QISO DHAB AH KU SAABSAN HOOYO WIILKEEDII GURIGIISA KA SOO CEYRYEY

0
Thursday March 07, 2013 - 21:14:33 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 8481
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 1
  • Share via Social Media

    QISO DHAB AH KU SAABSAN HOOYO WIILKEEDII GURIGIISA KA SOO CEYRYEY

    QISO DHAB AH KU SAABSAN HOOYO WIILKEEDII GURIGIISA KA SOO CEYRYEY,,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QISO DHAB AH KU SAABSAN HOOYO WIILKEEDII GURIGIISA KA SOO CEYRYEY,,,,, Waxaa jiray Nin ay Hooyadii ay la daganeyd wax Caruur ahna asaga ayay ka dhashay, waxa uu lahaa xaas iyo caruur, Maalin Maalmaha ka mid ah ayuu Hooyadiis ayada oo Qolkeyda joogta ugu yimi waxa uuna ku yiri, Hooyo waxaan raba Guriga oo dhan in aan Dibi habeyn ku suubiyo kadibna aan Diikoor qurux badan ka dhigo, marka Hooyo waxaan rabaa inaad dhawr casho inta ay hawsha socoto la dagtid Habaryar ama Abti intasna aad la noolaatid, waxay ku tiri Hooyo qolkayga waad aragtaa wax uu qabo majirto sidaas buuna u egyahay ee Hooyo maad iska kay dhaaftid, maya Hooyo, waxa uuna ku yiri illow ba illow waan inaad Habaryar ama Abto aad u tagdaa, markii uu ka dhaafi waayay hadalkii aadna ugu dhibay bay waxay ku tiri waa yahay.


Waxayna u tagaday Walaasheed (Habaryartiisa) waxayna u sheegtay Qisadii in guriguu la hagaajinayo muda yar adibna ay ku laabaneyso Guriga Wiilkeeda, waxba dhib malaha ayay ku
tiri walaal Guriga waa gurigaagii, Maalmo ayaa ka soo wareegtay wiilkeedii ma soo waca xaaladeeyna dib dambe uma uusan soo fiirin, illeyn waa Beer wax dhalee Hooyadii waxay Bilowday in Wiilkeedii ay ka wal’washo dhawr mar ayay taleefoonka ku wacaday mar walba oo uu Taleefonka ka qabtana waxa uu yiraahdaa Mashquul baan ahay anigaa ku soo wacayo ama waan dag dagsanahay markale igu soo celi.

Waxaa ka soo wareegtay Dhawr Usbuuc, Bil, labo Bil,Sadax Bilood markii ay ka soo wareegtay ayay waxay walaasheyd (Habaryartiisa) ku tiri walaalay Wal’wal baan la joogi la’ahay Wiilkaygii waayahan waxba war ah kama aanan maqlin ee kaalay ii raac aan soo fiirinee xaaladiisa ,Alla wanaagsan laheydaa in aysan u tagin, way iso sooraaceyn ayada iyo walaasheyd Gurigii bay soo gar’garaaceyn waxaa ka furtay Umu Axmad, Ahleen Umu Axmad iska warama? Caruurtii side yihiin? Wiilkaygii Abu Axmad kawaran waayahay wax warkiisa ah ma aanan maqlin ma joogaa? Umu axmad ayaa waxay tiri ISLAAN’YAHEY DHAGEYSO WIILKAAGA WAXA UU KU YIRI GuRIGAAN BOOS KAAGAMA BANAANA !!!!!!!!!!!!Qolkii aad
daganeydna waxaan u hagaajinay Gagabadheydii oo hada waynaatay ee islaayaheyn marna ha ku riyoonin in aad ku soo laabatid Gurigaan!!!!!!!!!!! Walaashaa ladag markaad lacag ubaahnaatidna na soo wac!!!!!!! Subxaanaka yaa illaahii!!!!! Intaas markii ay tiri baa waxaa yimi Wiilkeedii, Alla Fiicnaan laheeydaa in uusan imaan, intuu dhinaca xaaskiisa istaagay ayuu waxa uuna yiri haa Hooyo walaahi hadaad lacag u baahnaatid daqiiqad kaala soo daahi maayo ee walaashaa ladag!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Ayada oo ilinta ay ka qubaneyso Hooyadii ayaa waxay tiri wiilkaygiyoow Hooyo ma saxbaa Umu Axmad hadalka ay ileedahay!!!!!!!!!!!!!!!! Waxa uu yiri HAA HOOYO GURIGAAN WAA KAAGA DHAMAATAY!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Subxaana lahaa Hooyadii buu cayrinayaa oo uu banaanka ku tuurayaa subxaana lahaa Bini’damkaan waa Noocee, wax qalbi oo danqanaya ku yaala miyaa Hooyadiis ayuu baanka ku tuurayaa, yaa Allaah!!!!!!!!!!!!!!! Subxaanaka yaa Illaahii, Allow hana badin!!!!!!!!!!!!!!, rabi Naxariis badanaa hadaanan dhulka la’la gooynin.
Hooyadii baa hal mar waxay kala qaaday Afkeedii ilintana ay ka qubaneyso, wiilkay sooma tihid? maxaa sidaan iigu galaysaa? Miyaanan Hooyadaa aheyn? Miyaan kuugu soo rafaadin? Miyaanan 9 bilood caluusha kuugu qaadin? Miyaadan xasuusan hadii wax yar aad xanuunsatid in aan kula xanuusanayay oo habeenkii oo dhan kula dhafi jiray? Miyaadan ogeyn meeshii ay adiga wax kaa gaari laheyn badalkee in aan aniga in ay igu dhacaan in aan taminin jiray? Miyaadan ogow in aan Sugaayay inta aad ka waynaato oo aad Awlaad ka dhasho? Ma xaaskaaga ayaad iga dooratay? d Waxaas oo dhan Maanta ma waxaad igu Abaal guday inaad banaanka igu tuurtid sidii qashin oo kale? Ayada oo ilinta ku qubaneyso ayna ku hayso wiilkaygii ayay iskaga tagaday!!!!!!!!!!!!!!!! LAA ILAAHA ILA’LLAAHU MUXAMADAN RASUULA’LAAHI.

Bilaahi calayka, Allaah Naftaada ay gacantiisa ku jirto baan kugu dhaarinayaa suurayso Hooyadaa oo lagu yiri ama aad ku tiri gurigayga ma soo gali kartid ama Xaaskaaga ay ku tiri Hooyadaa gurigayga ma soo gali kartid maxaad suubin laheyd Rabi naguma keeno,aah aah Alla maxay Hooyo badan Aduunkaan ku dulman yihiin,Walaal hooyadaa adigay xil kaasaaran tahay xaaskaaga maalinta qiyaamo lama waydiinayo
ee hadii ay kula dagan tahay Hooyadaa waxaad ogataa gurigaaga qeyb ka mid ah in uu Jano uu yahay ee ka duceyso xaaskaagana haku haleyn waxay ay u baahan tahay adiga gacantaada ugu qabo,walaahi waxaad u qabatidna Ilmahaaga ayaad ka heleysaa, sidaad ula dhaqaantidna bari Caruurtaada ayaa kula dhaqmi’ doona.

Gabdha ay ladagan tahay Sodohdeeda Allha ku Abuurtay uga’baq waa Hooyadaa oo kale wax walba aad ku suubisid hadii hadii ay wanaag tahay Aakhira inta aanan lagaarin aduunka ayaad ku helaysaa, waxii xumaan ahna sidoo kale, Cuquubo ha kasban, Ninkaagana haku dirinn Hooyadiisa, ha oran Aniga mise Hooyadaa, ha oran hadii aadan gurigayga ka kaxaynin I Fur, Hadaad rabtidna in ay baari kuu noqodaan Ninkaaga iyo Cartaada u noqo Hooyadiis baar ayagana Baari ayay uu noqonayaa.
Alloow waxaan ku waydiisanaynaa Raali ahaan'shahaaga iyo Raali ahaansha waalidkeena


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip