Dadaalka Salafka

0
Saturday December 22, 2012 - 05:50:46 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 2550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadaalka Salafka

    Qalbiga hadduu ku xiran yahay Alle waxaan shaki lahayn inuu jeclaanayo salaada, sidaa awgeed ayuu nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid jecel salaadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalbiga hadduu ku xiran yahay Alle waxaan shaki lahayn inuu jeclaanayo salaada, sidaa awgeed ayuu nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid jecel salaadda,

Anas wuxuu ka wariyay nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee inuu yiri:Waxaa layjeclaysiiyey catarka udgoon iyo guurka haweenka, waxaa laga yeelay salaadda miday ishaydu ku qabowsato oy ku raaxaysato.


Nabiganaxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu oran jiray:Bilaalow noogu raaxey salaadda. Waayo bilaal wuxuu ahaa mu'adinka Nabiga wuuna cod wanaagsanaa.

Salaada waajibka ah ka sogowna wuxuu nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee ahaa mid tukada salaadaha sunanta salaatul leylka.


Caa'ishaAllaha ka raali noqdee waxay tiri:Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid u istaaga salaatul leyl ilaa ay caguhu ka dildillaacaan. Waxaan ku iri maxaad sidaa u samayn Rasuulkii Allow adigoo laguu dhaafay dambigaagii mid hor iyo mid dambeba? Markaasuu yiri: Haddaba miyaanan noqoneyn adoon Alle ku mahdiya oo ku shukriya.


Allekor ahaaye wuxuu amaanay mu'miniinta Alle ka cabsatay habeenkooda in badan cibaadeysata, Allena dambidhaaf weydiisata, Alle wuxuu yiri:Waxay ahaayeen kuwo wax yar habeenkii seexda inta kalena cibaadeysta, waaberigana dambidhaaf Alle weydiista.

Salafku waxay ahaayeen kuwo ku dadaala salaadda had iyo jeer tusaale:

Waxay ahaayeenrag hadday salaadda jamaca ka tagto isugu tacsiyeeya

Waxay ahaayeenrag hadday jirran yihiin iyagoo garbaha la hayo masaajidka la keeno seeyan u dhaafin salaadda jamaca.Waxay ahaayeenkuwo ku tartama safka hore.Waxay ahaayeenrag camal kasta salaadda ka jecel.


Sidaa awgeedIlaahay kor ahaaye kitaabkiisuu ku amaanay wuxuuna yiri:Waa rag ayna ka shuqlinayn ganacsi iyo gadasho xuska Eebe iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada iyagooka cabsan maalin quluubta iyo araggaba gadgaddoomayaan(Qiyaamaha).


Sidaa awgeedsalaadda, sakada, xajka, soonka iyo dhamaan qeybaha diinta Islaamkuba waxey u baahan yihiin rag naftooda iyo maalkooda iyo waqtigooda u hura sida salafka ummaddaan.

Kheyrka Allaha na waafajiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip