagu hormariyo,
7- in la baro inuu dadka guriga jooga iyo asxaabtiisa samaha faro, xumahana ka reebo,
8- in marka uu da’ ahaan soo roonaado kaligi loo diro hawlo dacwo oo munaasib u ah,
9- in lagu amaano waxqabadkiisa dacwo iyo talooyinka uu soo jeediyo, lana dhiirrigaliyo,
10- in loo sameeyo saaxiibbo wanaagsan oo ay isu kaashadaan khayrka,
11- in looga sheekeeyo qisooyinka dhallinyaradii dacwada ka qaybqaadatay iwm.

W/Q Sh. Axmed C/Samad Cabdille
alwaqaar@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip