Sidee Marwada Qalbigeeda Loo Hantaa?

1
Sunday March 03, 2013 - 00:32:23 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 6053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Marwada Qalbigeeda Loo Hantaa?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Sidee Marwada Qalbigeeda Loo Hantaa?


Rasuulkeenii Suubana (Nnk) Wuxuu Yiri Waxaa idiinku Kheyr Badan (Muslimiinta) Kan Ugu Wanaag Badan Reerkiisa Aniga Ayaana Reerkayga idiinku Wanaag Badan Hadaba Waxaa Laga Rabaa Labada isqabta inay aad ugu dadaalaan Siday udhisi Lahaayen unaxoojin lahaayeen jaceylka kadhexeeya Si ay U ilaaliyaan Xuquuqda Kadhaxaysa Odayga ayuuna Rabbi (Swt) Kadhigay Hogaanka Dawlada Qoyska Si uu Xilkaa uga Soo baxana Waxaa lagarabaa inuu aad udadaalo helana Wanooyin iyo Tusaalooyin Fara Badan Oo U Helana Waanooyin iyo Tusaalooyin Fara Badan Oo U IFTIIMIYA Jidka aan Sahlanayn Ee Laga Rabo inuu Qaado Hadaba Waxaan halkaan ugusoo Diyaariyay Odayaasha jecel inay Reerkooda Ku hogaamiyaan Wanaag Kheyr iyo Jaceyl Dhala Kalsooni (Oo Dhex-Marta Labada is Qabta) iyo Barbaarin Fiican Ee ubad



= Kulahadal Marwadaada Hadalo Wanaagsan unaqurxi habdhaqankaaga adoo badinaysid Kalmadaha Ducada Ammaanta iyo Mahad Celinta.

= Ugu Yeer Hadallada Ugu Macaan Xaliimo Macaanto iwm.


= Kudadaal inaad Hadiyo Ukeento Markasta Oo aad Fursad Hesho/Safar Ka timaado,ilmo idiin Dhasho iwm

= Qaladaad-keeda Ka indha Laabo Waxbadan,isticmaala Saarbeeb iyo Dulmar Markaad Rabto inaad Qalad Saxdo haduuna ahayn Qalad Weyn Oo Meel Kadhac Kuah Diinta.

= Markay Kuu Muujiso Wanaag Ama Ay Kuu Qabato Wax Qiimogal ah Umahad Celi Kuna Amaan Abaalgudna Kasii.

= Umuuji Dareen Jaceyl iyo Koolkoolin Gaar ahaan Wakhtiyada Haasaawaha Gaarka ah.

=Tusi inaad Kufarxayso Waxyaabaha ay jaceshahay Ama ay Kahesho Kuna dadaal inaad Ugu Kaalmayso Hadaada Kari Karina Kudhiira Gali.

= Sii Xoriyad ay Kumaamusho howlaha Gurigeeda iyo Kalsooni ay Kufuliso Arimaha Qoyska Qaar Kamid ah.

= Si ay Rayiga kuula Wadaagto Kala Sheekayso Arimo Badan Kuwo Guud iyo Kuwa Gaar ah intaba Si ay Udareento inaad Tixgalinayso.

= Dhagahana Uraarici Markay Kaaga Warbixinayso dareenkeeda Hadaad Dhageysan Weydo Waxay Raadinaysaa Qofkale Oo Dhagaysta Waxaana Dhici Karta inuusan daacad U Ahayn Oo Wax Xun usheego Ama Baro.

= Badi Amaanteeda Quruxdeeda Labiskeeda Cuntadeeda Maxayeelay Dumarka Waxaa aad Ufarax galiya Hadalka Macaan iyo Amaanta.


= Hadaaad dhaqankeed Ka Dareento Wax aadan Jeclayn Ama aan Kula Fiicnayn,isku day inaad jeclayn Ama aan Kula Fiicnayn, isku day inaad fiiriso Waxyaabaha/dabeecadaha badan ee ay Kufiicaan-tahay iyo inay dartaa Waxyaabo badan Oo Wanaagsan usamayso.

= Markaad ugafto Ama qalad kagasho, haka Xishoonin inaad Qaladka Saxdo ood Wanaag Kubadasho Kana Cudurdaarato, Taasina Waa arin Tusinaysa isku Kalsooni iyo Geesinimo Ee Ma aha isdullayn iwm.

= Markaad Safarto Ama aad Fogaato Kudadaal Xiriirka tel.ka iyo Waraaqaha Xanbaarsan dareenka Macaan una Cadee inaad uxiisa Qabto.

= Usamee Xaaska Waqti aad Kula Sheekaysato Si aad Ukobciso dareenkeeda jacayl una Wada Xallisaan Arimaha Qoyska idinkoo si Horfadhiya Una Muuji Kalsooni iyo Qadarin.

= Aad isaga ilaali inaad haween Kale Horteeda Ku amaanto Xataa adoo isleh Haku dayato Maxayeelay Taasi Waxay Ku Abuuri Kartaa Masayr iyo Xasad Waxaana Suura Gal inay Calaaqaadkiina Xumayso.

= Kudadaal Dhamaystirka Arimaha Guriga iyo Baahidiisa,reerkaagana hakala bakhiilin Waxaad uheli Karto (Daruuriyaadka iyo Dhamaystirka Labadaba) iskuna day inaad noqoto Sida ay kaa Sugaysay Sikasii Wanaagsan.Xasuuso deeqdu inay Ceebo badan daboosho,Xaaskuna aad Kuugu Sii Jeclaanayso.

= Jiritaanka iyo horumarka Reerkaagu Waa Qaali Ee Kafaa,idayso Waxkasta Oo Kobcinayo ama adkaynaya Jacaylka Xaaskaaga,Farax galinteeda,Si ay ilmahaaga iyo reerkaaguba Wabaag iyo Farxad Ugu Noolaadaan.

= iska ilaali inaad horteeda kucayso dadkeeda /qarabadeeda,Sikasta Oo ay ulitaan,Maxayeelay taasi dareenkeeda ayay aad udhibaysaa iskuna day inaad umuujiso ixtiraam iyo qadarin Ehelkeeda iyo asxaabteedaba.

= Ogaw qalbiga Dumarku inuu Lamid Yahay Dhalo Nadiif ah Oo aan Waxba Qarin Karin Oo Ammaanta iyo Wanaagu ay Siinayaan Bilic iyo Dhalaal Dheeraad ah Hadalka Xumina Uu Udhibayo Ugana Muuqanayo Si aad ah:



By:Abdirahman Abukar Diini

Hoyga Dacwadda Somalislamic.Net Wahelkaada Ka Dhigo.

Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.

webmaster@somalislamic.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip