Tafsiirka Quraanka Suuratul Namli Ayada 14--22 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

0
Thursday March 28, 2013 - 18:11:05 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 3307
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Quraanka Suuratul Namli Ayada 14--22 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

    Waa Tafsiirki Xalay baxay Maqal iyo Qoraal Afsoomali ah Ku turjuman Ka faa'idaysi wacan Ehelkaada iyo Asxaabtaadana Gaarsii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Tafsiirki Xalay baxay Maqal iyo Qoraal Afsoomali ah Ku turjuman Ka faa'idaysi wacan Ehelkaada iyo Asxaabtaadana Gaarsii.

Wayna diideen (Aayadkii )iyagoo Yaqiinsaday Nafdooda, Dulmi iyo isla sareen Darteed, ee fiiri siday ahaatay Ciribta Mufsidiinta (Xuma wadayaasha).


وَجَحَدُوا بِهَا وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّاۚفَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ﴿١٤

Waxaan siinay Daa'uud iyo Sulaymaan Cilmi, waxayna yiraahdeen Mahad Allah ayee u sugnaaday, Allaha Naga fadilay wax badan oo Adoomankiisa Mu'miniinta ah.

وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ عِلْمًاۖوَقَالَا الْحَمْدُ لِلَّـهِ الَّذِي فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّنْ عِبَادِهِ الْمُؤْمِنِينَ﴿١٥



Wuxuu dhaxlay sulaymaan Daa'uud, wuxuuna yiri Dadoow waxaa nala Baray Shimbirka la hadalkiisa waxaana nala siiyay wax kasta, Taasina waa Fadli Cad.

وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَۖوَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيْءٍۖإِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ الْفَضْلُ الْمُبِينُ﴿١٦


Waxaa loo kulmiyay Sulaymaan Junuudiisii (Ciidankiisii) oo Jini, Insi iyo Shimbiraba leh, Ayagoo la isku Celcelinaya.(si ay isku soo gaaraan)

وَحُشِرَ لِسُلَيْمَانَ جُنُودُهُ مِنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ وَالطَّيْرِ فَهُمْ يُوزَعُونَ﴿١٧

Ilaa ay yimaadeen Togii Quraanshada, waxay tiri Quraansho Quraanshooy Gala Guryahiinna Yeysan idin Jajabin Sulaymaan iyo Ciidankiisa Iyagoo Ogayn.

حَتَّىٰ إِذَا أَتَوْا عَلَىٰ وَادِ النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ﴿١٨

Markaas ayuu Muusooday Isagoo ku Qoslaya Hadalkeeda wuxuuna yiri Rabiyow i Waafaji inaan ku mahdiyo Nimcadaad iigu Nimceysay Ani iyo Waalidkay iyo in aan Sameeyo Wanaag aad ka Raali tahay, Ina Gali Naxariistaada Addoomadaada wan wanaagsan Dhexdooda.

فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ الَّتِي أَنْعَمْتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَالِدَيَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَالِحًا تَرْضَاهُ وَأَدْخِلْنِي بِرَحْمَتِكَ فِي عِبَادِكَ الصَّالِحِينَ﴿١٩


Wuxuu Fiiriyay (Sulaymaan) Shimbirihii wuxuuna yiri maxaan la arki La'ahay Hud-Hudkii mise wuxuu ka mid yahay kuwa Maqan.

وَتَفَقَّدَ الطَّيْرَ فَقَالَ مَا لِيَ لَا أَرَى الْهُدْهُدَ أَمْ كَانَ مِنَ الْغَائِبِينَ﴿٢٠


Waxaan Cadaabayaa oo cadaabayaa Cadaab Daran ama waan Gawracayaa ama wuxuu ii keenayaa Xujo Cad.

لَأُعَذِّبَنَّهُ عَذَابًا شَدِيدًا أَوْ لَأَذْبَحَنَّهُ أَوْ لَيَأْتِيَنِّي بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ﴿٢١


Markaasuu Mudo yar Nagaaday (dib dhacay) wuxuuna yiri (Markuu yimid) waxaan Koobay waxaadan koobin waxaana kaaga keenay Reer Saba War Yaqiin ah.

فَمَكَثَ غَيْرَ بَعِيدٍ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمْ تُحِطْ بِهِ وَجِئْتُكَ مِن سَبَإٍ بِنَبَإٍ يَقِينٍ﴿٢٢




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip