Qiso dhab ah Aqri Kuna Cibro qaado!!!

0
Saturday March 02, 2013 - 02:27:18 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 5314
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso dhab ah Aqri Kuna Cibro qaado!!!

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,
Wiil dhalin yaro ah ku dhintay Qaatumo wanaagsan Inta uusan Dhimana Arkay halka uu Janada ka dagi lahaa!!

Waa wiil dhalin yara ah da’diisuna ay tahay 20 Sano jir waxa uu ahaa mid ku Da’daalo Salaadaha gaar ahaan Salaada Subax jamecadeeda, Maalin maalmaha ka mid ah sida uu ahaa dhaqankiisa waxa uu guriga ka baxay inta aanan lagaarin Aadaankii salaada Subax waxa uuna soo aaday Masaajidka, kadib markii uu Tukaday labadii ragcadood Sunada Masjidka, waxaa uu bilaabay in uu soo qaato Musxaf si uu u Aqristo inta laga gaarayo wakhtiga Iqaamada salaada, Waa la Aqimay Salaadii, wuu istaagay si uu Masxafkii meeshii uu ka soo qaaday ugu celiyo, kadibna waxa uu galay Safkii ugu horeeyay si uu iimaankii ugu xirto Salaadii, Iimaankii oo Dadka Simayo iyo Dadkii salaada u taagnaa ayaa halmar waxay ka wa Arkeyn Wiilkii dhalin yarada ahaa oo Halmar Istaaga ka dhacay, markii la fiiriyayna waxa uu ahaa mid Miyir Daboolmay! Islamrkiiba waxaa loo’la soo cararay Isbitaalka.


Dr Khaalid Al’Jubeyri ahna Nin Daaci ah markaasna joogay Isbitaalka ayaa Dhacdaan ka waramayo waxa uuna ku bilaabay sidatan.Wakhtiga waxa uu ahaa xili Waaga uu baryi rabo waxaana la noo keenay wiil dhalin yaro ah loona wado sidii qof dhintay oo kale,islamarkiiba waxaan bilaabay in aan baaro Xaaladiisa Caafimaad durba waxaan ogaaday in uu Dhiig ku furmay Garaacida wadnihiisa uu aad u hooseeyo, waxaan Fiiriyay Wiilka mise Naftii baa aad u hayso waxaadna moodaa in ay ka sii baxayso, waxaan isku daynay in aan ka shaqeysiiyo wadnihiisa iskuna dayno in aan waxaan u qaban karo aan u qabto, waxaan ag istaajiyay Dhaqtar si xaaladiisa dhaq dhaqaaq uu ula socdo, anigana waxaa doonay Qalab aan markaas u baahneyn, dag dag baan islamarkiiba ku soo laabtay Idhahaygu waxay islamarkii qabteyn Dhaqtarkii aan wiilka uga tagay oo dhagtiisa u dhaweeyay Afka Wiilka, dhagtana wax ugu sheegayo, Wiilkana uu haysto gacanta Dhaqtarka, waan fiirayay aniga oo aad ul yaabay!!
Halmar si lama filaan ah ayaa wiilkii gacantiisa u siidaayay dhaqtarka asaga oo isku daya’ya in dhainaca Midig uu ii fiiriyo kuna dhawaaqayoأشهد أن لا إله إلا الله .. وأشهد أن محمداً عبده ورسوله , intaas kadib waxaa istaagay garaacidii wadnaha kadibna waxaa ka baxaday Naftii, Runtii aad baan isku day in aan bad’baadino balse waxaa wax walba ka weyn Qadarka Rabi, Nafwalbana Maalin ay leedahay aysan ka dibdhacey.

Waxaa halmar ilin iyo Sawaxan bilaabay dhaqatarkii Wiilka dhagta waxa ugu sheegay waxaan isku daynay in aan aamuso Rabina aan xusuusino,Mida kalana waxaan ku iri ma aha markii ugu horaysay ee aad aragto Qof dhimanayo ee maxaa dhacay? Wax jawaab ah nama uusan siin waxa uu siiwatay Oohintiis, qadar wakhti kadib ayuu dagay, markale ayaan waxaan waydiinay waxa uu u shegay Wiilka? Waxa uu yiri markii uu Arkay Wiilka Dr Khaalid oo aad ugu Da’daalayo siduu Wadnahayga uga shaqaysiin lahaa marna sii socda marna soo socda ayuu afka ii soo dhaweeyay waxa uuna igu yiri u sheeg Dr Khaalid waxba yuusan is dhibinin In aan Dhimayo waa Hubaal!! Walaahi baana ku dhaaranayaa waan arkaa Halkii aan janada ka dagi lahaa!!!

{ إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللَّهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا تَتَنَزَّلُ عَلَيْهِمُ الْمَلائِكَةُ أَلَّا تَخَافُوا وَلا تَحْزَنُوا وَأَبْشِرُوا بِالْجَنَّةِ الَّتِي كُنْتُمْ تُوعَدُونَ }

Tini waa Tusaalo Farqiga u dhaxeya Qofka Rabigiisa marwalba ku xiran iyo Qofka aanan Rabigiisa ku xirneyn.

Rabi waxaan waydiisanyanaa in Qaatumadayna uu wanaag ku Qatimo





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip