Wadaddii Rasuulka

0
Thursday December 20, 2012 - 20:17:13 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 2668
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Wadaddii Rasuulka

    Rabi isaga oo amaanaya Rasuulkiisa s.c.w, wuxuu leeyahay: "Waxaad ku sifowday akhlaaqda tan ugu wanaagsan" (Al-qalam4) Akhlaaqdaas waxaa ka mid ah in dadka lagu kasbado jaceyl, hadal san, dhaqan fiican, wax bixin (deeqsinimo), anshax wana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabi isaga oo amaanaya Rasuulkiisa s.c.w, wuxuu leeyahay: "Waxaad ku sifowday akhlaaqda tan ugu wanaagsan" (Al-qalam4) Akhlaaqdaas waxaa ka mid ah in dadka lagu kasbado jaceyl, hadal san, dhaqan fiican, wax bixin (deeqsinimo), anshax wanaagsan.

Waxaa ka mid ah in qaraabada lagula noolaado kuwa dhow iyo kuwa fogba dabci wanaagsan. Sidoo kale waxaa ka mid ah in dadka loo sahlo umuur kasta oo kheyr ku jiro, in loo cafiyo wixii xaquuq ah ee lagu leeyahay, iyo in laga tago is jaridda ama goynta.

Nebigeena (scw) wuxuu ku sifoobay waxaas oo akhlaaq wanaagsan ah, wuxuuna ahaa qof dhammeystiran.

Bal hadda nakeena walaalayaal aan aadno guriga Nebiga (scw), marka aan gaarno aqalka Nebigu (scw) waxaan arkeynaa in Nebigu (scw) uusan is kellifi jirin si uu u helo dhar iyo cunto.

Nebigu (scw) wuxuu xiran jiray wixii ay u sahlan tahay heliddiisa, hase yeeshee marka uu qaabilayo wafdi ama ay tahay munaasabad ciideed, wuxuu xiran jiray dharka ugu heerka sarreeya.

Nebiga wuxuu cuni jiray wixii uu helo, haddii uusan waxba helinna wuu iska seexan jiray isagoo calool maran, waxaana dhici jirtey in uu caloosha dhagax ku xiro si aan loo dareemin in uu baahan yahay.

Nebigu (scw) hadii uu helo firaash harag ah ama derin ah wuu ku seexan jiray, hadii uusan midna hellina wuxuu seexan jiray dhulka.

Haweenkiisa sharafta lihi (hooyooyinka mu'miniinta) wey ugu sabri jireen arrintaasi. Nebiguna (scw) wuu la yaabi jiray sabarkooda, waayo isagu ma dooneyn adduun. Waxaa dhacday in mar ay haweenka Nebiga tashteen oo ka wada hadleen ciriiriga ay ku jiraan xagga marashada iyo masruufka iyadoo haweenka kale ay nimceysan yihiin. Rasuulaku (scw) aad ayuu ugu xumaaday arrintaai, wuxuuna haweenkiisa ka haajiray muddo bil ah isagoo aan la hadleynin ilaa uu Allaah ka soo dejiyey aayado lagu doorrimaad gelinayo haweenka Nebiga.

Alle wuxuu aayadahaasi ku leeyahay:"Allaah sidaas ayuu la rabaa Rasuulkiisa, idinkuse haddii aad dooneysaan adduun iyo dhalaalkiisa kaalaya waa la idiin dhaqaaleynayaa oo la idin furayaa idinkoo nimceysan. Hase yeeshee haddii aad dooneysaan Alle, Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, Rabbi wuxuu u diyaariyey ajar aad u weyn midiina samafalka badan".(Al-Axzaab)

Ugu horeyntii Nebigu (scw) wuxuu doorimaad geliyeyCaa'ishawuxuuna ku yiri:"La tasho waalidkaa, isagoo is leh wey da'yar tahay"

Caa'ishanawaxay ugu jawaabtay:"Ma adigaan kaala tashanayaa waalidkey? waxaan doonayaa Alle, Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro".

Rasuulka Haweenkiisa kale oo dhana waxay yiraahdeen sidaas.

Caa'ishaWaxaa la weydiiyey sidii Nebiga (scw) ahaa marka uu joogo aqalkiisa, waxayna tiri:"Wuxuu ahaa qof ka mid ah dadkiisa, wuxuu tolan jiray maradiisa, wuxuu maali jiray ridiisa, wuxuu xaaqi jiray aqalka, wuxuu kaalmeyn jiray xaaskiisa".

Maalikwuxuu yiri:"Nebiga (scw) waxaan u adeegayey 10 sannadood, welina iguma oronUf, Nebigu ma dhihi jirin arrin aan sameeyey maxaad u sameynsay, arrin aan ka tageyna maxaad u sameyn weyday ima uusan oran".

Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa oo safar ah ayaa waxaa la gaaray waqtiga cuntada, waxayna go'aansadeen inay ri' qashaan, markaa ayaa saxaabadii midkood yiri:" waxaan gowracayaa rida", mid kalena wuxuu yiri: "waxaan ka saarayaa haragga", mid saddexaadna wuxuu yiri "anigana waxaan doonayaa qoryihii".Markaas ayaa saxaabadii ku yiraahdeen "Rasuulka Allow annagaa kaa kaafineyna, laakiin wuxuu ugu jawaabay"Waan ogahay inaad iga kaafineysaan, laakiin waxaan kahanayaa inaan idinka duwanaado, Rabbi wuxuu ku nacaa addoonkiisa inuu ka duwanaado addoomihiisa kale".

Nebigena suuban wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle, cibaadadiisuna badan tahay oo og inuu Rabbi daalacanayo, wuxuu u istaagayey habeenka Salaatu-Leyl ilaa ay caguhu ka bar bararaan, indhahiisuna la ilmeeyaan cabsida Alle dartii, haba sii bataane marka la gaaro Ramadaanka.

Nebiga wuxuu ahaa mid daa'ima xuska Alle oo mar walba yiraahda"Bismillaah"marka uu cunayo, cabayo, marka uu istaagayo, marka uu wax sameynayo ama wax bilaabayo, wuxuu dhamaan oran jiray Nebiga (scw)"Bismillaah".




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip