
Maxaa soonka Jabiya????
Qof kasta oo muslim ah waxaa
waajib ku ah in uu ogaado WAXYAABAHA SOONKA BURIYA si uu isaga ilaaliyo.
Waxyaabaha Soonka buriya waa kuwan:
(1) IN LALA YIMAADO QOWL AMA FAL
GAALNIMO AH ~ (murtadnimo)
Alle (S.W.) baynu ka magan galnaye. Qofkii Islaamka ka baxa waxaa buraya oo
baaba’aya dhammaan camalladiisii uu horay u sameeyay iyo camalka uu markaas ku
dhex jiro, waxaana u daliil ah Qowlkii Ilaahay (S.W.) "Oo dhabtii waxaa laguu waxyooday adiga
(Muxammadow S.C.W.) Sidii loogu waxyooday kuwii (Rusushii Alle) ee kaa
horreeyayba; haddii aad u shariig yeesho (yacni la wadaajiso) cid kale
cibaadada Alle (S.W.) (markaa) hubaashii (dhammaan) camalladaadu waxay ahaan
doonaan wax aan waxba ku ool, oo waxaad kamid ahaan doontaa khasaarayaasha” Az-Zumar, aayadda 65.
(2) JIMAAC (GALMADA): Ninka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa si bareer ah (si
bareer ah micnaheedu waxaa weeye isaga oo aan
hilmaansanayn, ama si kama’ ah aan u sameyn, ama aan lagu qasbin) soonkiisu waa
burayaa. Qofkii soonkiisu ku buro galmo waxaa korkiisa ah qalayn (gudid) iyo
kafaaro wada jira, waxaana u daliil ah:
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa u
yimid Nebiga (S.C.W.) (Ninkaas waa Salma bin Sakhar Al-Bayaadi) oo yiri: Waan
hoogay Rasuul Alloow! Wuxuu yiri: Maxaa ku hoojiyey? Wuxuu yiri: Waxaan la galmooday afadeyda iyadoo maalin
Ramadaan ah.Wuxuu
markaas weydiiyey: Ma heli kartaa waxaad addoon ku xorayso? Wuxuu
yiri: Maya; wuxuu yiri: Haddaba ma soomi kartaa laba bilood oo xiriir
ah? Wuxuu
yiri: Maya; Wuxuu yiri: Marka ma quudin kartaa lixdan (60) miskiin? Wuxuu
yiri: Maya; markaasuu fariistay! Markaasaa Nabiga (S.C.W.) waxaa loo keenay
dambiil (ay ku jirto soddon madaal oo) timir ah, oo yiri:Sadaqeyso, ninkii
wuxuu yiri! Oo ma waxaa weeye inaan siiyo cid naga saboolsan? (Madiina)
labadeeda shiil madow dhexdooda qoys iga baahi badani ma deggana, markaasuu
Nabigu (S.C.W.) muusooday oo miciyihiisiina muuqdeen. Dabadeedna yiri: "Orod
oo reerkaaga u gee". W.W. As-Sabca (Todobadii) warintana
waa tii Muslim.
Qofka sooman haddii uu u
galmoodo afadiisa waxaa ku waajib ah afar (4) arrimood:
(1)
In uu san waxba cunin ama cabbin maalinta inta ka harsan (af-haysasho).
(2) In uu Ilaahay (S.W.) uu u towbad keeno, maxaa yeelay wuxuu
galay dembi aad u weyn.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
(4) In uu kafaaro bixiyo: KAFAARADUNA waa in uu
addoon xoreeyo, haddii uusan heleyn, in uu 2 bilood oo isku xigta soomo, haddii
uu awoodi waayana, in uu lixdan (60) miskiin quudiyo (intaas oo dhan haddii uu
awoodi waayo oo uu sidaas ku dhinto kafaaradii waa ka dheceysaa).
_____________________
(3) CUNID ama CABBID BAREER
AH (oo
si u kas ah loo sameeyay): Waxaa u daliil ah Qowlkii Ilaahey (S.W.) "….Cuna
oo cabba ilaa liilanka (dunta) cad (iftiinka fajarka salaadda subax) idinkaga
caddaado liilanka madow (mugdiga habeenka), dabadeedna kaamila soonka ilaa
gabbal dhaca……). Al-Baqarah, aayadda 187.
Aayaddaan waxay caddeyneysaa in cunnidda iyo cabbidda ay soonka jebiyaan,
waxaana arrintaan lagu gaar yeelay qofka u sameeya si bareer ah (ula kac).
Qofku haddii uu wax cuno ama cabbo isaga oo hilmaansan ama uu si kama’ ah u
sameeyay, ama lagu qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama burayo. Waxaana u
daliil ah Xadiiska soo socda:
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: "Qofkii
is illaawa isaga oo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhamaystaa
soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay".
(Macnaha risiq Ilaahey (S.W.) siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama
ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi – Laysku raac).
Sidoo kale Nabigu (S.C.W)
wuxuu yiri:
"Illaahay waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u
sameeyeen ama lagu qasbay".
F.G. Qof
muslim ah haddii uu arko qof sooman oo wax cunaya waa in uu baraarujiyaa oo
xusuusiyaa in uu sooman yahay. Arrintaasna waxay ka mid tahay "wanaaga
(macruuf), samafalka iyo Alle ka cabsiga oo lays faro iyo Munkarka oo layska
reebo.
Qofka haddii uu si kas ah wax u cuno ama wax u cabbo waxaa ku waajib ah saddex
(3) arrimood:
(1) In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).
(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo
khatar ah ayuu galay.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
_______________
(4) IS-MATAJINTA: Qofka
sooman haddii uu matag iskii isaga keeno (yacni farta ama wax kale afka iska
geliya, ama uu ursoodo wax uu ku matagi jiray) soonkiisu waa burayaa. Waxaana u
daliil ah:
Abuu Hureyra (A.K.R) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu
yiri: "Qofkii
uu soo dhaafo matag (isagoo sooman) qalle laguma laha, qofkii is matajiyaase
qalle baa korkiisa ah” W.W. Al-Khamsa.
Qofka haddii uu si kas ah
isu-matajiyo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:
(1)
In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).
(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo
khatar ah ayuu galay.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
___________________
(5) DHIIGGA CAADADA IYO
UMMUSHA (DHALMADA): Haweeneyda sooman haddii
ay caadadii hesho soonkeedii waa burrayaa, xataa haddii ay maalintii ka dhiman
yihiin daqiiqado yar, waa in ay afurtaa oo dib kasoo qalaysaa maalintii (ama
maalmihii) ka tegay. Haweenka caadada qaba waxaa ka xaaraan ah in ay soomaan;
haddii haweeney aan daahir ahayn (oo caadadii qabta) ay soonto soonkeedu ma
ansaxayo, dhiigga dhalmadana waa la mid. Laakiin haddii ay isku aragto
calaamadihii ay ku tiqiin in uu yimaado dhiigga caadada laakiin dhiiggii uusan
farjigeeda kasoo bixin, soonkeedu waa saxiix waayoo dhiiggu inta uu caloosha ku
jiro xukun malaha, marka uu banaanka u soo baxo oo ay isku aragto ayaa la
xukumayaa.
(6) NIYADDA OO LAGU
BURRIYO: Qofka
sooman haddii uu qalbiga ka niyeysto in uu soonka furro, soonkiisu waa burayaa,
waayoo niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka ah, waana miisaanka camalka
lagu qiyaaso.
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn Al-khaddaab (A.K.R.) in uu
yiri waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh:"Camalka waxaa saldhig
u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa…….".
(7) CIRBADAHA NAFAQO SIDEENKA
AH (Faleebo,
iwm.) Qofka sooman haddii uu si bareer ah u isticmaalo cirbadaha nafaqada ee
xiddidka laga qaato, cirbadahaas oo booxin kara kaalintii cunnidda ama cabidda,
oo qofka ka bi’iya gaajada (baahida) ama oonka, soonkiisu waa burayaa. Qaybaha
kale ee cirbadaha-daawada oo aan lahayn nafaqo baahida baabi’isa soonka ma
jebiyaan.
(8) IN AY IBTA FARJIGA
BIYO KAAGA YIMAADAAN SI IKHTIYAARKAAGA AH: Soonku
waa ku buraa haddii qofku manidiisa ku soo saaro taabasho, dhunkasho ama gacan
(iyo wixii la mid ah). Laakiin haddii ay manidu iskeed u soo baxdo oo qofku
uusan sabab u ahayn soo bixiddeeda, ama isaga oo hurda ay kasoo baxdo wax
dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix.
Caa’sha (A.K.R.) waxay
tiri: Rauulkii
Alle (S.C.W.) wuu i dhunkan jiray isagoo soomman, wuxuuna laabta i saari jiray
isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa midka keliya ee idinku jira ee u hanan og (ka
adag) naftiisa (yacni iska qaban kara inuu u hunguriyoodo galmo). Laysku
Raac ~ Muttafaqun Caleyhi.
F.G. Qofka sooman waxaa la doonayaa in uusan ku xeel-dheeraan
luqluqashada ama sandaarsiga marka uu weeseysanayo waayoo waxaa laga yaabaa in
ay biyo ku cararaan.
Laqiid bin Sabira
(A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "U
weeseyso si dhan oo waafi ah (kaamil), oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba
farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah (is-dhexgelin),
aadna u sandaarso, laakiinse haddii aad sooman tahay markaa iska jir
sandaarsiga aadka ah (si aysan wax biyaha ka mid ah uga gelin calooshaada
xagga sanka)”. W.W. Abuu Daa’uud iyo Tirmidi oo yiri waa
xasan ah oo saxiix ah.
Qofka sooman waa in uu
iska ilaaliyaa beenta, xanta isku diridda dadka, dhaqanka xun iwm. Culimada
qaar, waxa ay qabaan in ay beenta, xanta, isku diridda, dhaqanka xun iwm. ay
soonka jebiyaan. Culimada qaarna waxay qabaan in aysan soonka jebin balse ay
ajarka soonka nuqsaamiyaan. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo muslim ah waa
in uu ku sifoobo dhaqan wanaagsan iyo muslinnimo khaalis ah, si soonkiisu u
noqdo mid miro dhal ah.
WAXYAABAHA AAN SOONKA BURIN
Waxaa jira waxyaabo badan
oo aan soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u lahayn ay rumeysan yihiin in
ay soonka jebeyaan; waxyaabaas aan soonka burrin waxaa ka mid ah:
(1) Dhamaan WAXYAABAHA
SOONKA BURRIYA (JEBIYA) oo aan kor ku soo xusay haddii ay
dhacaan ama la sameeyo ayadoo la hilmaansanyahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay
(KHADA’), ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lagu qasbay (IKRAAH) soonka waxba
uma dhimayaan.
Abuu Hureyra (A.K.R.)
wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: "Qofkii is illaawa
isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa
cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay
ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi – Laysku
raac).
Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: "Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda
wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay"
(2) Qofka haddii uu isku
janaabo ama isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan habeenka
Ramadaanka ee uu waagu ku baryo iyagoon weli qubaysan soonkoodu waa u
jiraa (yacni maalintaas waa soomi karaan, haddii ay habeennimaddii niyeysteen
in ay soomayaan maalintaas). Waxaa daran in ay wax galmo ah sameeyaan kadib
markuu waagu baryo.
Caa’isha (A.K.R.) iyo Ummu Salama (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Mar
kasta oo Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir ahayn (yacni la
galmoodo xaas ka mid ah xaasaskiisa iyadoo aysan aheyn riyo habeenkii ku biyo
bax) waxuu (S.C.W.) la imaan jiray qubeys oo soomi jirey.
Bukhaari iyo Muslim
SIDOO KALE
Caa’isha
(A.K.R.) waxay tiri: "haddii Nabigu (S.C.W.) waagu
u beryo isaga oo la galmooday Xaas ka mid ah xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray
sida caadiga ah". Bukhaari iyo Muslim
(3)
Dadka qaarkood waxay ka cabsadaan in ay subkadaan ama ay kareem is
mariyaan, ama in ay barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama
fooxa la shito ay isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.
(4)
Qofka haddii sankiisu dhiig ka yimaado (san-goror) ama uu ilig iska rido
ee sidaas dhiig uga yimaado, wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix
waxaase laga rabaa in uu san liqin ee iska tufo.
(5)
Toobinka – Toobinka
markii hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya laakiin dib ayaa laga
nasakhay. Nabiguna (S.C.W.) waxuu is toobay isagoo sooman. Sidoo kale toobinka
waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiigga yar oo miikariskoobka lagu eego oo
sheybaarradu ka qaadaan dadka.
Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii u horeysay oo toobidda qofka soomman loo
diiday waxay ahayd markii uu Jacfar bin Abii Daalib (A.K.R.) is toobay isagoo
sooman, oo Nabigu (S.C.W.) soo maray oo yiri: "Labadaaniba waxay
buriyeen soonkoodii.” Wixii markaas ka dambeeyayna Nabigu
(S.C.W.) wuu u fasaxay inuu is toobo qof kasta oo sooman,
Anasna wuxuu is toobi jiray isaga oo sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay inuu
yahay Qawi. Xadiiskuna waa saxiix.
(7) Taqdiir : goojo dhegaha ama sanka lagu dhibciyo.
(8) Indha kuusha indhaha la marsado.
(9) tisxi duulaya, boor, barafka cirka ka da’a oo dhuunta ku carara (gala).
(10) Cunto dhadhamin, waxaase shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin "xarafka X meesha uu kasoo boxo”.
(11) cadayashada : rumeysashada iyo luqluqashada.
(12) biyo is marmarin (isku qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.
(13) In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la iska jaro, ama ilkaha oo la iska bix-bixiyo.
Maxaa soonka Jabiya????
WAXYAABAHA SOONKA BURIYA (JEBIYA) INTA SUGAN OO LAYSKU RAACSANYAHAY