Ogow Quruxi Waa Diin
Dadku damaca guud iyo dusha waa kawada simanyahay, misna kala damiir roon, dariiqaad mareysiyo lamadiidi karo calaf, hadana dood kala tiri damanihii hurdaya dibi dhaley saciisuye ileen doqon calaf maleh. Warse waxaad ku deysaa darajada allahey ruux dadaala baa hela, adna dahir sxb guurdoon hadaad tahay an kula dardaarmee ha igu diidin waanada, dab nimaan ku joogsan dambas kama fogaadee.
Biyo waxaa la doogtaa intuu roobka da’ayee, dulucdu yay ku dhaafinee, dulka dhegaha maqalkiyo I amaahi dareenka. Daa’iman rag iyo dumar Alla nolol isugu darey qofna keli ma degi karo dunida raxadiiduna marwo kaa dambeysiyo waa lamaane daacad ah.
Deyra yay ku raacine intaan hoy lawada degin mida damacu kaa galay dabar iyo hogaan iyo hubso diin maleedahay? Da’ada manta joogtiyo ogow dumarku waa laba.
Degan rabi hanuunsho ka dahiran xumaano daacad kuu adeegtoo dar Allah kuu adeecda. Iyo deysan kheyrkiyo xaqa laga daboolo damiirka iyo xishoodkiyo ka maran dux iyo iimaan.
Kala dooro labadaas. Dantii mooge weligiis dabin kama fogaadee dahirow ubadkaaga hooyo fiican u door. Abaar diirataa iyo qofna dab iyo meel kulul, doog iyo xareed iyo harku doorsan maaye dumarkaa xijaabane sidii allahey u doorey u dabooley jirkooda mid ka dooro sxb. Ogow quruxi waa diin dawo guurna waa samir.
Ogow Quruxi Waa Diin
Dadku damaca guud iyo dusha waa kawada simanyahay, misna kala damiir roon, dariiqaad mareysiyo lamadiidi karo calaf, hadana dood kala tiri damanihii hurdaya dibi dhaley saciisuye ileen doqon calaf maleh.