Tafsiirka Quraanka Suuratul Namli Ayada 23--35

0
Saturday March 30, 2013 - 14:47:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3273
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Quraanka Suuratul Namli Ayada 23--35

    Tafsiirki Xalay oo Sabti ah Baxay oo Maqal iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjuman Ka Faa'iidaysi wacan, Noqo mid ku Xiran Somalislamic.net wxii Qolka Ka baxo ee Ku Dhaafo Ka daalaco Somalislamic.net.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 18 KB
Tafsiirki Xalay oo Sabti ah Baxay oo Maqal iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjuman Ka Faa'iidaysi wacan, Noqo mid ku Xiran Somalislamic.net wxii Qolka Ka baxo ee Ku Dhaafo Ka daalaco Somalislamic.net.

Waxaan helay haweeney xukumeesa lana siiyay wax kasta waxayna leedahay Carshi wayn.

إِنِّي وَجَدتُّ امْرَأَةً تَمْلِكُهُمْ وَأُوتِيَتْ مِن كُلِّ شَيْءٍ وَلَهَا عَرْشٌ عَظِيمٌ ﴿٢٣

Waxaan helay ayada iyo Qoomkeeda oo u sujuudaya Qorraxda Allaah ka sokoow wuxuuna u Qurxiyay shaydaan Camalkooda wuxuuna ka leexiyay jidka toosnaa, mana Hanuunin.

وَجَدتُّهَا وَقَوْمَهَا يَسْجُدُونَ لِلشَّمْسِ مِن دُونِ اللَّـهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ فَهُمْ لَا يَهْتَدُونَ ﴿٢٤

May u sujuudaan Allaaha soo bixiya waxa ku Qarsoon samooyinka iyo Dhulka oo og waxaad Qarinaysaan iyo waaxaad Muujinaysaan.

أَلَّا يَسْجُدُوا لِلَّـهِ الَّذِي يُخْرِجُ الْخَبْءَ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُخْفُونَ وَمَا تُعْلِنُونَ ﴿٢٥

Illaahey Isaga Mooyee Illaah kale ma jiro waana Rabiga Carshiga wayn.

اللَّـهُ لَا إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ ۩ ﴿٢٦

Wuxuuna yiri (Sulaymaan) waan fiirinaynaa inaad Run sheegaysid iyo in aad ka mid tahay beenaalayaasha.

قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ الْكَاذِبِينَ ﴿٢٧

La Tag warqaddaydaan kuna Tuur Xagooda,Katib ka soo jeeso xagooda, Markaas fiiri waxay soo celiyaan.

اذْهَب بِّكِتَابِي هَـٰذَا فَأَلْقِهْ إِلَيْهِمْ ثُمَّ تَوَلَّ عَنْهُمْ فَانظُرْ مَاذَا يَرْجِعُونَ ﴿٢٨

Waxayna tiri Aqayaarey ( Madaxay) waxaa la iisoo Tuuray Warqad Shraf leh.

قَالَتْ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ إِنِّي أُلْقِيَ إِلَيَّ كِتَابٌ كَرِيمٌ ﴿٢٩

(waxaana Ku Qoran) Waxay ka Timid Sulaymaan waxayna ku bilaabatay Magaca Eebaha Naxariista Guud iyo Mida Gaarka ahba Naxariista.

إِنَّهُ مِن سُلَيْمَانَ وَإِنَّهُ بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ ﴿٣٠

Ee ha iga kor noqonina ( iska kaywaynaynina) iina imaada idinkoo Muslimiin ah.

أَلَّا تَعْلُوا عَلَيَّ وَأْتُونِي مُسْلِمِينَ ﴿٣١

Waxayna Tiri Akhayaarey (Madaxeey) ii Fidyooda amarkayga Ma ihi mid Goysada Amar ilaa aad soo xaadirtaan.

قَالَتْ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَفْتُونِي فِي أَمْرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمْرًا حَتَّىٰ تَشْهَدُونِ ﴿٣٢

Waxayna yiraahdeen Annagu Waxaan nahay kuwa Xoog Badan oo Dagaal Daran Amarkana Adigaa iska leh ee fiiri Waxaad na Faraysid.

قَالُوا نَحْنُ أُولُو قُوَّةٍ وَأُولُو بَأْسٍ شَدِيدٍ وَالْأَمْرُ إِلَيْكِ فَانظُرِي مَاذَا تَأْمُرِينَ ﴿٣٣

Waxay tiri Boqoradu Hadii ay Magaalo ku Galaan (Xoog) way Fasahaadiyaan waxayna ka yeelaan Ehelkeeda Sharafta leh kuwa Dulaysan saassayna Sameeyan.

قَالَتْ إِنَّ الْمُلُوكَ إِذَا دَخَلُوا قَرْيَةً أَفْسَدُوهَا وَجَعَلُوا أَعِزَّةَ أَهْلِهَا أَذِلَّةً ۖ وَكَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ ﴿٣٤

Waxaanse u dirayaa Hadiyad waxaana Fiirinayaa Waxay lasoo Noqdaan kuwa La Diray.

وَإِنِّي مُرْسِلَةٌ إِلَيْهِم بِهَدِيَّةٍ فَنَاظِرَةٌ بِمَ يَرْجِعُ الْمُرْسَلُونَ ﴿٣٥




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip