Tafsiirka Quraanka Suuratul Namli Ayada 1.13 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

0
Wednesday March 27, 2013 - 19:00:21 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 3751
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Quraanka Suuratul Namli Ayada 1.13 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

    Tafsiirka Quraanka Kariimka oo Maqal iyo Qoraal Afsoomali Ah ku Turjuman Ka Faa'idaysi wacan Kana Raali ahaada inta uu idinka soo Daahay jzkl.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 26 KB
Tafsiirka Quraanka Kariimka oo Maqal iyo Qoraal Afsoomali Ah ku Turjuman Ka Faa'idaysi wacan Kana Raali ahaada inta uu idinka soo Daahay jzkl.

 

Suuratul Namli

سورة النمل

Waxan ku Bilaabay Maga Allaaha Naxariista Guud Naxariista Iyo Mida Gaarka ahba.

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

Xuruufta hore waxay na tusinaysaa Mucjisada Allaah Macnahoodana Allaah Bes ayaa og,

Taasi Waa Aayadka Quraanka Iyo Kitaabka Cad.

طسۚتِلْكَ آيَاتُ الْقُرْآنِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ﴿١



Waana Hanuunka iyo Bishaarada Mu'miniinta.

هُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ﴿٢


Kuwa Ooga Salaada Sakadana Guta ahana kuwa Aakhira Yaqiinsada.

الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَهُم بِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ﴿٣

Kuwa aanan Rumayn Aakhira Waxaan u Qurxinay Caamalkooda waana ku Indha La'yihiin (Wareersan yihiin).

إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمْ أَعْمَالَهُمْ فَهُمْ يَعْمَهُونَ﴿٤


Kuwaasi waakuwa uu u Sugnaaday Cadaab Xun Aakhirana Ayaga uun ayaa Qasaaray.

أُولَـٰئِكَ الَّذِينَ لَهُمْ سُوءُ الْعَذَابِ وَهُمْ فِي الْآخِرَةِ هُمُ الْأَخْسَرُونَ﴿٥


Adigana (Nabiyow) waxaa lagaala Kulmiyaa Quraanka Rabiga Falka San Ee wax kasta og agtiisa.

وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى الْقُرْآنَ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ عَلِيمٍ﴿٦


Waqti xus uu ku yiri Nabi Muuse Ehelkiisa waxaan Arkaa Nuur (iftiin) waxaan idinka keenayaa xagiisa War ama waxaan idiinkala imaanayaa Qoray dab ah inaad kululaashataan.

إِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهْلِهِ إِنِّي آنَسْتُ نَارًا سَآتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ آتِيكُم بِشِهَابٍ قَبَسٍ لَّعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ﴿٧

Markuu yimid waxaa laagu dhawaaqay Waa la Barakeeyay Cidda dabka la joogto iyo kuwa gaararkiisa ah, waxaana Nasahan Allaaha Caalamka.

فَلَمَّا جَاءَهَا نُودِيَ أَن بُورِكَ مَن فِي النَّارِ وَمَنْ حَوْلَهَا وَسُبْحَانَ اللَّـهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ﴿٨

(Allah wucuu yiri) Muusoow Aniga waxaan ahay Illaaha Adkaada ee Falka San.

يَا مُوسَىٰ إِنَّهُ أَنَا اللَّـهُ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ﴿٩


Ee tuur ushaada, Markuu Arkay ayadoo Dhawdhaqaaqaysa sida Maska, wuu jeedsaday asagoo Cararaya, Mana soo Noqon, Muusoow ha cabsanin, kuma cabsadaan agtayda Rusushee

وَأَلْقِ عَصَاكَۚفَلَمَّا رَآهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَانٌّ وَلَّىٰ مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْۚيَا مُوسَىٰ لَا تَخَفْ إِنِّي لَا يَخَافُ لَدَيَّ الْمُرْسَلُونَ﴿١٠


Qofkii Dulmi sameeya Hadana Wanaag ku badala Xumaan ka tib, Aniga waxaan ahay Dandi Dhaafe Naxariis Badan.

إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسْنًا بَعْدَ سُوءٍ فَإِنِّي غَفُورٌ رَّحِيمٌ﴿١١

Gali Gacantaada Jeebkaada waxay soo baxaysaa Iyadoo Cad Xumaan La'aan (Waxayna Kamid tahay) Sagaal Calaamad oo Fircoon iyo Qoomkiisa Loo diray, waxayna Ahaayeen Qoom Faasiqiin ah.

وَأَدْخِلْ يَدَكَ فِي جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَاءَ مِنْ غَيْرِ سُوءٍۖفِي تِسْعِ آيَاتٍ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَقَوْمِهِۚإِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ﴿١٢


Markii ay u Timid Calamadahayna ayadoo wax Tusaysa (Cad) waxay dheheen Kani waa sixir cad.

فَلَمَّا جَاءَتْهُمْ آيَاتُنَا مُبْصِرَةً قَالُوا هَـٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ﴿١٣



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip